SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
  soomaaliya oo qaxooti qaabilaysa iyo qabiilka oo ku danbeeya qurbaha

 

Qaybtii 1aad halkan ka akhri

waa qaybtii 2aad--------poliska durbadiiba waxa uu nagu soo celiyey hoteelkii waxa uuna nagu wareejiyay masuuliyiintii goobta oo goor horeba ku war galiyeey war baahinta inay dadweeynaha oga digaa sadex nin oo qurbaha ka yimid oo ka fakaday halkii lagu hayeey ayagoo waliba ka codsaday in bulshadu ka qay qaadato inay gacan ku siiyaan sidii loo soo celin lahaa maxaa yeelay waxay aad oga naxsanaayeen in aanan joognay uun hal sitimaan oo aanan wali uguda galin barnaamijkii naloogu tala galay taasoo ay u arkaayeen inay qatar teeda leedahay.
runtii nalakama waaliin oo wax dhiba iyo han jabaad nalooma gaysan ee waxaa nala ka codsaday hadii aan doonayno inaan wadanka kunoolaano siina joogno inaan u hogaansano qawaaniinta u dagsan taasoo naloo raaciyay inay tahay mid ay ku waajibtahay muwaadin kasta.
waxaan balan qaadnay inaanan u noqon doonin qaladkaas oo aan ilaalin doono nidaamka guud ee umada.
waxaan aadnay qolalkeenii waxaan daartay tv dhexyaalay qolka kasoo ay ka socotay cayaar uu qaranku la yeelanayo dalkale oo afrikaana taasoo ay ahayd isreebreebka bariga iyo bartamaha afrika waxaa aad iisoo jiitay taageerayaasha soomaaliyeed ee soo buuxiyay garoonka iyo qiirada wadaninimo ee ka muuqata waxayna dhagahaygu maqlayeen heeso wadaniya oo dad kumanaankun gaaraya ay hal mar wada qaadayeen si ay u tusaan taageeradooda inamada ku cayaarayay magaca umada waxa heesahaas kamid ahaa heestii soomaaliyeey toosoo oo ay dhagahayga ugu danbaysay waa hore marka laga reebo dhawrjeer oo aan ka maqlay shirar ay isugu yimaadeen kuwo qabqablayaala kuwaasoo aan si daacada ugu luuqaynany kana ahayn kal iyo laab.
cayaartu waxay ku bilaabatay si dar dar leh inamada ku ciyaarayey magaca soomaaliyana waxaa u suuroowday inay isla markiiba la wareegaan hogaanka ciyaarta taasoo dhawr fursadood oo qaaliya kadib ay usuuro gashay inay dhaliyaan goolkii ugu horeeyey taasoo sii saa idisay sawaxankii iyo qayladii garoonka iyo waliba dhamaan dadkii aan nasiibka u helin oo iyagu ka daawanayey guryahooda gabagabadii cayaartana waxay guushii ku raacday 3:0 inamadii soomaalida.
marba marka kadanbaysa waxaa noosoonoqonayay muraalkii iyo niyadii aan u haynay dalkeena hooyo waxaana nagu sii abuurmayey wadaninimo iyo soomaali jeceel.

 
subaxdii marku waagu baryo qofwalba waxa uu u dhaqaaqaa camalkiisa mana jirto cid shaqala aan ah dawladuna waxay u fududaysay dadka inay helaan shaqo kufilan oo kaafin karta nolol maalmeedkooda.
 
waxaan aad ula dhacnay labiska kala jaad jaadkaa ee ay xiran yihiin ilmaha u socda iskoolada taasoo gabdhuhuna ay xiran yihiin dhar aad u asturan oo tilmaamaya aaminsanaanta diintooda kana turjumaya mujtamaca ay kasoo jeedan ee muslimka ah qofna laguma qasbayo inuu soo xirto dhar gooniya hase yeeshee shardigu waa inuu yahay mid ilaalinaya anshaxa diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee umada.
wax barashadu waa bilaash ardaduna waxay leeyihiin dhaqaale gooniya oo loogu tala galay bil walba.
waalidiinta waxaa xil kasaaran yahay kawarqabida iyo ku ababinta ilmahooda anshaxa wanaagsan waalidkii taas iska dhaga tirana waxaa loo xilsaaray hay ad gooniya oo ka war haysa barbaarinta iyo wax barashada da yarta.
saaxaafadu waxay ahayd mid madax banaan oo aysan jirin cid koontroosha kuna shaqaysa nidaam aan xadgudub lahayn qorta ama sheegtana wax ay hubto oo aan shaki ku jirin marwalbana ka cudur daarata hadii ay samayso qaladaad.
waxaa jiray xisbiyo badan kuwaas oo kala moowqif duwanaa ayse isku keento midaynta iyo suurta galinta diinta islaamka iyo jiritaanka qaranka.xisbi walbana waxa uu afkaartiisa ku salaynayey inay waafaqdo diinta islaamka.
 
baarlamaanka iyo dawladu waxay ahayd mid ay dad waynuhu soo doortaan oo majirin cid iyadu is doorata.
waxaa aan aad ula yaabay markii goor fiid oo saacadahaas oo kale loo ga bartay idaacadaha dawligaa iyo kuwa shaqsiyaadkuba inay wararkood u soo gudbiyaan dadweeynaha in si lama filaan hal mar uu oga soo dhex baxay tv,ga iyo raadiyahaba war dagdag ah kasoo ku saabsanaa hadal uu madax weeynuhu uu umada u jeedinayay
 
muuqaalka madaxweeynaha oo ahaa nin aan saas usii weeyneen dada kontankaa leh laba xaas iyo dhawr ciyaala dagan guri ku dhex yaal xaafadaha uu shacbigu daganyahay aan lahayn waardiye iyo askar badan oo dabayaacaysa cadaalad uu falay awgeed, ka warqaba halka ay xaalada dad weeynaha siiba kuwa dan yartaa ay mareeysa aan is la weeynee qabiil aan ku dhaqmin ehlu diina leh aqoon aduunyo iyo mid aakhiro tukada salaadiisa dadka ugu yeera qayrka ogana diga xumaanta aan hanti saas ubadan lahayn ka dhawrsan wax isdaba marin nin jecleeysi iyo xukun jeceyl ku xisaabtama mushaarkiisa uun.
 
ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay isaga oo ay wajigiisa ka muuqato murugo aadna oga cudurdaaranaya qaladaadkiisa in maanta laga bilaabo uu rabo inuu xilka isaga dagoo oo uu aad ugu baahan yahay in uu ilmihiisa iyo xaasaskii waqti siiyo asagoo sheegay inuu waliba ka cabsanayo in uu cadaalad xumadiisa ku naar tago.
 
taasi waxay kunoqotay dad badan wax lama filaana oo waxaa taas kasii darnayd markii uu madaxweeynuhu hadalkiisii dhameeyey in uu wariyiihii dad weeynaha u sheegay in madaxweeynuhu intuusan shirkaan jaraaid qaban uu lahadlay golaha wasiirada iyo xubnaha baarlamaaanka oo ilaa iyo hada la layahay cid xilkaas u diyaara oo kala wareegta xukunka qofkastana wuu ka cudur daartay waxaana laga codsaday madaxweeynaha bal inuu xilka siihayo in mudaa inta laga helayo wax badala.
anagii qurbaha kanimid taasi waxay nagu noqotay wax naga daadagiweeysa in kursigii dhawr iyo tobanka sano laysku leeynayeey uu maanta la yaboohinayo oo la la yahay cid qaada xilkiisa.
 
halmar ayaan kor usoo booday markii ay korkeeyga ka dhawaaqday saacad aan ku buuxsaday inay ii kiciso salaada maqrib ogaadey in aan riyo kujiray waxaan fiiriyay dhinacayga arkay inaan wali qaxooti ahay dhexna jiifo gurigii afarta mitir ahaa iyo mujtamacii ay dantu isoo baday waxaan ku ciilkaambiyay saacada aan buuxsaday oo waxaan jeclaystay in hurdadu ii sii socoto laakiin taasi way iisuurtoobi waysay  waxaana ilaah ka baryay in umadayada riyadaas iyo mid kafiicanba dhab oga dhigo aammmmiiiiiiiiiiin.
dhamaad
hassan
xasan3@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD