SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DKM, MABA LULATEE MAXAY LEEFTAA

mahamud samatar <samatarapt@yahoo.com>

DKM ee uu Cabdi Qaasim hogaanka u hayo , intii ay jirta maalina afkeega lagama hayo cabaarayn ay u soo jiidsay xukuunmadii uu Afwyne hogaaminayay dhibaatadii ay soo marisay ummadda Somaaliyeed , sababta oo ah waxa uu ahaa wasiirkii armiha gudaha ee fulinayay dhiibaatooyinkii loo gaysanayey ummadda somaliyeed . Waxa qudha ee laga hayaa waa been iyo marin habaabin, lagu ilawsiinayo ummadda Somaliyeed halgankii dheeraa ee ay u soo galeneen rididii taliskii in Siyaad. Beentaas oo ah isku eekaysiin wadaninimo , taas oo ah in ummadda Somaliyeed la maqashiiyo , Somaliland ma gu'i karto iyo Basaboorka Somalia lama joojin karo.

 
DKG: Somaliland Waxay Ka Mid Tahay Soomaaliya
Ra'isul Wasaaraha Dowlada KMG-ka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in... Guji...
Ummadda Somaliland waxa ay ahaayeen dadkii keenay midnimaddii waxii la isku odhan jiray Somalia ,iyada oo ay himilada ummadda Somaliland ahayd sidii la isgu keeni lahaa ummadda Somalida oo dhan. Kumanaan reer Somaliland ah ayaa ku dhintay dagaalbeeleedkii ummadda Somaliyeed la galiyay, ee la yidhi Ethiopia ayaa laga xoraynayaa Somali Galbeed, iyada oo saldhiga dagaalku uu ahaa dhulbalaadhsi beeleed , ummadda daacadda ah ee Somaliyeedna ee Somalinimadu ka dhabta ahaydna ogaan safka hore dagaalka loo galiyay si ay ugu dhamadaan , inta beelaysigu ama qorshaha qarsoon wadatyna u soo hadho.
 
 
"Somalida ayaa tidhaa kolba xiliga aad joogto salaadeeda ayaa la tukadaa", markaa maanta ninka leh ummadda Somaliland waxa ay ka soo horjeedaa midnimada waxii la isku odhan jiray Somalia waa nin been naftiisa u sheegay , ama aan addunba la socon , kana iibin karayn weedhan ummadda Somaliland. Marka aynu dib u raacno taariikhda ummadda Somaliland iyo kaalintoodii ku aadanayd Somalinimada.
 
Hadaba haddii ay ummada Somaliland ahayd hormmodkii midnimada waxii la isku odhan jiray Somalia , iyo haddii ay tahay imika ta la soo noqotay madaxbanaanideedii , labadan dhacdood ayaa midba ka turjumayaa xiligii la joogay ama la joogo , iyo dareenka ummadda kolba sida uu yahay. Taas oo ah dareenka ummadda Somaliland ee xiligan iyo dareenkii Tima Cadde ee tagay ay kala yihiin laba salaadood oo kala waqti ah.       
 
Ummadda Somaliland maanta uma hayaan sharaf iyo qadarin, nin yidhaa ma gu'i kartaan iyo Somaliland waxa ay ahayd gobol Somalia ka mid ah. Hogaamiyaha kooxda Carta ,ahaana wasiirkii arimaha gudaha ee dawladii ina Syiaad , ee ay ummada Somalyeed u soo martay halkanka qadhaadh si ay isaga rido heeryadisii cuslayd , haddii ay u meel marayaan eryada ka soo yeedhayaa ama ay u cuntamyaan ummadda Somaliyeed, bari hore ayay Carti hanan lahayd hogaanka Somaliyeed.
 
La soo noqoshada madaxbanaanideeda ummadda Somaliland kuma xidhna oo qudha  cadaadiskii , dilkii , dhicii iyo gumaadkii uu soo mariyay taliskii ina Siyaad qaybo ka mida ummadda Somaliland , ee waxa ay ka mid tahay wayo aragnimadii ay soo martay ummadda Somaliland, intii ay la midowday Somalia iyo ka horba.
 
Waxa jira cadow badan oo Somaliland leedahay ha joogo dibad ama dalkiiba , kuna andacooda , mar haddii uu madaxweyne Riyaale soo ahaa NSS maxay Somaliland ka dhigaysaa goosashada, iyada oo Riyaale iyo halkangii SNM  midna ku xidhnayn la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland. La soo noqoshada madaxbaanida Somaliland waxa ay ku xidhan tayahay dareenka ummadda Somaliland ee hadda jira.
 
Ta labaad madaxweynaha Somaliland , Daahir Riyaale , wuu joogay labadii shir ee ay ummadda Somaliland , isugu tagtay ee ka dhacay Boorame iyo Burco ee ay kula soo noqotay madaxbanaanideeda, goortaas oo ahayd mar wada joogeen, inta sheegta in Ryaale ka galay dambi ummadda Somaliland, goortaas oo haboonayd in ay ku cadeeyaan haddii uu dambi ka galay ummadda intii aan loo dooreen xil, ayse tahay imika dhibaato iyo siyaasad raqiisa oo kala qaybin karta ummadda Somaliland, haddii ay mucaaridku ka dhigtaan hal qabsi arintaas. Ummadda Somaliland meel wal oo ay joogto, waxa ay kula xisaabtamaysaa hogaankeeda , dacaadnimo iyo waxtar. Ummadda Somaliland umay dooran umana dooranayso hogaankeeda SNM-buu soo ahaa iyo Siyaad Barre ayuu u soo shaqeeyay ama beel heblaayo, oon ka ahayn dacaadnimo , waxtar , badbaadinta nabadgalyada ummadda Somaliland iyo jiritaankeeda. 
 
 
    Ugu dambayntii hadii uu hogaamiyha kooxda Carta , ka xishoonyo cambaaraynta taliskii Afweyne , waa in uu ogaadaa in aanay u soconayan ama aan laga maqlayn , sheegasho ah wadaninimo been ah , oo uu doonayo in uu kaga baxo shirka Somalia  uga socda Keenya.
 
Hogaan aan ka hadlayn halgankii ay ummadda Somaliyeed u soo gashay madaxbanaaniddeeda, ha ahaado kii lala soo galay Saan Caddaalhii reer Yurub ama kii lala soo galay Saan Madoobiihii Siyaad , ayaan hanan karayn kalsoonida ummadda Somaliyeed. 
 
Ummadda Somaliland way soo dhawaynaysaa cid walba oo aqoonsan jiritaankeeda iyo madaxbanaanideeda , ha usoo shaqeeyo Siyaad Barre ama yaanu u soo shaqayne, mar hadii aanu ruxaasi ka galin dambi ummadda Somaliyeed , meel wal ooy joogtaba.   
 
  Wax kasta oo ay ku dhawaqaan madaaxda UN-tu sida,Tubman Wilson ama Kofi Anan ,  iyo madaadxda IGAD , AU ma EU , umma cuntamayso ummadda Somaliland wax aan ka ahayn , aqoonsiga  jiritaankeeda iyo madaxbanaanideeda.Markaa waa in ay ogaataa Kooxda Carti iyo ninka u qaabilsan UN-ta , Mr. Xasharo in aanay meesha oolin shirka waa loo dhanyahay iyo Somaliland way ku jirtaa. Shicibwaynaha Somaliland waxa ay leeyihiin dawlad ay doorteen oo matasha , damiirka iyo dareenka ummadana matashaha , taas oo ah shaqsiyaad joogaa Mbghati, in aanay sheegan karayn in matalaan ummadda Somaliland, ninkii yidhaa  waxa aan matalaa ummadda Somaliland waa in uu ogaadaa in xabsiga la dhigayo sidii kuwii ka horeeyay ee Carta ku jiray.
 
Nabadeey

mahamud samatar <samatarapt@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | July 1 2004  

Afeef: Aragtida qoraalakan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Wararkii Toogashada Guddoomiyihii Boosaaso
iyoTaliyiihii Ciidanka Canshuuraha Dowlada Hoose ee Kontaroolka Boosaaso iyo sawiro laga soo qaaday gaarigii lagu dhex toogtey marxuumiinta... Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD