SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 

BADBAADO!!!

Dawlad Baan Doonayaa Aabbahayna waa Diidan yahay!

Waxaan ahay gabar Soomaliyeed, oo da’deedu tahay 16-sano, anigoo aan weli sannadkii labaad buuxsanin ayuu dagaalkii sokeeye qarxay, sidaas darteed wax dowlad la yiraahdo weli indhaha ma aanan saarin, waxaan ku hadlayaa codka inta ila da’da ah ee aan weligod dawlad arag, waxaa beryahaan isa soo taraya hadal haynta dowlad Soomaaliyeed oo la filayo in ay ka soo baxdo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda dalka Kenya.

Haddaba, waxaa is weydiinayaa waxa ay dowladi tahay, tolow qaabkee bay u eg-tahay? Dowlad miyay dheer tahay mise way gaaban tahay? Miyey buuran tahay mise waa caato?, Ma casaan baa mise way cowlan tahay? Bal sidee bay u eg-tahay, ALLA yaa ii sheega! Sidee bay Soomaaliya u ekayd barigii ay dowladda dhexe jirtay, ALLA yaa ii sheega! Markaan jawaabo fiican u waayay su’aalaha maskaxdayda isku ciriiriyay waxaan  markii dambe weydiiyay aabbahay.

Aabbe Waa nin siyaasi ah… wuxuu jiraa dalka Kenya… si uu uga qaybgalo, shirka dib u heshiisiinta ee Soomaalida uga socda Mbagathi, Nairobi, wuxuu ka mid yahay ragga u sharraxan inuu Madaxweyne ka noqdo dalka, waxaan kula xiriiray khadka taleefoonka. Aabbe oo su’aalahaygii ka jawaabaya wuxuu yiri: “Dowlad waa maamul sharci ku dhisan, oo qofka dulman xaqiisa loogu soo dhiciyo kan wax dulmaayana abaalkiisa la marsiiyo”, isagoo taa uga gudbay su’aasha labaad wuxuu yiri: “Berigii ay Soomaaliya dowladda ahayd waxaa jirtay nabad iyo xasillooni, dadka lama layn jirin, dumarkana lama kufsan jirin, daaraha lama diiran jirin, dugsiyadana la dumin jirin, raggu xaasaskooda ayay u soo xoojin jireen oo reerka daqli keeni jireen, guud ahaan Magaalooyinku nadiif bay ahaayeen wayna nabdoonaayeen, waddooyinka waxaa taagnaa booliis shirciga ilaaliya, waxay labisan jireen dhar u gaar ah, dhexdana waxay ku xiran jireen Bastoolado ammaankoodu sugan yahay, cidna aan lagu fiiqi karin sabab la’aan. Xuduudaha waxa joogay Milatari Qaranka daafaca oo cadawgana qal-qal geliya, waxay ahaayeen astaantii geesinnimada, waxay ahaayeen baroosin-kii midnimada, waxay lahaayeen anshax iyo asluub oo ay uga tilmaannaayeen ciidanka dalalka kale ee shisheeye.

Waddooyinku way hagaagsanaayeen, waxaana taagnaa ciidamo taraafiik ah, oo gawaarida kala hagayay, waxay siteen firimbiyo oo ay afuufaan markii kalad dhaco, babasku halkii ay doonaan iskama mari jirin, oo mid walba dhanka uu waddada ka leeyahay ayaa loo ogolaa, haddii uu xadgudbana ganaax iyo xarig hadba midkuu mutaysto ayaa la marin jiray amaba la isku raacin jiray”.

“Oo aabboow waxaan ku weydiiyay hadday dowladnimadu sidaad u wacnayd maxaa loola diriroo loo dumiyay?” bay ahayd su’aal kale oo aan hawada jiirsiiyay. Aabbe wuxuu ku jawaabay: “Duqii meesha ka talin jiray Diktatoor keligii taliye ah ayuu ahaa, cidna wax kama dhageysan jirin, sidii gurigiisa oo kale ayuu Qaranka u maamulan jiray, wuxuu xiray wadiiqo kasta oo isbeddel lagu dhalin karo, annaguna waxaan doonaynay in dalka oo dhan isbeddel ka dhaco, markii ay muuqan wayday hab Dimuquraaddi ah oo xukunka looga qaado ayaa waxaa laga fursan waayay in dagaal lala galo isaga iyo dowladdiisiiba, waxaanu doonaynay isbeddel; si uu isbeddel u dhaco (Change for the Sake of Change) (oo macnaheedu ahaa wax kasata Soomaali ha ku qaadatee in isbeddel lala yimaado)” “Aabbow waan gartay sababta keentay burburka, waxaanse aabbe ku weydiinayaa, maxaa intaasoo sano wax loo dhisi waayay? Haddase wax rajo ah Kenya maka soo socdaan?”.

“Haa..! Rajadu ma xuma, dowlad baanu soo dhisaynaa; si dowlad uun loo helo (Government for the sake of Government) oo macnaheedu tahay (waxay rabto ha noqoteen in dowlad uun dalka la keeno) laakin shuruuddeedu ay ku xiran tahay in aniga Madaxweyne la ii doorto oo haddii la I dooran waayo dalka aysan dowlad ka dhalan doonin”. “

Intaa markuu yiri Aabbe Taleefoonkii waa igu damiyay. Anigu waan ooyayaa, abidkay dowlad ma arag, asaaggay waan ka haray, aqoon ma kororsan intii ay aafadu na haysay, iminkaan lahaa aad ileyska Xorriyadda indhaha saartid, umana jeedo ifafaale ii horseedi kara iftiin dowladeed inta aabbahay Musharrax yahay”.

Asaagey  waan ka haray, indho la’aantii aan ku jiray intii aan noolaa miyaa iminka iga hormuuqata, aniga waan ooyayaa, indhaheyga illin baa ka socota, aabbahay yaa iga qabta. Yaa I badbaadiya….yaa I badbaadiya……!!?

 

Waxaa Qoray: - C/nuur Xaaji Maxamed

E-mail: nuuru2003@hotmail.com

Kala xirrir maqaalkan

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD