SOMALI PEACE RALLY
Galkaio, Somalia, 1da Julyi 2004
PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M7/889/2004
Xaaladda Puntland Waa "Gacan-Ku-Dhiigloow Xaal Qaado"
Galkaio City, Somalia, 1da July 2004 - Somali Peace Rally - Waxaa ah
su'aal la isweydiin karo, maxay u dhintaan dad magac ku leh deegaanka
Puntland marka Cabdullahi dalka ku soo noqdo?Maxaa colaado uga kacaan
deegaankaas marka Cabdullahi yimaado? Maxay badiyaaba u dhacdaa inaan waxba
laga qaban cidda geysata dilalkaas foosha xun?
Waa su'aalo aysan adkayn in laga jawaabo. Cabdullahi xoog iyo cabburis buu
aaminsan yahay, mana oga in intaan qofku wax xukumin ay ka horreyso inuu
aaminsanyahay in asaga naftiisu u hoggaansanayahay in la xukumo. Xaqiiqdu
waaba inaan Cabdullaahi ogayn in asaga mooyee sharci kale jiro. Haddii uu
dantiisa ku gaarayo, waa in laga takhalusaa ciddii ka hortimaadda.
Shakhsiyaadka ku dhintay Puntland ee aan ciduna wax ka qaban, ee weliba
Cabdullahi joogay ama u dhawaa meesha wax ka dhaceen waxaa ka mid ah Suldaan
Axmed Maxamed Hurre, oo asaga si gaar ah uu Abdullahi dilkiisa u kormeeray,
Marxuum Boobe, Guddomiyihii Qardho, Col .Faarax dheere, Col. ABdi Sugulle,
Col. Maxamed Salaad, Col. Coon Cali-Biixi, iyo Sayruuq iyo ragga kale ee
hadda lagu laayey Bosaaso. Bal eeg, waa Gaalkacyo, garoowe, Qardho iyo
Bosaaso.
Dadkaas oo badiddoda loo aanaynayo Cabdullahi wax laga qabtay geeridooda ama
cid loo soo qabtay ma jirin. Xitaa baaris laguma samayn waxa ay ku dhinteen.
Waxaa qaarkood cad inay dilaan askarta asaga waardiyeysa, oo ilaa hadda
shaqadooda caadi u wadata. Waxaa isweydiin leh, ummadda Puntland meyeysan u
fiicanayn in Cabdullahi madaxweynihiisa iska sheegto uuna ka joogo meel
dheer. Haddii Somali u khatifto ee ay Cabdullahi doorato, waxaa Puntland ka
yaraan dillinka siyaasadeed. Waxaa is-weydin leh ayada Somali ma yeeli
doontaa inay ibtilo wax uu dilayso soo dhawaysato. Fikirka dhoofinta
shiddada Cabdullaahi wax qaba in badan oo ka mid xertiisa.
Waa calaamadda Cabdullahi lagu yaqaan inuusan sharciga ka bootiyo qofkii
markaas asaga taageersan. Waa calaamaddii macalinkii dhintay in haddii aan
asaga markaas la haysan wixii diriraya dab lagu sii huriyo. Waa lama filaan
in Cabdullahi wax ka qabto dilka Bosaaso, waa suuro fiican in asaga iyo
taageerayaashiisu lug weyn ku leeyihiin dilkii shalay ka dhacay Bosaaso.
Ragga xaaraanta isku haysta iyo xukun kororsi ma laga yaabaa inay caddaalad
iyo sharci eegaan. Jawaabtu waa maya. Waa taas tan SPR diiddan tahay -
caddaalad darrada feeraha qaawan iyo sida Cabdullahi u isticmaalo camalka ah
ninkii i taageersan sharciga waa ka sarreeyaa, hadduu i sii xigana waaba in
asaga ictidaar la siiyaa markuu wax dilo. Gacan ku dhiiglow xaal qaado waa
xaalka maanta Puntland ku sugantahay, Cabdullahina leeyahya waa dantas
Somalya.
Somali Peace Rally <sprally@hotmail.com>
-dhammaad-
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh SPR.
Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|