SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hadday Puntland qabiil wax ku qaysanaysana, ma C/hi baa qaybinaya? 

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Sidaan mar horaba soo qoray, akhristayaal waxaa la sheegay in mar ninkii Juxaa la oran jiray uu  cunto la dhex fariistay jid ay dadku u maraan magaalo. Isagoo cuntadiisii cunaya ayaa waxaa ku soo baxay nin ay is yaqaaneen dabadeed ninkii baa yiri Juxoow maxaa kugu dhacay? Juxaa wuxuu yiri maxaa jira? Ninkii wuxuu yiri: nin weyn baad tahay oo la wada yaqaanne sidee baad jidka dhexdiisa cunto ugu cunaysaa; miyaadan u jeedin waxa dad hadba dhinac kuu dhaafaya? Juxaa wuxuu yiri mee dadku? Ninku wuxuu yiri waa kuwaas? Juxaa wuxuu yiri ma aha dad ee waa lo’! Juxaa wuxuu yiri anaa taas caddayn u hayee i sug intaan cunatada dhamaysanayo. 

Markuu Juxaa cuntadiisii dhammaystay ayuu inta kacay oo cimaamadii toosistey oo meel ku istaagay buu yiri “ayuhannaas”, dadoow, markaasu wacdi gelay. Wixii dad meesha marayey oo dhan baa soo dhoobtay oo fariistay. Juxaa halkaas buu wacdi u saaray. Wuxuu ku yiri dadoow waxaad tihiin xaabada jahannamo; idinka iyo aabbayaashiinba waad aroori doontaan. Ilaah baa idin oran doona hooga oo ha ila hadlina. Wuxuu ku dul akhriyey wixii aayad ehlu naarka ku soo degtay oo dhan markaasay kulli iska ooyeen oo ilmadii garkooda qoysay. Markay ilmadii ka dhammaatey suu u caayayey buu wacdigii ku soo xiray isagoo leh waxaan khabar ku helnay in qofkii inta carrabkiisa soo baxsha dabadeedna taabsiiya sankiisa dushiisa loo dhaafi doono dambigiisii hore iyo kii dambaba! Waxaa la sheegay in dadkii halkaas fadhiyey kulligood soo wada bixiyeen carrabkooda si ay u taabsiiyaan sankooda iyagoo dalbaya dambi dhaafkaas la sheegay; iyagoo tii la rafanaya baa inta Juxaa saaxiibkiis jalleecay ku yiri: meeye dadkaas sheegaysay? 

Run ahaantii mar kastoon damco inaan Puntland maqaal ka qoro waxa ila hadla taageerayaasha kornaylka iyo dad kaloo reer Puntland ah oo dhaha: ninyahow, ninkaas iyo dadkiisa isu dhaaf, maxaad ka rabtaa? Ilaah baa ninkaas dadkaas u sakhiray oo meesha dad ma joogee. Sidii bay noqotaa. Mid kastoo is waalaba waxaad arkaysaa, C/hi oo tub ku riday isagoo qancay. 

C/hi dadkii  reer Puntland wuu wada dhaliilay; dhallinyaradii wuxuu yiri waa argagixiso, haweenkii xijaabka qabay wuxuu yiri waa gad cusub oo aan horay loo aqoon sidoo kalana wuxuu hogaamiye-dhaqameedyadii kasoo horjeestay ku sheegay inay calooshooda-u-shaqaystayaal yihiin oo ay Carta iyo cadow lacag ka heleen; sidaasooy tahay wali wuxuu leeyahay lix bilood ka dib waxaad gaaraysaan barwaaqo iyo horumar ee ii ogolaada inaan wax walba idiin aqoolo! 

Lama yaabbani in Puntland gudaheeda C/hi looga dambeeyo oo laga haybaysto laakiin waxaanan weli fahmin iyadoo qabiil wax lagu qaysanayo oo Kenya la joogo waxa C/hi u qaybinayo qabiilooyinka kale dadkii baarlamaanka usoo geli lahaa! 

Waagii mucaaradku ka fakaday Soomaaliya ooy Itoobiya tageen; qofkii Itoobiya jooga kama baqi jirin Maxamed Siyaade maxaa hadda oday Kenya joogaa uu uga baqaa C/hi? 

Wasaaradihii uu hadda Puntland ka soo qeybshay miyeydaan wax ku qaadanayn? Bal ninka leh madaxweyne Soomaaliyeed baan rabaa, u fiirso wuxuu hadda Puntland ka soo sameeyey: 

  1. Muxaadarooyin Gaalkacyo ka socday buu soo xiray.
  2. Wasaaraddii Waxbarashada ayuu soo laabay oo hoos u dhigay.
  3. Wasaaraddii Caafimaadka iyana soo burburi.
  4. Wasaaraddii Qorshaynta ee howlaha fiican waday oo abaarihii ka qaybqaadatay waa soo xiray. Yuu u dhiibay? Ninkii ay isaga iyo Ina Cabdi Xaashi isku haysteen! Wasaarado noocaas ah miyaa saas loogu ciyaaraa?
  5. Wuxuu iska daayey wasaaradda xannaanada xoolaha! Meeye xoolaha la xannaaneeyaa? Dhurwaagii baa hadda dad cun noqday markii dad, duunyo iyo duurjoog rogmadeen. Ma garanaysaan wuxuu wasaaraddaas u daayey? Wuxu is leeyahay dad ku qanci si aad usoo xushid dadkooda baarlamaanka gelaya.
  6. Maxay qabataa wasaaradda howlaha guud iyo guriyeynta? Weligood hal mitir oo laamiga ah ma dayac tirin laakiin waxay gateen xeryihii dowladda sida tii Gaalkacyood. Wasaaraddan waa suubis oo iyadu xataa xag siyaasadeed faa’iido uma laha C/hi.
  7. Xataa saraakiishii daraawiishtu waa gadooddey markii sidii “xanjadii inta macaankii laga dhammaystay la tufay”. Gabaygii Aadan Carab ee aan kal hore soo qoray dib u akhriya.

Inkastoo C/hi dadka Puntland u arko inay xoolo yihiin oo xitaa hogaamiye-dhaqameedkoodii oo dhan uu Puntland uga soo tagay halka qabiilooyinka kale ay u joogaan Kenya laakiin anigu mid baan idiin hubaa oo ah in dadka aysan kartidii iyo waxgaradnimadii ka dhammaan. Waxaan idiin hubaa inuusan C/hi xuli doonin xubnaha Daraawiishta uga mid noqon doonta baarlamaanka maxaa yeelay Daraawiishtu waa dad waddaniyiin ah oo markay halkaas iyo qaran gaarto burura sidoo kale qabiilooyin dega Bari baa mar hore sheegay inuusan C/hi u soo xuli doonin xubnahooda. Waxay dhaheen C/hi hadduu rabo ha u xulo laftiisa. Waxay urursadeen lacag badan oo ay rabaan inay odayaashooda iyo siyaasiyiintooda ku taageeraan si aysan C/hi ugu baahan. 

Waxaan ka codsanayaa jaaliyadaha reer Puntland ee dibadaha jooga inay u tashaan odayaashooda iyo siyaasiyiintooda ooy ka ceshadaan guriga C/hi. Waxaa la leeyahay waxaa la xulayaa xubnihii baarlamaanka; yaa ku faraxsan in C/hi u soo xulo ciddii qoladooda ka soo geli lahayd baarlamaanka? Waxaan filayaa inuusan qofna ku faraxsanayn. Marka waa muddo yare aan odayaasheenna iyo siyaasiyiinteenna ka ceshanno guriga C/hi. 

Waxaa dhici karta in C/hi uusoo xulo xubnaha baarlamaanka  kasoo galaya qolada isaga, Cadde Muuse iyo C/Raxmaan Faroole ka dhasheen oo hadday ugu bataan dhowr qof helaya laakiin ma filayo inuu soo xuli karo xubnaha beelaha kale. 

Janada waxaa soo gala dad muslimiin ah oo cadaabta laga soo xoreeyo marka dambe. Waxaa la dhahaa “jahannamiyiin”. Hadda waxaan dadka ka rabaa in magac loo bixiyo xubnaha baarlamaanka ee C/hi usoo xulo qabiilooyinka dega Puntland? Yaan loo qaadan in baarlamaanka iyo dowladda la sheegayo janno tahay! Waxaan u arkaa inay cadaab tahay maxaa yeelay waxaa lala dagaalayaa Ilaahaygii koonka abuurtay oo waxaad mooddaa in la leeyahay “Ilaahoow adigu kuma fiicnid inaad wax maamushee annaga noo daa aan dimuqraadi isku xukunnee”. Waana hadal gaalnimo ah inkastooy  caadi nala tahay. 

Marka waxaan ka codsanayaa in dadweynaha reer Puntland ee dibadaha jooga iyo ganacsatadu u qoondeeyaan siyaasiyiintooda meelo ay ku shiraan ooy bariis ka cunaan inta sheekada Mbagathi socoto haddii kale waxay aadayaan guriga C/hi. 

Guriga C/hi  waa masjidkii ay munaafiqiintu Madiina ka dhiseen oo kale si ay u jilaafeeyaan muslimiinta. Marka hadda gurigaas waxaa la isku diraa dadka ehelka ah ee wada dhashay waxaana loogu shaqeeyaa cadowga Soomaaliyeed. Marka ninkii u dhuumanaya oo isleh laguma arkoow waxaan ku dhihi lahaa dib u feker. 

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK.

 cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD