SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxkamad-suge haddana madaxweyne-suge ah

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

London, UK

July 22, 2004

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Waxaa jira labo kooxood oo dad ah oo kornaylku qaraabadood ku xasuuqay Puntland. Qolo markay aragtay inaysan jirin cid Puntland joogta oo shareeco Islaam saari karta C/hi, ayey waxay arrintii la aadeen halkay joogeen xaaskii iyo carruurtii aabbayaashood cayaarta lagu laayey. Maaddaama xaaskii iyo carruurtii Suldaan Hurre ay joogaan London ayaa qolyihii Suldaanku ka dhashay waxay ku mintideen in C/hi iyo maxkamad is arkaan waxayna dacwad isaga ku lid ah ka bilaabeen London. Qolyo kale, inkastoo laga laayey dad ka badan boqolaal haddana waxay goosteen inay C/hi ka dhigaan madaxweyne! Waa dadka hadda safka hore uga jira ol’ole ay rabaan in C/hi  noqdo madaxweyne Soomaaliyeed. Kollay ninka ragga  ahi, dilka dayuusnimo kama sii qaado ee wuu ka dhiidhiyaa. Waan ogayn wixii ka raacay toogashadii uu Maxamed Siyaad toogtay 17-kii nin ee cinqilaabka ku jiray. Dadkii nimankaas laga laayey ma Maxamed Siyaad bay la safteen si uu xukunkiisa ku sii haysto mise dagaal bay kala horyimaadeen? Laakiin nasiib wanaag inta C/hi boqolaal dilay ayaa maamus, tixgelin iyo madaxweyne-la-raadis loogu sii daray. Waan fahmayaa sheekaday wataan laakiin ma filayo inay shaqaynayso. 

Oo ma cid aan Ilaah ahayn baa kornaylka madaxweyne ka dhigi karta? Maya. Qofkii awal shaki ku jiroow hadda shaki bax; Maraykan, Ingiriis iyo Yurubta kale midna C/hi kama dhigi karo madaxweyne. Sabab? Haddee madaxweyne Maraykan ama mid Yurub ama ra’iisulwasaare Ingiriis ma ka suurtoowdaa inay dhahaan halagu cesho Saddaam Xuseen inuu xukumo Ciraaq? Ama Miloosafeej inuu xukumo Yuguslaafiya? 

Waxaan raadinaynaa marmarsiinyo aan Bush, Blair iyo madaxda kalaba ku saarno maxkamadda adduunka waa hadday C/hi madaxweyne ka dhigaan (iyo waxa la midka ah). Hadday nimankaasba u rabaan jago sidee ku dhihi karaan waxaan rabnaa inaad dowlad yeelataan ood lugihiinna ku istaagtaan? 

Inkastoo dad igu dhaliilo haddana waxaan jeclahay inaan waxyaalo diinta la xiriira tusaale usoo qaato. Waad aragtaan in daciifnimada axaadiistu aysan isku mid ahayn. Waxaa jira axaadiis badan oo dacfi ku jiro markay kaligood yihiin laakiin mararka qaarkood waxay helaan axaadiis kale oo la mid ah ama ka yara xoog badan  oo xoojinaysa dabadeedna  kor u qaada markaasaa la gaarsiiyaa darajo la yiraahdo “xasan li qeyrihi”; micnaha xaddiiskaasi wuxuu ku xoogaystay axaadiis kale. Dalacsiinta keliyaan uga danleenahee yeysan maskaxdaa kusoo dhicin in is-bar-bar-dhig u dhexeeyo axaadiista iyo dagaal-oogayaal. 

Reer Galbeedku waa sidoo kale oo waxay fahmeen qaabka ay fidrada iyo Islaamku u shaqeeyo. Hadday rabaan inay cid madaxa naga saaraan waxay la aadayaan qolyo xooggaa dhaama dagaal-oogayaasha sida Caddow iyo Galaydh oo kale laakiin ka fili maysid inay C/hi iyo Maxamed Dheere kaaga dhigaan madaxweyne. Ogaada reer Galbeedku waa yaqaan maahmaahda ah: side xeero loo xagtaa, ilkana ku nabad galaan. Marka iyadoon cidna la leyn hadday Soomaaliya ku qancin karaan mabda’ooda iyo siday u noolyihiin haddee waa tay rabeen. Laakiin iyadoo 50 “state” ee Maraykanku leeyahay ka socdaan muxaadarooyin, Soomaali bixinayso, ka warran C/higa raba inuu sumcad ku helo baajinta mid ka dhacaysa Gaalkacyo oo isagu xukumo? Waraysigiise uu siiyey wariyayaal Talyaani ah isagoo diintiisa, dadkiisa iyo degaankiisa caayaya maka badbaadsheen maxkamadda Ingiriiska? 

Kollay anigu weligay isma oran C/hi oo madaxweynaa ama ra’iisulwasaare baad arkeysaa laakiin haddii Ilaah idmo waxaaba dhici karta inaan arko isagoo fadhiya meesha maxkamadda laga fariisiyo qofka dacwadda loo heysto. Oo yaa maxkamaddaas ii diidi kara inaan galo haddii Ilaah idmo? Dadka qaar bay la tahay in C/hi sidii Qadaafi uu keensan doono waardiyayaal ka socda daraawiishtiisa oo noo diidi doona inaan galno maxkamadda. 

Toloow odaygu suu noqon marka inta waraaqda maxkamadda laga rogto internetka dabadeedna loo qaybiyo xubnaha IGAD, IPF, safiiradda jooga Nairobi, Kiplagat iyo ergada Soomaaliyeed? Mise odaygu taangi buu ka saaranyahay oo waxa yar yarka ah oo noocaas ahi ma karaan? 

Waxaan leeyahay maxkamad-suge ma qaybin karaa xubnaha baarlamaanka ee qabiilooyin badan usoo gelaya? 

Waxay dhaheen “cidladiyo jacaykuna caaway igu kulmeen”. Maxay oran lahaayeen hadday cirro iyo ceebi ama maxkamad-sugid iyo madaxweynanimo-sugidi isagu kaa darsanto?  

Waxaan kusoo xirayaa, in dad badan oo madaxweynanimo ama ra’iisul wasaaranimo u tartamayaa markay maqlaan maxkamaddaas ay xasuusan doonaan meerisyo uu tiriyey Samatar Baxnaan Allaha u naxariistee: 

  • Anna waxaan la xoodnaa shalay iga xayuubsheene
  • Waa kaa jidhkeygii xoqnaa soo xankaakubaye
  • Xaajada miduun baad qalbiga uga xayaaddaaye
  • Hadba waxaan la xarakaadayaa waa xogtaan helaye
  • Sida xoorka jebiyee shinnida xoonbax odhanaaya
  • Aan xabag-barshiyo awlallada laga xijaabeynin
  • Xowliga durduradaan ka baqi xeeb inaan tago e!

Oo xeebaha la sheegayo ma ku jiraan Boosaaso, Eyl ama Garacad? 

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK.

 cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | July 22, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD