SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUDUG
Isimada gobolka Mudug oo qado sharaf u sameeyay culimadii ka soo qeybgashay Nadwada Cilmiga ah 

Isimada gobolka Mudug oo uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdille Islaan Faarax ayaa qado sharaf ugu sameeyay Madcamka Oog culimadii ka soo qaybgashay Nadawadii cilmiga ahayd ee dhawaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo. Qado sharaftaas waxaa kale oo lagu martiqaaday madaxda gobolka oo uu hoggaaminyo gudoomiyaha gobolka Maxamed Warsame Yare (Jabhad), culimada iyo maamulka degmada Gaalkacyo. Ugu horrayn waxaa hadalka furay Islaan Bashiir oo aad iyo aad ugu mahadceliyay culimadii ka qaybqaadatay Nadwada, raggii soo qabanqaabiyay iyo dadweynihii ka soo qaybgalay intaba, hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa: (waxaan ku faraxsanahay kulankii diineed ee dadweynuhu ka soo qaybgaleen, wuxuuna ahaa meel aqoon laga kororsanayo, cilmiga ka socdayna waa loo baahnaa. Intii ka shaqaynaysay, culimadii wadday iyo dhammaan dadweynihii ka soo qaybgalay waxaan Rabbi uga baryayaa in uu waafajiyo. Aniga oo ku hadlaya magaca gobolka iyo dadweynaha khayrka jecel waxaan caddaynayaa in falka ka dhacay masjidkaas (Ramadaan) uu ahaa mid foolxun, waana ka xunnahay, waxaana u aragnaa falkaas dhacdo aan qurxoonayn, culimadana waan ka raali galinaynaa, waxaana si gaar ah uga codsanaynaa culimada in aysan arrintaasi ku reebin wax raad ah, wixii qaladaad ah oo dhacayna waa la saxayaa, waxaan kale oo ka codsanaynaa culimada inay dadaalkoodii meeshiisii ka sii wadaan). Waxaa kale oo Islaanku carrabka ku dhuftay in ay meeshaani tahay gobolkoodii. Islaanku wuxuu kale oo hadalkiisa ku daray in aysan culimadii Nadwada soo qabanqabisay fikradooda wadan ee ay fulinayeen amarka Alle. 

Waxaa kale oo goobtaas hadal gaaban ka soo jeediyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug Maxamed Warsame yare (Jabhad), wuxuuna uu u mahad celiyay Rabbi ka dib culimada iyo isimada, wuxuuna yiri: Isimada ayaa noo ah guddoon oo aan taladooda ku soconaa. Diinta fidinteeda mar walba dhib ayaa kaga timaada culimada wayna ku samraan, culimadana waxaan leenahay: raalli ahaada, waxa dhacayna cududaar ayaan ka bixinaynaa, raggii wax gaareenna Alle ha caafiyo, ciddii ka dambaysayna waan dabagalaynaa waxna waa ka qabanaynaa. Waxaan leenahay culimada nabad ku taga, nabad ku soo noqda, annaguna culimada kama maaranno dhan diineed iyo xoog, dhan nabadgalyo iyo isku xir. Waxaan ka codsanaynaa inay nagala shaqeeyaan wixii dadka la isugu keeni lahaa, aan ka wada shaqayno nabadgalyada, dhaqaalaha, diinta iyo waxbarashada. Waxaad naga helaysaan taageero buuxda iyadoo dadka diinta fulinayaa noogu simanyihiin sida ilkaha miishaarta). 

Intaa ka dib waxaa hadal dheer soo jeediyay Sh. C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya, wuxuuna ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen:

1.    In laga cabsado Allaha ina abuuray oo inoo nicmeeyay, loogana faa’iidaysto cimriga wax anfacaya aduunka iyo aakhiraba.

2.    Mahad naq iyo qaddarin ku aaddan soo dhawaynta, martiqaadka iyo qadarinta loo sameeyay, wuxuu kale oo sheegay in ay raalli yihiin awalna aysan waxba qabin, waxa dhacayna aysan raad ku reebi doonin, wuxuu kale oo caddeeyay in aysan marti ku ahayn meeshaan ee ay ula mid tahay magaalooyinka ay ka yimaadeen. Hadalkiisiina waxaa ka mid ahaa: waxaan kala kulanay dadweynaha iyo maamulkaba wanaag iyo soo dhawayn, waxa dhacayna waxaa nooga weynaa soo dhawaynta iyo cududaarashada.

3.    Culimadu waxay u dhaqdhaqaaqaysaa: -Cibaadada Alle. -Ku socoshada sharcigiisa oo leh shan ujeedo oo kala ah: Ilaalinta Diinta, Ilaalinta Nafta, Ilaalinta Caqliga, Ilaalinta Sharafta iyo Ilaalinta Maalka oo dhamaantood inoo ah dan adduun iyo mid aakhiro, hadii aan ku dhaqannana aan liibaanayno aduun iyo aakhiraba. –Waxaa kale oo uu sheegay in ay xoogga saareen fidinta diinta iyo xoojinta waxbarashada xilligii burburka, Soomaalidii qaxdayna waxaa ka badbaaday intii diinta raacday.

4.    Sheekhu wuxuu yiri: dadkayaga khayr ayaan la jecelnahay gaar ahaan iyo guud ahaanba. Waxaa nalaku xantaa in aan majaxaabinayno maamulkaan isla markaana aan diidanahay in ay Soomaalida u dhalato dawlad, dhab ahaanna waxaan doonaynaa in dadka maamul loo dhiso, lana hormariyo diinta, dhaqaalaha, waxbarashada iyo nabadgalayada, waxaana diyaar u nahay iskaashi, in la isugu yimaado danta, mana jiraan waxyaabo kale aan hoosta ku wadano.

5.    Wuxuu sheekhu ka hadlay cadawga ku wajahan bulshada gaar ahaan shabaabka iyo sida loogu baahan yahay in laga hortago, wuxuuna ammaanay dhallinyarada Gaalkacyo oo uu sheekhu yiri: aad baan ugu farxay sida ay masaajidda iyo cilmiga ugu dadaalayaan. 

Waxaa kale oo halkaa hadal kooban ka yiri Sh. C/waaxid Xaashi Xasan oo sheegay in ay dalka ka sameeyeen Masaajid, Dugsiyo Qur’aan, jaamacado, iskoollo iyo mashariic kale oo farabadan in aan sii siyaadinana diyaar baan u nahay, wuxuuna ugu yeeray isimada iyo maamulkaba in la isu kaashado khayrka iyo horumarinta, sidoo kale ka hortagga dambiga iyo dhibaatooyinka. 

Culimada la sagootiyay waxay ka soo qaybgaleen Nadwo cilmi ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo oo au ka faa’iidaysteen dadbadan oo jooga dalka iyo dibada, Nadwadaas oo intii ay socotay ay koox hubaysani soo weerareen masjidki ay ka socotay ayna ku dhaawaceen dhawr qof, ka dibna lagu joojiyay qoraal ka soo baxay maamulka gobolka oo cuskanaya amarka madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha, taas oo kreentay in dadweynuhu aad uga xumaadaan. 

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada.
dacwah@hotmail.com

Col. C/lahi Yuusuf oo Joojiyay Nadwadii ka Socotay Gaalkacyo

150 arday oo seminaar loogu xidhay machadka ubayi ibni kacab ee qiraa'aadka quraanka 

Galabnimadii jimcaha 16/7/2004 ayaa lagu qabtay machadka ubayi ibn kacab ee qiraa'adka quraanka xaflad ballaadhan oo lagu soo gabagabynayay seminar wacyi galineed oo u socday mudda laba usbuuc ah 150 arday oo wax ku barta jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee muqdisho iyo nawaxigeeda.

Waxaa xafladda ka soo qayb galay dadwayne lagu qiyaasay 500-600 , waxaana ardadii ku gulaysatay imtixaanada iyo tartannada halkaa lagu guddonsiiyay abalmarinno qaali ah , waxaana hadal ka soo jeediyay madasha sh.xasan daahir uways oo ah madaxa machadka wuxuuna dul maray ahdaafta machadkan iyo waxyaabaha uu qaban doono oo ay ka mid tahay qabshada seminaarro noocan ah

Maamulka machadku wuxuu u mahad celiyay warshadda coca cola ee magaalada muqdisho oo ku deeqday cabitaankii xafladda   lagu qaybiyay  oo gaadhayay wax ku dhaw 500 oo quruuradood oo coca cola ah . 

Seminaarkan waxay ardadu ku qaateen duruus kale duwan oo wax lagaga barayay waxyaabo badan oo khuseeya noloshooda aakhiro iyo adduunba waxaana wax ka dhigay  9 macallin oo aqoontooda ku deeqday.

Kahrashka ku baxay seminaarkan waxaa bixiyay qaar ka mid ah dadwaynaha ku nool muqdisho .

Waxaa xusid mudan in seminaarkani qayb ka yahay olole ballaadhan oo loogu tala galay wacyi galinta ardada wax ku barata jaamacadaha iyo iskuullada xillga faasaxa . 

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada soomaaliya

dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD