SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
   
Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya-Jwxo

Bayaan ka soo Baxay Gudida Badbaadinta Halganka 

Ref.No. : JWXO/GB/2004-0006
Date : 16 July 2004
 

Bad Baadinta Halganka Xaq u Dirirka ah ee Shacbiga Ogaadeenya

Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya-Jwxo,oo wadda Calankii Halgamaddii kala duwanaa ee uu Shacbiga Ogaadeenya tan iyo haatan soo maray, ayaa ah mid ka dhalatay Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya oo Walaalahooda kale ee Soomaaliyeed kaga hadhay gacanta Gumeysiga Itoobiya,iyada oo bilawgii Sanadkii 1991-kii si rasmi ah Siyaasiyan iyo Ciidan ahaanba uga Hawl Gashay,Fagaaraha Siyaasadeed ee Geeska Afrika,meeshana ka saartay Marin habaabintii Gumeysiga Itoobiya la daba socon jiray Halgamaddii hore,kuna Hogaamisay Shacbigan sidii uu Xoriyadiisa ugu Halgami lahaa.

Dabayaaqaddii Sanadkii 1998-dii ayaa Hogaamintii Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya-Jwxo,waxay gacanta u gashay Adm.Mohamed Omer Osmaan oo u dhashay Ogaadeenya, kana mid ahaa Madaxdii Sare ee Dawlada Soomaaliyeed isaga oo Mulkiyey Hogaamintii Jwxo,kalana Wareegay Sh.Ibraahin Cabdalla oo Gud.u ahaa Jabhadaas.Waxayna sida Sharcigu Dhigayo Jwxo,Doorasho Samaysaa,4-tii Sanoba Hal Mar ah iyada oo lagu Doorto Gudoomiyaha Jabhada,Gudida Fulinta,Gole Dhexe iyo Maamul Gobaleed,kuwaas oo ku Haga Jabhada,Shacbiga iyo Halgankaba mudadaas la doortay.

Tan iyo Intii uu Xilka Gudoomiyenimo ee Jwxo,qabtay Adm.Mohamed Omer Osman,Bishii Sept,1998-dii, ayaa waxaa Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya-Jwxo,ku soo korodhay waxyaalo aan horay ooga jiri jirin Halganka, marka la fiiriyo Taariikhda Halganka Ogaadeenya intii uu jiray.Qorshayaasha ay Jabhadu u Qoondaysay in uu Maamulkaasi fuliyo 4-ta Sano ee ay Xilka Hayaan oo ku ekayd,June,2002,ayaa waxaa ka mid ahaa

1-Ku fidinta Halganka Xoriyad doonka ee Shacbiga Ogaadeenya,dhamaan Gobalada iyo Beelaha Soomaaliyeed ee Ogaadeenya wada dagan.

2-Xoojinta,Kor u Qaadida,Kicinta iyo Abaabulida Halganka loogu jiro Aayo Ka Talinta Shacabkan Ogaadeenya iyo Shacabkaba.

3-Diyaarinta Xubno Jwxo,oo u Bisil aayo gaadhsiinta Shacabka iyo Hagida Halganka Mustaqbalka kuwaas oo ka soo dhex baxa Xubnaha Jwxo,ee Gude iyo Dibadba ka Hawlgala iyo Aqoonyahanada u Dhashay Ogaadeenya.

4-Xal Siyaasadeed u raadinta Qadiyada taas oo ah mida kaliya ee Baajin Karta Dhiiga ku daadanaya Ogaadeenya ee Dhex Maraya Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya,ee Jabhada iyo Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya ,kaas oo Dulmi iyo Xaqiraad ku Jooga Ciida Ogaadeenya iyo Qorshayaal kale oo badan.

Hadaba Halkii uu Maamulkani Hirgalin lahaa Qorshayaashaas ayuu ku Dhaqaaqay kuwo aan looga fadhiyin oo Minjo Xaabin iyo Majara Habaanin ku ah Hadafkii Halganka iyo Ujeedaddii Xilka loogu Dhiibay waxaana ka mida,

1-Wuxuu si toosa gacanta ugu Dhigay Maamulka Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo Dhamaanba Halgankii Gudaha ka socday si Qorshayaasha uu ka dhex Fulinayo Ogaadeena ayna cid aan isaga Taageersanayn u ogaanin,iyada oo Xaalado badan oo Dhibaato Shacabka iyo Halgankaba ku ah ay Gudaha Ogaadeenya ka Dhaceen.

2-La Wareegidda iyo si toosa isu Hoos Keenida Dhamaan Halbawlayaashii Halganka sida Saxaafada,Radio Xoriyo,Ogaden Online,Ogaden News Agency,ONLF.Org iyo Qoraxey Online,kuwaas oon haatan ka badnayn aalado uu ku adeegto Maamulkaas oon haba yaraatee si dhab ah uga turjumaynin Hadafka iyo Xaqiiqada Halganka oo ahayd tii loo aas aasay.

3-Wuxuu Maamulkani Hab Shirqoola ku Dilay in ka badan 20 Xubnood oo ka mid ahayd Gudida Fulinta,Golaha Dhexe,ee Jwxo,oo ilaa iyo Maanta habkay ku Shahiideen ayna cid aan ahayn midii fal Dambiyeedkaas geystay ogeyn iyada oo suáalo badan layska weydiinayo.

4-Wuxuu Maamulkani gebi ahaanba Gude iyo Dibadba ku Gafay oo niyo Jabiyey Xubnihii Halganku ku dhisnaa ee Guul Gaadhsiin lahaa iyo Dhamaanba Jaaliyaadkii,Ururaddii Bulshada Ogaadeenya iyo Shacabkii Gudaha Ogaadeenya Halganka si dhaba uga waday.

5-Wuxuu ,si toosa isu hoos keenay Dhaqaalihii Halganka ee ka Imaanayey Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Halganka ku Taageera Dhigaalka Ururinta Qaaraan Bileedka ay Xubnahu ku Deeqaan kaas oo Irmaan Waraabsi u noqday Maamulkan Mohamed Omer Osmaan Gudoomiyo.

Intii u Dhaxaysay 1-15 Bishii June,2002dii oo ahayd Xiliga uu sida ku cad Xeerka Jabhada Maamulkaasi Mudaddiisu ku ekayd,ayaa halkii uu Qaban lahaa Shirweyne loo dhan yahay wuxuu isugu yeedhay Qaar ka mida Xubnaha Golaha Dhexe ee Jwxo,siiba intii isaga u dhaga nuglayd,oon Xiligaas ka badanay 17 Xubnood,taas oo khasab ka dhigaysay in Markaas Doorasho deg dega la qabto,wuxuuna si aan Sharciga Waafaqsanayn Kordhistay Xiligii Maamulkiisa oo ku ekayd mudadaas,wuxuuna ku darsaday 2 Sano oo kale,wuxuuna isagoo kaashanaya Cudurkii uu ka Dhaxlay Macalinkiisii Siyaad Barre iyo Xisbigii Hanti Wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed Shirkaas ku kala Diray Golihii Dhexe ee Jabhada.Waxaa hadana Dabaqaaqaddii Sanadkii inaga tagay Bishiisii Dicember,2003,uu Shir isugu yeedhay qaar ka mida Gudida Fulinta Jwxo, isaga oo sidii Golihii Dhexe oo Kale hadana awooda kaga qaaday Gudidii Gulinta Jwxo.

Hadana intii u dhaxaysay 15-30-kii Bishii inaga tagtay ee June,2004,Shir ay yeesheen waxa ay ugu yeedheen Golaha Dhexe ee Jwxo,oo loogu tala Galay in lagu Xisaabtamo laguna Magacaabo Gudi Qaban Qaabo oo Shacabka u Diyaarisa Shirweye Qaran oo lagu doorto Maamulkii Jabhada ooWata Kalsoonida Shacabka Ogaadeenya iyo Xiliga iyo Goobta Shirka lagu qanbanayo,ayuu hadana nasiib daro Adm.Mohamed Omer Osmaan oo haya Jagada Gudoomiyaha Jwxo,ku kordhistay Xiligii Maamulka Jwxo, oo kaga ekaa June,2002 mar kale ku darsaday hal Sano oo kale taas oon sinaba Sharciga Jabhadu iyo Xeerkuba u Ogolayn,wuxuuna ku dhaqaaqay Qorshe Balaadhan oo ku Dhisan Dhalan Rogga, Qalibaada Halganka iyo Hadafka Shacbiga Ogaadeenya.Waxayna u Muuqata in Shirkana uu noqon Doono kii lagu Baa´biyey Jwxo,gebi ahaanba.

Hadaba Anaga oo Tix Galinayna Dhamaan Arimahan aan kor ku soo sheegnay iyo Baaqyaddii Badbaado ee Maamulkan horay loogu soo jeediyey ooy kuligood iska dhaga tireen,waxaanu u Sheegaynaa

1-In Goáanadda ka soo baxay Shirkaas ooy ka mid yihiin Kordhinta Xiliga Maamulka,Magacaabida Xubno Gole Dhexe iyo Dhamaanba kuwa kale ay yihiin kuwo aan Waafaqsanayn Xeerka Jabhada iyo Ujeedaddii Shirka loo qabtay oon marna la qaadan karin.

2-In Golaha Dhexe sida ku Cad Xeerka Jwxo,lagu Dooran karo oo Qudha Shirweyne Qaran,kuwaas ooy Doortaan Wufuuda,Xubnaha iyo Shacbiga Ogaadeenya ee Shirka Jooga.Magacaabidan Golaha Dhexe ee Mohamed Omer Osman, ayna ka badnayn oo Qudha sheegida iyo Soo Badhigida Rabitaanka Maamukan Xiligiisii Dhamaaday.

3-In ay Mudo aan ka badnayn 90 Cisho ku qabtaan Shirweyne Qaran oo uu Shacbiga Ogaadeenya ku doorto Maamul Xalaala oo Matala Halganka iyo Qadiyada kaas oo haysta Kalsoonida Shacabkiisa.

4-In ay Ixtiraamkii iyo Sharaftii uu Shacbigu ku siiyey Awooda tix galiyaan ooy hadana dib awooda ugu soo celiyaan Shirweyne sidii Maamulkii iyaga ka horeeyey ee uu Gud. Ka ahaa Halgame Sh.Ibraahin Caballa.

5-In Shacabka Ogaadeenya iyo Xubnaha Jwxo,Gude iyo Dibadba ay qaadi Doonaan Talaabo Kasta oo Halganka Lagu Badbaadinayo Qiimo kasta ha ku Kacdee,Dhibaataddii ka Timaadana ay noqonayso mid Masuuliyadeedu ay Dhakada ka Fuusho Maamulkan.

Baaq

Waxaan Shacabka Ogaadeenya,Xubnaha Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya Gude iyo Dibadba,Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya-CWXO,Unugaha Jaaliyaadka Ogaadeenya,Jaaliyaadka Ogaadeenya iyo Dhamaanba inta ay khusayso ee kale ugu baaqaynaa in ay u istaagaan Badbaadinta iyo Difaaca Halgankooda,ayna Dhaqaalaha iyo Waxyaalaha kale ee Taageerada siinaya Maamulkan Qolo walba Meesheeda ku hayso ilaa iyo inta Maamul loo dhan yahay oo Shacabka Matala laga soo dooranayo.

Waxaa kale oon Beesha Caalamka,Dawladaha aan Saaxiibka nahay,Ummadda Soomaaliyeed ugu Baaqaynaa in ay Adm.Mohamed Omer Osmaan iyo Maamulkiisu yihiin kuwo Xiligoodii Kol Hore Dhamaaday oon wadanin Kalsoonida Shacabka Ogaadeenya,ilaa Jwxo,ay ka samayso Doorashona ayna Jabhadu lahayn Maamul Goáan Gaadhi kara in uu Doorashada ku simo mooyeen.

Halganka Shacbiga Ogaadeenya wuu socon,Gumeysiga Itoobiyana wuu Guuri,Sidii aan u soo Guuray baan Geedigii nahay,Gurmadaay Nin Guul laga sitaa Geed Ma jiifsado.MIGAAA.

Abdi-Sayid Yuusuf,Abdi Madaale

Gudoonka Gudida Badbaadinta

Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya-Jwxo.

  <badbaadintajwxo@yahoo.ca>  

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD