SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Agoonta  Maanta iyo Agab laawayaasha haysta!

 Bishaar C/risaaq 
bishaar100@hotmail.com

 

Ilma yar oo asagoon qaangaarin,caqlisan islamarkaasna ka adkayn inuu helo wixii aabbihi ugu fillaa ayaa loogu yeeraa Ereyga (Agoon). Inkastoo haddana qof walba oo  Odaygii dhalayi dhintay ladhoho waa  Agoon.

 

Sikastaba ha ahaatee  ujeeddada haatan  aan kaleeyahay Ereyga [aqoon] ma ahan kii looyaqaanney ee ahaa [Aabbalaaway], laakiin waa agoon kaduwan kaas.

 

Markaad sifiican umilicsato Cinwaanka uu xanbaarsanyahay  Maqaalakan, waa Laba erey ama laba magac oo kala ah: Agoon iyo Agablaawayaal.

 

Sida Caadadaah, ama ilaahayba Aadanaha u abuuray waa inay xor ahaadaan, ka ahaadaan xor  Ilaahay wixii kasoo haray oo dhan.

Haddii marka taas lawaayo oo qofku u ahaan waayo xor Adeegisiga Awoodihiisa  Muruqeed,Maskaxeed iyo waliba  Maaleed Ee uu leeyahay, Ilaahaygii abuurtana  uusan ka xayirin,  laakiin  Aadane lasimani  udiiday oo kahor istaagay,  soo arrinku maahan aan ku Addoonsado alle sokadi? Oo aan koontaroolo Gacantana ku hayo guud ahaan noloshaada oodhan! Anoo waliba kaala siman Dhinacyada kala duwan ee Aadanuhu kakoobanyahay, oo haddii aadan saasyeelin, sandulle ayaan kugu yeelsiin! Oo seedahaan kaagaraacin ilaa aad ka oggolaato taladayda!!?.     Tolow Arrinku layaabbadanaa oo Ninku indha adakaa!.

Nin ayaa laga sheegay: waxaan layaabaa Duddunta intaas le,eg Aboor baa dhisay, waxaase igala yaabbadan habaynkii buu dhisaa  waxaana ugu yaabbadan ayuu yiri calyadiisa ama candhuuftiisuu kudhisaa!…..haatan aan kuutaliyo oo Gacmaha laabo, sandulle iyo karbaashna aan kuugu taliyo,islamarkaasna waa kula sinnahay soo wax lagu qoslo lalana yaabo maahan.?

Shakhsi ciilkaas labaday ma u egtahay in uu u adkaysanayo arrinkaas? In inteese  le,eg buu u adkaysan karaa oo qarsanayaa ciilkaanbigaas? Kiise aan u adkaysan Karin oo  Abuuriddiisu ayan aqbalayn dulli kunoolaanshaha  ama halagu lahaado sidii xoolihii kaasi muxuu samaynayaa?.

Ilmihii waayay wax tarkii iyo wehelkii Aabbahood marhaddii layiri waa  Agoon, soo micnaha agoonnimadu maahan Naaqusnimo kusoo kororta qofka, Dhaawacna ugaysata Damiirka,Dadnimada,iyo Dulqaadka qofka? Tafsiirka Agoonnimadu saas hadduu yahay  soo kuma habboona- kan waayay ama lagu tuntay xaqii uu ulahaa inuu noolaado- in ladhoho Agoon  

Warkii oo qeexan arrinku waxaaweeye: Agoon oo ah lahaystayaasha laga xayiray Xurmadii iyo Xaqdhowrkii ay u lahaayeen inay noolaadaan, iyo Agablaawayaal oo ah haystayaasha Bahalnimada ku ruugaya xaqii iyo xisaabtii kuway ka adkaadeen.

Haddaan si kale udhigo :Agoonta oo ah shacabka ama rayidka hoosjooga Qabqablayaasha khayrka daran iyo Agablaawayaal oo ah Qabqablayaashaas iyo Beelaha ay kasoo jeedaan, oo xukun Xalaasha kafog haysta oo waliba salad iyo soo kudaraya!!.

 

  Bishaar C/risaaq 
bishaar100@hotmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD