“Ma
Ogtahay Askari Jaahilaan amar ka Qaataaye”
Cabdulwaaxid
Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah
baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii marxuumiintii lagu
xasuuqay Boosaaso. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu jannadii Fardowsa
geeyo, ehelkoodiina samir iyo iimaan ka siiyo.
Waxaan kaloo dadka ehelkaa ku boorrinayaa inaysan ku dhicin godka iyo
bohalaha uu qodayo cadowga dadkeenna iyo waxa u adeega. Markasta oo uu
dhiillo maqlo, hogaamiyaha Puntland, wiil baa u dhasha. Haddii isagu
dhagartaas lahaana kumaba sii jirto. Waxaan ka wadaa wuxuu gaaraa
goolkiisii siyaasadeed. Sidii la iiga horreeyey waxa laga jeestaa isaga
oo iyagaa isku jeesta. Seddexda qabiil oo Boosaaso ugu badan mid nin baa
u keenay isagoo wada, labadii kalana waa kuwaas hadda la isku soofeynayo.
Marka hadday dadkii C/hi ka jeestaan oo iyagu isku jeestaan yaa C/hi
dadka ka jeedin?
Waxaa
ceeb ah hadday arrintaasi qabiil la xiriirto. Waa tii Khaliif Allaha u
naxariistee lahaa:
-
Shabeelkii intuu maqasha dhalay meel dayacan seexshay
-
Ee geelu marayee haddana ari mag weydiistay
-
Is-mutuxinta maaggaaga waa lagu maleeyaaye
Ninkii nin ku dilaya dhul la boobay ama dhac muu C/hi iyo mooryaantiisa
aado? Magaaladii oo dhan isagaa dhacay. Isagaa dhowr jeer xilkii ka
qaaday Marxuum Seyruuq. Waxaan shaki lahayn in dadkii ficilkaas geystay
ay yihiin dulli, xuunsho iyo dugaagga yaryar maxaa yeelay iyagaa markii
uu libaaxu wax disho oo ka tago uga dambeeya. Waxaa taas daliil u ah:
C/hi markuu Faarax Dheere iyo Suldaan Hurre dilayey, dadkuu usoo diray,
madaxa ma soo qarsan ee iyagoo caadi ah oo loo wada jeedo bay dileen
laakiin kuwa dulliga ah waa kuwaas maryaha isku dadaya.
Hal-abuurkii
yiri: ma ogtahay askari jaahilaan amar ka qaataaye warkii wuu
dhammeeyey maxaa yeelay askari oo dhan ma xusin ee jahli buu xusay ilayn
askarta qaarkood waa kuwa ugu mudan in laga amar qaato sida markuu yahay
gaarhaye iyo dal-jir sax ah. Waad aragteen in waddamada reer Galbeedka
ay ka dhacdo in madaxweyne loo doorto nin askari soo ahaa. Mararka
qaarkood way ku faanaan inay usoo dagaallameen danta waddankaas xitaa
haddii waddankiisu xaq-darro ku socday.
Jeneraal Daa’uud Allaha u naxariisto iyo Maxamed Abshir waxay ahaayeen
askar. Sidoo kalana C/hi Yuusuf waa askari!
Hal-abuurku
wuxuu diirada saaray jahliga waana wax laga ducaysto. Labadii jeer oo
Jibuuti wax lagu soo dhisay wax askari ah waa laga fogaaday oo midi Cali
Mahdi oo makhaayadle ah buu ahaa midna C/Qaasim oo maamul iyo wasaarado
soo maray.
Suurtogal ma tahay inaynu askari jaahil ah, amar iyo cod aan leennahay
madaxweyne ugu doorano?! Taasi ma ahan wax xitaa hal-abuurradu ay
awileen/odoroseen/saadaaliyeen.
Waxaa
la ii sheegay in beydkaas maansadaa uu ka mid ahaa silsilad furan oo la
sheegay in hal-abuurada laga rabay inuu qofba wax ku darsado. Waxaa la
sheegay in midi yiri:
-
Ma ogtahay anfacadaan cunaa ma laha iidaane
Mid
kale waxaa la sheegay:
-
Ma ogtahay askari jaahilaan amar ka qaataaye.
Mid
kale wuxuu yiri:
-
Ma ogtahay amuurta oo dhami odayga weeyaane.
Inuu
hal hal-abuur tirshayna wey dhici kartaa. Horta waxu haddaysan ahayn
diin oo aan xalaal iyo xaaraan laga hadlayn waa la soo geli karaa. Maxaa
Mbaghati la oran lahaa haddii silsiladaas la fasaxo?
-
Ma ogtahay ergada ay xusheen malaha iimaanne
Hadda waxaa nasoo gaaraya in odayaashii dhaqanka cuntadii loo diiday
iyadoo la leeyahay lacag looma hayo. Maxaa la dhihi karaa?
-
Ma ogtahay oontii ka jare odayadeeniiye.
C/hi oo askari ah baa raba inuu dadkeenna madaxa ka wasakheeyo markuu
yiri: raali kama ahi in xilka la ii kordhiyo! Wuxuu isleeyahay 31-da
Juulaay/Luuliyo baa adiga madaxweyne lagaa dhigayaa marka “dhallaanka
dhulka jooga dhurwaayoo qaado” micnaha Puntland iyo sheekadeed dan kama
lihi laakiin reer Puntland xisaabta maku darsadeen haddii C/hi waayo
xilalkaas wuxuu samayn? Ma iska tagayaa? Mise qaar iyaga ka mid ah buu
ku tegin?
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
QORAALDII HORE EE C/WAAXID
Faafin: SomaliTalk.com | July
1, 2004
Afeef: Aragtida qoraalakan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Wararkii Toogashada Guddoomiyihii Boosaaso
iyoTaliyiihii Ciidanka
Canshuuraha Dowlada Hoose ee Kontaroolka Boosaaso iyo sawiro laga soo
qaaday gaarigii lagu dhex toogtey marxuumiinta...
GujiKulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|