SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

   Prof.Cali Khaliif Galayr V/s Co. Cabdulahi Yusuf

W/Q: MOHAMED ALI FARAH
m_alishiino@hotmail.com

Ilaah baa mahad leh naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato   neebigeenii suubanaa ( S.c.w ) 


Col. C/Lahi Yusuf | Prof. Cali Khaliif

Sida aynu wada ogsoonahay waxaa ka socda wadanka Kenya magalada Nairobi (Mghati) shirwayne soomaliyeed  kaas oo dadaal loogu jiro sidii somaliya looga saari lahaa dhibaatada 14jirsatay ,

 

Si kastaba ha ahaatee  waxaa jira rag badan oo siyaasiin ah ku waas oo dadaal ugu jira sidii ay ugu guulaysan lahaayeen  jagada madaxwayna nimada soomaliya  , hadaba raga ilaa iyo hadda ugu cad cad ama  la orankaro  dadaal dheeraad ah ayay ugu jiraan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen  Madaxtinimada somaliya ayaa waxaa ka mid ah  Prof. Cali khaliif  Galayr ra’isal wasaarihii hore Dowladii Kumeel Gaarka ahayd ee lagu soo dhisay Carta (jabuuti)  iyo Co.Abdulahi Yusuf  Ahmed Madaxwaynaha Dowlada Goboleedka Somaliyeed   ee Puntland ,  

Labada  musharax  oo ka soo wada jeeda isku beel ayaa dadaal ugu jira sidii midba midka kale uu uga heli lahaa taageero buuxdo  Beelaha Somaliyeed ee ka qayb galaya shirwaynaha, labada mas’uul ayaa shirar badan la yeeshay beelaha somaliyeed ee ku sugan shirwaynaha , inkastoo Co.Cabdulahi uu ku sugnaa madasha shirka tan iyo bilowgii shirka , wallow uu Co.Cabdulahi marar badan ka carooday  hadana waxaa la is oran karaa waxa uu ka mid yahay siyaasiintii ugu horeeyay  ka qaybqaata shirka , ayaa isagu ilaa hadda wax kalsooni aan haysan ilaa iyo hadana  laf cad toobin ku haya ,

Prof. Cali Khaliif galayr  ayaa soo gaaray shirwaynaha somaliyeed  3/7/2004  saacadu markii  ahayd 2:00 Pm wuxuu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha caalimiga ah ee Jomo Kenyatta International Airport ee Magaalada Nairobi . Cali Khaliif ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey qaar ka mid ah Ergada soomaaliyeed ee ka qaybqaadanaysa shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Nairobi iyo dadweyne kale oo faro badan.  Prof. Cali khaliif galayr  imaashisihii ka dib waxa uu shirar  kala duwan la yeeshay  beelaha ka qayba galaya shirwaynaha somaliyeed , si uu uga hello taageero buuxda beelaha , Prof . Galayr waxa uu qada sharaf u sameeyay beesha Daarood oo uu ka dhashay , prof ku waxa kale uu sheegay in uu beelaha kalena la yeelan doono shirar . rajada Prof Galayr. uu ka qabo ku qabo jagada madaxwayna nimada  ayaa la oran karaa waa mid  buuxda, taas u sahli karta in uu si fudud ku hanto xilka Madaxtinimada somaliyeed , Prof.cali Galayr  ayaa had iyo jeer ku mashquulsan sidii soomaliya ay uga bixl lahady dhibaatada 14 jirsatey, Prof Galayr  waa nin lagu tilmaamo Daacad  hadana aqoonyahan ah  karti siyaasiyeedna leh, Prof Cali Khaliif Galayr ayaa la oran karaa waxa uu ka mid yahay siyaasiin fara ku tiris ah  kuwaas oo ka soo qabtey xilal  Dowladii Hore ee somaliya hadana aan ka qayba qaadan dagaaladii sukeeye  ee wadanka ka dhacay , taas siyaasiinta badanaa oo uu Co.Abdulahi ka mid yahay ay ku soo can baxeen  u geesteena  dhibaatada 14ka jirsatay  ee wadanka haysata maanta

Dhinaca kale Co.Cabdulahi Yusuf oo ka mid ah Hogaamiyayaasha Dagaalka (war leaders)  mudada 14ka sanno ah ka soo dagaalamayay  somaliya ayaa isaguna dadadaal ugu jira Sidii uu ugu guulaysan lahaa Jagada madaxtinimada somaliya Co.ka  ayaa ilaa iyo bilowgii shirka ka qaybqaadanayay isaga oo aad ugu raja waynaa sidii uu mar u qaban lahaa Xilka madaxtinimada somaliya , taas uu dadaal badan usoo maray tan iyo xiligii Dowladii hore Somaliya isaga weli  Qoray watay . si kastaba ha ahaatee siyaasada Co.ka ayaa soo martey marxalada kala duwan , Co ka ayaa dad badan waxa ay aaminsanaayeen in uu yahay ninka keli ah ee ugu cad cad Musharaxiinta , si kastaba ha  ahaatee Co. Abdulahi Yusuf Ahmed  ayaa waxa soo food saaray car qalada fara badan , ka dib markii Prof, Cali khaliif galayr uu isu soo taagay  musharaxnimada Jagadda madaxwayna nimada Somaliya , dhibaatooyinka Co.ka haysta ayaa waxa ka mid ah , Co.ka oo wax aqoon  ah  aan lahayn uu kula tartamo Prof.ka , mida kale Co.ka waxaa soo food saaray arima siyaasadeed dhinaca Gudaha Puntland , iyada isaga iyo Ku xigeenkisa Khilaaf wayn soo dhexgalay oo ku saabsan dhinaca xilkordhinta  Maamulka , oo waayadadan danbe uu caada ka dhigtey in uu dastuurka ay dhigteen shacabwaynaha Puntland uu maalinba wax ka bedelo ama wax ku soo daro , waxaa muuqata in Co.cabdulahi  ay dabeecad u noqotey keligii talisnimo , ama wax allaale iyo waxa uu doono uu sameeyo isaga oo aan  cidna kala tashanayn . hadaba akhristow su’aashu waxa ay tahay hadii Co.ka ku guulaysto Jagada madaxtinimada somaliya Muxuu samayndoonaa ?

Waxaa dad waynaha somaliyeed tusaale ugu filan sida  ugu tuntey sharcigii iyo dasuurkii  ay dhigteen Shacabka reer Puntland , in uu hadana ugu tuman doono  tan soomaliya . waxaa la yiri “ Inkastoo dur dur iyo dabaal maro Doofaarku abidkii ma daahiro”   Cabdulahi  waa keenu naqaaney  dabeecadihiisana ma daynayo ,

Ugu danbeentii waxaan jecelahay in aan ku soo gabagabayo tix yar oo Gabay ah , Gabaygan waxaa la yiraahdaa Dhagar-qabe Dhabtaa u Daran. Waxaa tiriyay Aadan Diiriye Cali taariikhdu markii ay ahayd 20/10/1997kii

1. Dhagar qabe dhabtaw daran,Alaalkii is-dhoobdhoob,
2. Isku dhoon la moodoo, dhoobada is marin jirey,
3. Dhuluqow dhexyaalkii, Dhurruq-dhaylo loo filay,
4. Saqdii reer u soo dhacay,dhaqayadii ma iibsaday,
5. Hayska dhega adkaadee, dhuguf-dhugufle weeyee!
6. Gandi dhawr ma moodoo, hadduu horor u soo dhaco,
7. Kama dhiciyo coodkoo, neef kama dhigaayoo,
8. Dhaylada ma daajoo, dhallaankana ma sooroo,
9. Dhawrtada ma bixiyoo, hadal dhab ma sheegoo,
10.Warku uma dhacaayoo, runta kuma dhawaaqoo,
11.Kama dhawrto ceeboo, Dhagar kama ajoodoo,
12.Doofaar ma dhaamoo, dacda haysku dhaamee,
13.Dhimir wacan ma yeeshoo, sidii doxor dhabiiltama,
14.Ama dhoocil caasiya, ama dhool darooriya,
15.Yabaqiyo dhawaaqiyo dhayalkii caruurtiyo,
16.Hadal lagu dhaliiliyo faataa dhuglayniyo,
17.Hagag uu ku dhiiqdiyo asaraar ma dhaafoo,
18.Dhubuqdhubuq ma daayee, ma dhallaan cirroobaa!!?
19.Dhagafaar ka qaadoo, wayla dhabanna haysoo,
20.Dhug la'aan wixii baday, dhabatayska ugu wacan,
21.Dhan loo dhigo la waayaye, dhuqurjaagu waa maxay!!?

22.Afartaa dha'leydaa, ma u dhaabay tigimada,  

marka Abdulahi waxaan usoo jeedinlahaa in iskaga tanaasulo Musharaxnimada waayo nin ka bixi kara ma ahan.

 

WABILAAHI TOWFIIQ

 

W/Q: MOHAMED ALI FARAH
m_alishiino@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD