Doctor qofkii uu daaweynayey “daawo” weydiistey
Sheeko dhexmartey sheikh iyo Doctor.
Alhassani <abuzuhri1@hotmail.com>
Waxaan dhakhtar utagey wadanka Ingiriiska(England). Waxaa la’ijiifiyey dhakhtarka uguweyn ee wasiirada iyo dadka sar-sare laseexiyo.
Dhaktarkii markii uu ii soo galey oo uu arkey qaabkeyga ayuu yiri: “Ma Muslimbaad tahey?” Waxaan ugu jawaabey: Haa.
Doctor: Waxaa jirta mushkilad aan lawareersanahey inta mudo ah.Hadaba, suurtagal matahey inaad iga dhageysatid?”
Sheikh: Nacam… soo daa.
Doctor: Waxaan leeyahey hanti farabadan,shaqo aad uwanaagsana waan kashaqeeya. Waxaan sita shahaado laqaato mida ugu sareysa.
Raaxo waxa ay tahey oo dhana waan soo marey; waxaan soo cabey khimri nooc-yadeeda kala duwan, Zina waxay aheyd oo dhan waan kasoo daaley. Safara badan ayaan ku aaday wadamo kaladuwan dalxiis ahaan. Intaas oo dhan anigoo sameeyey, waxaan dareemaya cariiri(qalaq)joogta ah, waxaan kasoo taaganey noolashaan oo dhan.
Waxaan soo marey dhakhaartiir farabadan oo talo kabixiyo cudurada noocaan ah.
Mararka qaarkood waxaan kufikira inaan isdilo(commit suicide)waayo, inaan noolal kale oo tan dhaanta inaan helo ayaa laga yaabaa; oo aan daal iyo tacab midna laheyn.
Adiga miyaadan dareemeynin noolasha noocaas ee aan aniga dareemaya? Ayuu iweydiyey.
Sheikh: Laa(maya).Waxaan kujira sacaado tii ugu danbeysay. Waan kula talinaya, waxaan kutusaya sidii aad ugu bixi laheyd noolasha noocaas ah, laakinse, waa inaad marka hore diyaar utahey inaad isbadal sameysid?
Waxay u’egtahey inaad kasoo tagantahey wixii aad raaxo uhaysatey; aan kuweydiyo:
Marka aad dooneysid inaay indhahaada raaxeystaan, maxaad sameysa?
Doctar: Waxaan fiiriya naag aad uqurux badan ama meel kale oo indhaha uroon ayaan fiiriya!
Sheikh: Maxaad sameysa marka aad dooneysid inaay dhagahaada raaxeystaan?
Doctor: Waxaan dhageysta muusik(music) dabacsan!
Sheikh: Maxaad sameysa marka aad dooneysid inuu sankada raaxeysto?
Doctor: Waxaan ursada baraafun ama dhulka dhirta leh ayaan udalxiis taga!
Sheikh: Waa hagaag, marka aad dooneysid inaay indhahaada raaxeystan, maxaad muusika udhageysanweydey?
Doctor:(Inta ila yaabey ayuu yiri): Madhici karto waayo music waxaa kuraaxeysta dhagaha ee indhaha waxba kama faa’ideystan.
Sheikh: Marka aad dooneysid inaad uraaxeysid sanka, maxaad ugu raaxeyn weydey eegmada meel quruxsan(mandar jamiil)?
Inta ila sii yaabey ayuu yiri: Maya! Masuurto galeyso waayo eegmada meelaha guruxsan waxaa kuraaxeysta indhaha, sankuna wax raaxo ah kama dareemaya eegmada noocaas ah!
Sheikh:Wixii aan kaa doonayey waan kaa heley. Waxaan ku su’aaley: Cariiriga iyo mushkilada kuhaysata waxaad ka dareemeysa indhahaada?
Doctor: Maya!
Sheikh: Dibta ma kadareemeysa Sanka, Indhaha, afka iyo farjiga?
Doctor: Maya! Waxaan ka dareemaya qalbiga(laabta)
Sheikh: Hadaba, mushkilada kuhaysata waxaad kadareemeysa qalbiga! Qalbigana wuxuu leeyahey wax gooni ah oo uu kuraaxeysto! Waxaan suurto-gal aheyn inuu kuraaxeysto “wax kale”. Hadaba, waa lagama maarman inaad ogaatid waxa uu qalbigaada kuraaxeysto si’aad udareentid sacaado(happiness) waayo dhageysiga muusikada, cabitaanka khamriga iyo Zinada qalbiga kuma raaxeysto.
Ninkii inta yaabey ayuu yiri: Dayyib, hadaba sideen ugu raaxeeya qalbigeyga?
Sheikh: Waxaad ku dhawaaqeysa Shahaadada; waa inaad sujuud ula dhacda Allah hortiisa, waa inaad usheegata hamigaada iyo dhibka kuhaysta. Haddii aad sidaas sameysid, waxaad kunoolaaneysa noolal raaxo leh.
Inta madaxa ruuxay ayuu yiri: Hadaba isii kitaab islaamka kasheekeynaya; iina ducee,waana muslimi doona!
Kadib markii ay ii dhamaatey isdaaweyntii,waan kasoo amba baxey England anigoo kurajo weyn inuu muslimidoona, insha’Allah.
“Warhoy dadow! Waxaa xaga Allah idinka yimid waano(Quranka ay ku qoran yihiin waxa idin roon iyo waxa idin dhibaya) iyo wax lagu daaweeyo ( Wixii cuduro ah ee) qalbiga kudhaca; wuxuu hanuun iyo rahmad uyahey mu’miniinta* Hadaba waxaad kutirahda (dadka): “Fadliga Allah iyo Naxariistiisa, arintaas hakufarxeen…..” Qur’an.
War la’aanta Muslimiinta!
Dameerka kutubta saaran war uma hayo! caruurta jaceylka waalidkood war uma hayaa ilaa ay caruur dhalaan! Muslimiintana Diinta ay haystan war uma hayaan.
In badan oo naga mid ah waxaay jeclaanlahaayeen inaay unoolaadan sida gaalo badan “oo ay maqleen ama ay film ka arkeen” oo kale ayagoon isweydiin wax ay kunoolyihiin ee un kuxisaabtamaya muuqaalka guud.
Gaaladu inaay noolasha kasoo taagantahey waxaa daliil kugu ah sida ay maalin waliba usoo muslimayan. Haddii uu mabsuud(happy) ku ahaa noolashiisa, maxaa wada? Qaar kale waa kuwaas idilaya ee maxaa kudhacay?.
Nimcada marka aad waysid ayaa la’ogaada faa’idadeeda! Tusaale ahaan, “Caafimaadka iyo firaaqada”, war uma hayno ilaa aan xanuunsano ama mashquulno. Waxaa arintaas lamid ah ‘Islaamka’ , dadka kudhashey war umahayaan laakinse dadka soo galay ayagoo gaalo ahaan jirey ayaa kadareemaysa waxa ay heleen qaymihiisa.
Dadka aan dooneyno inaan sidooda oo kale unoolaano waa kuwaas “Inaay isdileen ka door bidey quus darteed”. Waxaa lagayaaba inaad isku qanciso “mushkiladan” inaay Doctorkaas oo kali tahey, laakinse waxaad fajacaysa markaad akhrisid”Warbixinada” laga soo qoray arintaas.
Alhassani <abuzuhri1@hotmail.com>