DHAQAN AAN
QOONSIMAAD
LAHAYN
Maxamed
yuusuf muuse
<kingmaxamed@yahoo.com>
Bulshooyinka
dunida ilaaahay
ku uumay bulsho
kastaaba waxay
bulshada kale
kaga duwan tahay
dhaqanka ay ka
dhaxlaan
awoowyaashood
iyo Diinta ama
waxa ay
aaminsanyiin iyo
deegaanka ay ku
nool yihiin,
sidaa darteed
bulshada
soomalidu waxay
leedahay dhaqan
isku mid ah iyo
diin isku mid ah
oo ah diinta
islaamka dal
isku mida ah oo
aanay bulsho
kale ku dhex
noolayn.
Haddaba marka
aan sharax ka
bixiyo macanaha
dhaqanka aynu
awoowyaasheen ka
dhaxlanya waxaan
ku qeexayaa :-
awoowaysheen
waxaynu ka
dhaxalnay oo
kala hadhnay
dhaqan wanaagsan
oo ma guuraan ah
, anshax iyo
ixtiraam leh ,diintana
ku salaysan ,bulsho
weynta aduunkana
daris wanaag ina
faraaya in aynu
kula dhaqano.
Dhaqan aan
qoonsimaad
lahayn,sidaa
daraadeed ereyga
dhaqan wuxu
noqonayaa sifo
nololeed iyo
hadhaa
taariikheed oo
laga soo gaadhay
bulsho,ama ay ku
dhaqanto bulsho,
una gaar ah,
sidaas daraadeed
marka aynu u
soo noqono
dhaqanka aynu ka
soo gaadhnay
awoowayaasheen
wuxuu noqonayaa
dhaqan aan
qoonsimaa lahayn
marka laga eego
dhincyada badan
ee bulshada
waxaan u
qaybiyay sadex
waxaana ay kala
yihiin:-
1- Faraca
bulshada
somalida ka soo
jeedo {Abtarsiin
Islaamka ku
taxaluqa iya
deegaan aan
guurguuris
lahayn oo meel
kaliya ku wada
dhaqmay ,
dhaqankooduna
mid keliya yahay}.
2- Dad abtirsiin
iyo isir wadaaga
,fac taariikheed
kooda yahay mid
keliya kuna
hadla Af keliya,
kana badbaaday
dhaqamo
shisheeye soo
waarido ama
gumeyste laga
dhaxlo.
3-Bulsho ku soo
barbaatay diinta
islaamka oo
aanay kala
duwanayan
rumaynta ALLE
iyo RASUULKIISA
N.N.K.H.A oo ay
aaminsanyiin
bulshandani.
Bulshada
soomalidu waxa
aynu ku soo
sheegnay in uu
dhaqankeenu
yahay mid isku
mid ah oo ah
dhaqan aan
qoonsimaad
lahayn
bulshooyinka
caalamkana
inagaga
cabanayan ku
dhex noolaashaha
bulshada,Diinteenuna
ina farayso in
aynu bani
Aadamka si nabad
ah kuwada
noolaano,haddii
aanay fidno iyo
fasahaad inagu
reebayn.
Haddabamarka ku
noqono wuxuu
dhaqanku aha iyo
halka uu maanta
maaraayo,marka
hore dhaqankeenu
wuxuu ahaa
dhaqan huwan
milgo,waxaannan
u qaybiyay afar
qodob;-
1-Dhaqan Diinta
Islaamka ku
fadhiya inta
badan, waxaana
dhaqan ahayd in
caalimka Diintu
bulshada
dhexdeeda ahaa
ninka ugu
milgaha
weyn,wuxuu
sheegana siduu u
sheegay loogu
dhaqmo.
2-Madax
Dhaqameedyo,waxaa
dhaqan ah in
maamulka
dhaqanku
hogaankiisa lagu
ogyahay madax
dhaqameedyo kala
ah, suldaano iyo
caaqilo
madxadaas oo ah
dhaqan soo
jireen ah lana
da'a ah bulshada
jirtaankeeda
ilaa bilow,
dawldnimadana ka
hor waxa dhaqan
ahayd in
bulshada ama
beelahu maamul
doortaan kaas oo
ay ku dhisan
jireen maamul
madax ah oo ka
shaqeeya danaha
deegaamada
bulshada iyo
nabad kuwada
noolshaha
deegaamada la
jaarka
ah,waxaana soo
dooran jiray
maamulkaas
Guurtida,beelaha
iyo caalimada
Diinta oo ahayd
golaha shrciga
islaamka lagu og
yahay.
3-Waxa dhaqan
ahayd in la
dhawro hab
dhaqanka
bulshada iyo
xeerka u degsan
beelaha
dhexdooda loo
dhigay cidii
cidii falal xun
ku kacdana lagu
xukumo ciqaab
waxa ay
mutaystaan, lana
xeeriyo wixii
dhaqan ah
bulshada.
4-Dhaqan
ilaaliyha
bulshada iyo
deegaankeeda,
dhaqan soora
talada dhaqan u
daneeye danyarta
bulshda waxaa
inoo dhaqan
ahayd ilaalinta
saldandaha
bulshada iyo
ixtiraamka
waxgardaka
bulshada,
waxaana inoo
dhaqan ahayd
dabrgoynta
budhcada iyo
dhaqan biiska,
waxaa dhaqan
ahayd ilaalinta
ku xadgudubka
wixii wax
yeelaaya
bulshada.
Talo meel mar ah
oo waxgardku
gooyo bulshaduna
garawsato.
wabilaahi
tawfiiq
Maxamed
yuusuf muuse
<kingmaxamed@yahoo.com>