MA LAGA MAARMI KARAA SOMALILAND IN AY
SHIRKA SOMALIDA KA MAQNAATO.
Marka la eego is adkaynta Somaliland ee had iyo goor ay ku adkaysato inaanay ka qayb galihayn shirarka Somalida , waxa aad moodaa inay ku saxsanayd in badan oo ka mid ahaa shirarkaasi is daba jooga ahaa. Hadaba marka loo eego shirkan mudada ka socday Kenya ee haatan gebagebada ku dhow ayaa u muuqda inuu wax badan kaga duwan yahay kuwii hore ee marar badan lagu fashilmay. Shirkan oo hadii ilaahay xagiisa laga helo lagu wado in dawlad lagu dhawaaqo dhamaadka bishan july ee 2004 ka , intiisii badnaydna aad moodo inay haatan soo dhamaatay , hogaamiye kooxeedyadana rajo aad u wayni ay kaga jirto ,taasoo hadii ay manta lumiyaan aduunwaynaha iyo qaramada midoobayna ay kula dardaarmeen inay ka faa’iidaystaan fursadaasi qaaliga ah.
Waxaa hadab is waydiin leh Xukuumadda hargeysa ma ka maarmi kartaa inay shirkan isga ah ka maqnaato?.Maxaase kaga lumaya hadii ay shirkan ka maqnaato. Sabatoo ah waxaynu og nahay in waxa wax lagu qaybsan doonaa ee dawlada lagu dhisi doonaa ay tahay nidaam ku salaysan beel ama qabiiil.Jawaabta su’aashan waxaan hadaba u dhaafayaa dhamaan dadaka daneeya midnimo iyo walaalayn soomaaliyeed.
Waxaan hadaba intaa ku darsan lahaa talo yar oo aan la jeclaystay inaan u soo jeediyo dhamaan umada reer Somaliland ee walaalahay ah.
-Inagoo og marxalaha uu dalku soo maray , maragna ka ah wixii dhib idingaadhay , idinka iyo dhamaanba ummadda soomaaliyeed, waxaan ku tali lahaa anigu inaad Ilaahay dartee ku iloowdaan , wixii dhib dhacay , allana idiinku bedelo khayr wixii dhib idin soo gaadhay. Umaddana aad wax la qaybsataan maadaama aan ummada muslimiin ah oon kala maarmi Karin nahay.
- In aad Atleast ergo u dirsataan shirka idiinka qayb gasha , si aad u ogaataan halka wax marayaan iyo sida wax loo qaybsaday.
- In aad la timaadaan doonis ama shuruudo (Demands ). Aad ku doonaysaan ama aad ku raadinaysaan wax.
- In aad u danaysaan in badan oo mujtamaca ka mid ah kuwaasoo doonaaya inay walaalahooda kale wax la qaybsadaan , dan badanina ay ka dhaxayso.
Taasi waa taladayda shaqsiga ah umana jeedo inaan cid gaar ah ama mid guudtoona ku duulo .
Waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu xaqqa ina waafajiyo.
Nuur
beeldaaje@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|