SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
   Maxaa ka dhaxeeya koonfurta Soomaaliya iyo koonfurta Daarfuur(Sudan)?

By: C/kariin C/lle

  Kariim127@yahoo.com

 

Waxa badan ayaa ka dhaxeeya oo ah xadgudub loo geysto dadka rayidka ayidoon loo turin lagulana kaco falal ah ciribtir , barokacin iyo adoonsi. Hadda waxaa xusid mudan in caalamku il-gaar ah ku eegayo koonfurta  Daarfuur(waa gobol kamid ah Sudan)  sidii loo joojin lahaa xadgudubyada ka socdo maxkamadna loo horkeeni lahaa kuwa madaxda u ah maleeshiyada qabiilka ku dhisan ee JINJAWID la yiraahdo macnaha magacaan Jinjawid waa jiningii ayaa ku yimid fardo dushiis! Waa magac tilmaamayo sida aay wax u laaynayaan in aaysanba dad aheyn!

Waxaa suurtogal ah in isbarbardhiga koonfurta Soomaaliya iyo koonfurta Daarfuur(Sudan)  u muuqato mid laga badbadi laakiin waxay ila tahay in isbarbardhigan uu yahay mid maqaamka ku haboon marka aan fiirino dhowr shey.

1-     koonfurta Daarfuur waxaa rayidka baabi’inayo maleeshiyo qabiil oo hubka,  dhaqaalaha iyo dhiirigelinta ka heleyso kuwa awooda iyo dhaqaalaha gacanta kuhayo. Waa lamid koonfurta Soomaaliya oo hogaamiye kooxeedyo awooda iyo maalka gacanta ugu juro ayaa beelahooda xadgudubka ku hayo rayidka tageero iyo hub siiyo.

2-     Koonfurta Daafuur(Sudan) waxaa dhibaatad soo gaartay ku dhawaad 1malayan oo qof  sida aay qiratay dowlada Sudan, koonfurta Soomaaliyana waa intaa oo kale inta la barokaci ama la laay haddii aaysan ka badneyn inkastoo tirokoob sugan la heynin.

3-     Maleeshiyaadka koonfurta Daarfuur ee la dhaho Jinjawid waxay adeegsadaan siyaabo fool xun oo mooroduuga ah sida: tuulooyinka oo la gubo ragga oo la laayo iyo xoolaha oo la dhaco. Halka meeshiyaadka koonfurta Soomaaliya marka aay degmooyinka iyo tuulooyinka xoog ku qabsadaan fakata hore wixii xoolo ee mood iyo nool ayay dhacaan heer xaalufin ah wixii rag ah waay laayaan iyo haweenka oo la faraxumeeyo intii harta oo qaxi weysana waxaa lagu soo rogaa canshuur baad ah , waxay heerkii ugu xumeyd gaartay markii la canshuuray ashuun biyo helada wabiga looga dhaansanayo oo dusha lagu sido iyo nin kaluun fiilo ku jilaabanayo oo la yiri ma daban kartid adigoon lacag bixin.!! Waa markii dhac lagu xaalufi hadane loo diiday biyo iyo baad.

4-     Waxaa kaloo iskaga mid yihiin adoonsiga maleeshiyada koonfurta Daarfuur kadib gubida tuulooyinka iyo baabi’inta ragga wixii haween iyo caruur ee qaxi waayo weysoo wataan , caruurta waxay u adeegsadaan shaqooyinka beeraha iyo xoolaha, haweenkana adeegtayaal guryaha miyeysan taa aheyn adoonsi?. Sidaa oo kale maleeshiyaadka koonfurta Soomaaliya marka aay dhac ku xaalufiyaan degmooyinka  waxay dili karaana dilaan , waxaa ragga loo isticmaalaa in aay beeraha ugu shaqeeyaan lacag la’aan ama wax yar oon qiimo ku dhisneyn ruuxi diidmo sameeyana kuwa kale ayaa lagu hor dilaa si aay u hogaansamaan , arrintan waxay ka dhacday shabeelaha hoose iyo jubadda hoose ilaa hadana wey socotaa . waxaa kaloo maleeshiyada xoog ku guursadaan ama loogu guuriyaa gabdhaha si shartooda looga nabadgalo , degmooyinka Afgooye, Marko, Baraawe, jowhar, Kismaayo, Xamarweyne, C/Casiis iyo kuwa kale waxaad maqlee ayidoo lagu dhahaa waxaa inoo jooga mukulaal madow amo ilkocase oo loola jeedo nin maleeshiyada ka tirsan ayaa gabar nagaqabo oo mooryaanta kale shartooda naga xiga , waxaa uu xoog ku haystaa gabadh, guri iyo dhaqaale!! Miyeysan taa aheyn adoonsi.

Ugu danbeyntii waxaa shaki ku jurin kuwa dulmiga iyo xadgudubyada u geysanayo dadka rayidka ee hadda dhulka ku deysan in laga abaalmarin doono oo cadaalada lasoo hortaagi doono hoogaamiye kooxeedyada Soomaaliya mooryaanta ku adeegta iyo hogaamiyaasha maleeshiyada Jinjawid ee koonfurta Daarfuur, dadka rayidka dulmana xaqooda loo soo dhicin doono.

By: C/kariin C/lle

  Kariim127@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD