SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
19 sano jir uu fariisan lahaa imtixaankii form-4,oo Xaaskiisa 71 sano jirta awgeed haleeli waayay inuu u fariisto Qalin jabintii. 
 
 
 
James Mburu Kamau oo 19 sano jir ah, islamarkaana dhiganayay galaaska afraad ee Dugsiga sare(Form Four),ayaa dhawaan u qoray guddiga Imtixaanka kama Dambeysta ee wadanka Kenya,kaasoo ku sheegayo inaanu ka qayb geli karin ufariisika imtixaankii u dambeeyay ee loo yaqaan KCSE,sababtoo ah inuu rabo inuu waqti badan siiyo Xaaskiisa uu aad u jecel yahay ee Nyagundu Wa Gichura oo 71 sano jira dhashayna 5 caruura oo kulli xaasas ah. 
 
go,aanka u gaaray James waxaa ka naxay oo qaylo dhaan ka keenay ardadii iyo Macalimiintiisii ,kuwaasoo ku tilmay James inuu ahaa arday aad u xushmad badan oo ay maanta oo uu joogo xiligii kama dambaysta ee kalaaska afraad inuu ka joogsado imtixaanka ay tahay dhabar jab ku timmid Mustaqabalkiisi.Wariyaal ka tirsan jaraaidka Kenya oo Booqday guriga ay ku nool yihiin labadaas lammaane oo u dhow magaalada Makuyu ayaa soo wariyay in Xaaska James raali uga tahay inuu ka haro Imtixaanka si ay u helaan fursad balaaran oo ay kuwada raaxaystaan.
  
Hooyada dhashay James oo lagu magacaabo Isabela Kamau oo aad uga yar gabadha ay sodohda u tahay ayaa tiri xaq uma lihi inaan faro gashado go,aaka wiilakyga; oo aniga waxkasta wiilkayga waan ku racsanahay ,xaaskiisana waa qof aanu isixtiraamno.Waxaase aad ug carooday aabaha wiilka oo ah caaqil qabiileed deegankaas laguna magacaabo John Kamau,isagoo yiri waxaan mar walba diyaar u ahaa inaan ka bixiyo kharash kasta oo uu u baahdo waxbarashadiisa,waana ka xumahay go,aanka uu gaaray wiilkayga James,waxaan ka rajayn inuu ka noqdo go,aankaas ayuu yiri aabaha wiilkaas ee Iskuulkiisii uga haray jacaylka Xaaskiisa jirta 71 sano. 
 
Maamulaha Dugsiga uu dhiganayay ardaygaas ayaa yiri waligiis wax dambiya muu galin James ,afarta sano oo uu dhiganayay iskuulkana hal mar baan arkay isagoo aabihiis dilay ka dib markii uu diiday inuu usoo iibiyo Sigaar.Aabaha Jamesna waxuu ka mid yahay gudiga walidiinta ardayda Iskuulka. 
 
Cabdi Xasan Somalitalk.com/Muqdisho
<abdi172@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD