dhamaan aqristayaashu way salaaman yihiin salaan kadib, qiimayn iyo qadarin waxa mudan reer somalitalk oo aad moodo in ay fursad sii yeen soobandhiga fikradah kala duwan, taas oo ah mid waxtar u le dhamaan bulsha waynra somaliyeed ee ku nool dhamaan dacalada aduunka,runtii aniga oo ka mid ah macaamiisha bogani waxaan jeclaan lahaa in aan maanta qoraal ugu soo bandhigo aqristayaasha dareemo ku xeeran arinta somaliya marka laga hadlaayo,
runtii somalia marka laga hadlaayo xaaladeeda markiiba qofku waxa uu maskaxda ku qabanayaa bururka iyo baaba ay soo martay iyo baahida dawlad cadaali ah oo dib u dhiska dalka iyo horu mainta arimaha bulshada ka shaqaysa loo qabo,
wxan ogsoonhay in ay somalia loo qabty 14shir ilaa hadana wax laga haya aany jirin, i
aqristoow bal dib u raac dhibaatooyinkii dhacay intii uu wadanku bilaa dwlada ahaa, laakiin mudo intee leeg ayuu wadanku bilaa dwallad ahaa,hdab dad walaalo ahi hadii ay isa seegaan way heshiin jiree, umada somaliyeedna waa dad walaalo ah oo aan kal marmi karin waad dad isku dan ah hadana kala dan ah!!,
waa aan ognahay in ay somaliyi dhamaan uqaybsanthay 5qaybood,waxaynu ognahay inay ay nasiin u heleen labo gobol oo kamid ahi in ay unkaan dawlad waxna isku darsadaan si ay ugu soo daydaan walaalohooda kale, hdaba marka laga hadlaayo labadii gobo ee israacay 60kii waxaan ognahay in ay reer s/land iyaga oo iskood u madax banaanay tageen koonfur, iyada o aanay jirin wax cadaadis ah oo haystay, kaliyaata oo ay ka dhabeeyeeb ahaa dareen ka turjumaayay kalgacaltooyo ka soo maaxatay calool saafi ah iyo maska fayoow, halkaana waxa ka abuurantay dawlad somaliyeeed oo ay reer waqooyi hooyo u ahaayeen in mudo ahna tamarisay,
isla markiiba waxa soo baxay dareemo iyo shakiyo ay qaaateen reer wqooyi, waxa ay bilabeen in ay kal hor yimaadaan dawladii somaliyeed mucaaradad, taas oo maraaxil soo martay ilaa ay so gaadhay in ay goboladii waqoyi marlabaad mawqif kii hore mid kaduwan is taagaan iyaga oo dib u baadi goobaaya fursadihii ay lu miyeen 60kii,
hadaba aqriste adiga oo khibradaada iyo waaya aragnimadaada adeegsanaaya ma kula tahay in aad isku daydo jawaabo,lakiin maxaykula tahay in aad.. ..........
inaga oo ogsoon in ay reer waqooyi ahaayeen dadka ugu jecel midnimada somaliyeed maxa sababay oo mucaaradadii somliya keenay?lakiin miisaan intee leeg ayay ku lee yihiin somalia maanta?s/land hadii ay ka qayb gasho shirka nairobi ka socda maxa is badali kara?reer somaliland malagu qancin kara in ay ka soo laabtan mawqifka hada ay taaganyihiin,laakiin sidee ayaa loogu qancin karaa? sidee ayaad u aragtaa in ay hargeisa noqoto magaala madaxda somaliya?
dawlad maqaarsaar ah oo laga keenay nairoobi intee ayay ka badali kartaa xaalada somalya maanta?
shirkan nayroobi marumaysan thayin uu ku gaaryahay koonfurta somalia?hadaad qabto in uu yahay shir
somaliyeed oo shaamil ah hargeisa maxaa karebay?
waxa aan lahadlaynaa oo kaliyaata madaxwayne lasoo doortay,marka ay wax samaystaan ee dimuquraadiyada aanugaadhnay ay gaadhaan iyo heerkan aanjoogno maanta ayan wada hadlaynaa, waa laba odhaahood oo kasoo baxay madaxwayne riyaale iyo marwo Edna adan w/arimaha dibada s/land, staratiijiyadan siyaasadeed carqalad intee leeg ayay ku noqon kartaa geedi socodka maamul ee dawlada lagu soo dhisi doono kenai,
ma aamin santhay in gobolka waqooyi xoog lagu muquuniyo iyada o la kaashanaayo ciidamada AU,maadaama gobolda bari qaarkood aanu maamul xoogani ka jirin?
c/khaliig galaydh hadii la doorto intee ayuu ka tari karaa arinta waqooyi,jaamac yare iyo kaluun, buubaa, saamayn iyo dano intee leeg ayay ka fulin karan waqooyi?
ma kula tahai in la ictiraafaayo s/land,s/land ma leedahay xoog dublamaasiyadeed oo ay kaga hortagto talyaaniga oo midawga europe isu diyaarinaaya in uu wakil uga noqodo so/lia iyo jaamacada carabta oo aan ogolayn qaybsanaanta s/liyeed.
southafrica , Ethiopia,uk, america, intay ka caawin karaan dawlad kiiniya lagu soo dhiso in ay ka hortagto mawqifka s/land.
su'aalahni iyo kuw kale oobadani ayaa ku wareegaaya maskaxda umada somaliyeed marka lag hadlaayo arinta somalia gar ahaan goboladii la oranjiray waqooyi galbeed, si kastaba ha ahaatee akhriste waxa aan jeclaan lahaa in aad falanqayso adiga oo kaashanaya dhamaan waxkasta oo sahli kara in aad gaadho jawaab saxa, waxa aan ka codsanayaa in aad isu diyaariso inta anad ka jawabin su'aalahani sidii nin loo igmady in uu xal u helo baylahda walaalaha somaliyeed, adiga oo kadheeraanaa dan qabiil kana talinaaya maslaxada umada somaliyeed, isku dayaaya in aad halka ugu dhaw ee lagu wada qanci karo dhigto arinkan.
waxa aan kagabaxayaa adiga iyo dareenkaa adiga iyo dadnimadaa
salmaan daahir qodax (caliasd)
hargeisa s/land
<qodax9@hotmail.com>