SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

WARARKA MAANTA:::

 

Warbixintii Amiin:::

  • C/llaahi Maxamed Shirwac “Dhaq-dhaqaaqa Bulshada rayidku wuu soo dhaweynayaa ciidamo…..

  • Xildhibaan Ilyaas Cabdi Muuse “Waa meel ka dhac in beesha daarood loo qaybiyo xubnaha Baarlamanka”

  • Mas’uuliyiin ka soo jeedda Somaliland oo shalay muqdisho ku xusey xasuuqii Xeebta Jaziira

  • WAXGARAD KA TIRSAN BEESHA SILCIS GORGAARTA OO SHEEGAY IN FAARAX QARE IYO GARRUUN AYSAN U DHALAN BEESHA.

  • Eng. Siidow “Shaqsiyaadka iyo kooxaha diida shirka waa lala xisaabtami doonaa”

  • Nin meydkiisa la garan waayay oo laga helay agagaarka guriga shaqaalaha….

  • Isbitaalka Banaadir oo ay shalay ka howl-billaabeen dhaqaatiir

  • XISBIGA CADAALADDA IYO SINAANTA OO MAR KALE BOORKA LAGA JAFAY

Warbixintii:: Garyare

  • Melez Zanawi oo markii ugu horeeysay ka hadlay eedeeymaha loo soo jeediyaya Dowladiisa ee ah inaysan jecleyn Dowlad ka dhalatay Somaaliya.

  • Wadahadalkii ugu horeeyay ee dhexmara Beesha Caalamka iyo Ganacsatada Soomaliyeed ayaa lagu wadaa in uu 21 Bishan ka dhaco Magaalada Djabuuti.

  • Wadahadalkii ugu horeeyay ee dhexmara Beesha Caalamka iyo Ganacsatada Soomaliyeed ayaa lagu wadaa in uu 21 Bishan ka dhaco Magaalada Djabuuti.

  • Ganacsade Bashiir Raage oo qiray inay gar tahay gooni isu taaga Gobolada Waqooyi Galbeed ee iminka isku Magaabay Somali Land.

<><><><>

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare”

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

 

Melez Zanawi oo markii ugu horeeysay ka hadlay eedeeymaha loo soo jeediyay Dowladiisa ee ah inaysan jecleyn Dowlad ka dhalata Somaaliya.

 

menkhaus"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.) oo looga hadlay Afrika, Islaamka iyo argagixisada "Africa, Islam, and Terrorism". GUJI....
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden. GUJI...

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Wadanka Itoobiga oo la hadlayay Wargayska soo baxa Wadanka Masar ee la yiraahdo Al-ahram ayaa waxaa uu tibaaxay in Dowladiisa ay ka go’an tahay sidii ay dowlad ugu dhisi lahayd Dalka Soomaaliya oo uu sheegay inuu yahay dal ay ku fogaatay Dhibaatada Qabiilka,waxaaan uu sheegay inay geed dheer iyo mid gaaban intaba u fuuleen Xal u helida Dhibaatada ka taagan Wadanka Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay mid daba dheeraatay.

 

Melez Zenawi Ra’iisul Wasaaraha Wadanka Itoobiya waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay fariisimo ku leeyihiin Kooxaha Argaggixisada, isagoo tusaale u soo qaatay in Soomaaliya ay ka yimaadeen Kooxihii ka danbeeyay Qarixii gol hore ka dhacay Magaalada Mombasa oo uu sheegay inay markii ay gaysteen falkaasina ay diob ugu laabteen Gudaha Wadanka Soomaaliya,taasina ay tahay mid dhib ku ah Dalalka dariska la ah Soomaaliya oo ay ka mid tahay buuyiri Dalkeyga.

 

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxaa uu daboolka ka qaaday inay jirtay khilaafaad horey ugu dhexeyay Dowladaha Itoobiya,Jabuuti iyo Kenya oo ah Dalalka loo xilsaray socod siinta Shirka Soomaalida uga socda Dalka Kenya,laakiin waxaa uu iminka sheegay inay jiraan isfaham Wanaagsan oo ka dhexeeya Dowlahadaasi uu sheegay Melez Zenawi.

 

Hadalkaasi danbe ee Melez Zenawi ayaa ah mid ay ka muuqato inaysan Dowladaha Dariska Caadad ka ahayn Shirka Soomaalida,iyadoo uu midkasta uu Soomaaliya dano gaar ah ka leeyahay isla markaana uu ku adeeganayo Hogaamiyayaasha Dagaalka ee Soomaaliya,Balse waxaan la argi doonee waxa kasoo baxa Shirka Soomaalida uga socda Dalka Kenya oo ka mid ah Wadamada Dariska la ah Soomaaliya.

 

Col.C/laahi Yuusuf oo ay soo wajahday Mucaaradad Xoogan oo la xiriirta  hadafkiisa awood qeybsiga Beesha Daarood.

 

Col.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ka dhex wadaa Siyaasiyeenta iyo Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda Beesha Daarood Olale uu ku doonayo Col.C/laahi Yuusuf inuu Awood baaxad leh ku dhex yeesho qeybinta Xunbaha Beesha Daarood uga mid noqonaya Baarlamanka Soomaali Wayn,waxaana uu u soo jeediyay guud ahaan Beesha Daarood inay ku dhaqsadaan sida ay ku qeybsan lahaayeen 61 Xubnood ee uga soo aaday Baarlamaanka Soomaaliya loo dhisi doono.

 

Col.C/lahaai Yusuf Axmed waxaa uu dhawaan ka soo laabtay Deegaanada uu Maamulkiisa ka taliyo ee la isku yiraahdo Puntland,iyadoo uu halkaasi u tagay inuu xaliyo khilaafaadyo ka soo wajahay dhinaca Maamulkiisa ugu  sareeya,waxaana uu ugu danbeyntii ugu soo guuleystay inuu soo magacaabo Dowlad Cusub oo ay yeelato Puntland-ta iskhilaafsan.

 

Dadaalka Col.C/laahi Yuusuf uu ku doonayo inuu awood ku dhexyeesho qeybinta Xubnaha Daarood uga soo qaday Baarlamaanka Soomaaliya ayaa durbadiiba waxaa soo baxay diidmo soo ay ka muujinayaan hadalkaasi qaarka mid ah Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee ugu Cad cad Beesha Daarood,waxayna sheegeen inay tahay sheekada Col.C/laahi Yusuf Axmed mid ka turjumeysa Go’aanadii horey loogu burburiyay Dowladii Dalka ka talin jirtay 21 Sano.

 

Col.Jamac Cali Jamac oo ah Madaxwaynihii loo itaalka sheegtay ee Puntland ayaa gaashaanka u daruuray hindisaha Col.C/laahi Yuusuf ee ku wajahay inuu doonayo Awood kawayn mida ay leeyihiin siyaasiyiinta kale ee Beesha Daarood,waxaaan uu cadeyay inysan sinaba u ogolaan doonin uu soo saaray Col.C/laahi Yuusuf,waxaana uu intaasi ku daray Col.Jamac Cali Jamac in C/laahi Yusuf uu yahay in aan awood sidaa u siibuuran ku lahayn Beesha Daarood inteeda joogta Shirka Soomaalida uga socda Dalka Kenya.

 

 

Wadahadalkii ugu horeeyay ee dhexmara Beesha Caalamka iyo Ganacsatada Soomaliyeed ayaa lagu wadaa in uu 21 Bishan ka dhaco Magaalada Djabuuti.

 

Ganacsatada ugu magaca dheer Koonfurta Soomaaliya ayaa lagu wadaa in manta ay taariikhdu  ay tahay 21 bishan ay kulan kula yeehsaan Magaalada Xarunta u ah Wadakna Jabuuti Xubno ka tirsan Beesha Caalamka,Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD,iyagoo kawada hadli doona sida ay wararku sheegayaan sida ugu sahlan ee hubka looga dhigi ahaa Maleeshiyooyinka hubaysan ee ka amar qaata  Qaarka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed.

 

Wada Hadaladan ay yeelanayaan Ganacsatada iyo Beeeshan Caalamka ayaa waxaa soo agaasimaya sida ay wararka inagu soo gaarayaan Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga  Yurub ayaa hadana mas;uuliyadiisa sida uu u  dhici lahaa waxaa dusha laga saaray Dowlada Wadanka Jabuuti,iyadoo ay Dowlad Jabuuti Bilowday qaban qaabada Kulankaasi.

 

Ilaa iyo Iminka lama cadeyn Ganacsatada lagu casumay Kulankaasi inay ka qeyb qaadan doonaan,waxaana soo ifbaxay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah oo lagu sheegay Magacyada Qaarka Mid Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadan doona kulankaasi,laakiin wararkaasi ma ahan kuwa si toos  ah uga soo baxay Urur Goboleedka IGAD oo ah leh Qban qaabada ugu xoogan ee ah sidii uu ku qabsoomi lahaa kulankaasi.

 

Magacyada ay shaaciyeen Qaarka mid ah Warbaahinta Soomaalida ee lagu sheegayo Ganacsatada ka qeyb galaysa Kulanka Ganacsatada iyo Beesha Caalamka ayaa ah Ganacsato intooda Badan ka soo jeeda Koonfurta Soomalida gaar ahaan Magaalada Muqdisho,Balse la argi doonee halka uuku danbeeyo Kulanka Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ku yeelan doonaan Magaalda Djabuuti 21 Bishan.

 

Ganacsade Bashiir Raage oo qiray inay gar tahay gooni isu taaga Gobolada Waqooyi Galbeed ee iminka isku Magaabay Somali Land.

 

Ganacsada Bashirr Raage Shiiraar oo shalay ka hadlaayay Xaflad looga gol lahaa sida ay Soomaalida inta badanuga xumayeen Xasuuqii ka dhan ka ahaa Dadka kasoo jeeda Gobolada Waqooyi Galbeed eelaga gaystay Xeebta Jaziira ayaa waxaa uu markii ugu horeeysay  sheegay in meel looga dhacay jiritaanga Dadka kasoo jeeday Gobolada Waqooyi Galbeed,waxaase uu eedeeynta  Xasuuqii Xeebta Jaziira uu dusha ka saaray Xubnihii ka tirsanaa Maamulkii uu Madaxda u ahaa Marxuun Gen,Maxamed Siyaad Barre oo uu sheegay inay yihiin Cida lagula Xisaabtami doono Mustaqbalka hadii ay Dowlad timado.

 

Bashirr Raage waxaa uu si aan geed ku ganbad lahayn u taageeray go’aanka ay qaateen Dadka Waqooyi Galbeed ee ah inay soomaalida inteedakale ka yihiin bari,waxaan uu arintaasi ku tilmaamay Mid ay gar u leeyihiin Reer Waqooyi hadii buuyiri runta aynu ka hadalno oo aynu xasuusano Xasuuqii Xeebta Jaziira,waxaana uu sidoo kale uu shegay inaysan soomaalida kale ku dhicin waxa ay Dowladii Gen,Maxamed Siyaad Barre u gaysatay Dadka Reer Waqooyi.

 

Munaasabadan oo ay goob joog  ka ahaayeen Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano Magac ku leh Gobolada Waqooyi Galbeed ayaa waxaa isku soo dubariday Urur Siyaasadeedka  ay sheegtaan Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar iyo C/qaadir Beebe oo ka mid ah Golaha Abaabul Qarameedka Soomaaliyeed eelagu dhisay Magaalda Jowhar kaasoo la yiraahdo USC/SSA,waxaan muuqato in Xafladaasi ay tahay mid ay uga gol leeyihiin Siyaasad daahsoon.

 

Xasuuqii Xeebta Jaziira oo ay gaysatay Dowladdii Milatariga ee Wadankan ka talinaysay 21 Sano ayaa waxay tahay dhacdo uur ku taalo ku noqotay Qofkasta oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo ka danqanaya dhibaatadii loo gaystay Walaalihiisa Soomaaliyeed ee lahaa Haweenka,Caruurta iyo qeybaha kale ee Bulsho meel kuwada nool,waxayna tahay mid ay wada tiirayasan yihiin Umad Wayna Soomaaliyeed Meelkasta oo ay joogan.

 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aden “Garyare”

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

 

<><><><>

WARAR GOOS GOOS AH::: JULY 18

  • C/llaahi Maxamed Shirwac “Dhaq-dhaqaaqa Bulshada rayidku wuu soo dhaweynayaa ciidamo…..

  • Xildhibaan Ilyaas Cabdi Muuse “Waa meel ka dhac in beesha daarood loo qaybiyo xubnaha Baarlamanka”

  • Mas’uuliyiin ka soo jeedda Somaliland oo shalay muqdisho ku xusey xasuuqii Xeebta Jaziira

  • WAXGARAD KA TIRSAN BEESHA SILCIS GORGAARTA OO SHEEGAY IN FAARAX QARE IYO GARRUUN AYSAN U DHALAN BEESHA.

  • Eng. Siidow “Shaqsiyaadka iyo kooxaha diida shirka waa lala xisaabtami doonaa”

  • Nin meydkiisa la garan waayay oo laga helay agagaarka guriga shaqaalaha….

  • Isbitaalka Banaadir oo ay shalay ka howl-billaabeen dhaqaatiir

  • XISBIGA CADAALADDA IYO SINAANTA OO MAR KALE BOORKA LAGA JAFAY

Waxaa Isku soo dubaridey:
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
e-mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com ama amiinkhasaaro@yahoo.com

C/llaahi Maxamed Shirwac “Dhaq-dhaqaaqa Bulshada rayidku wuu soo dhaweynayaa ciidamo…..

C/llaahi Maxamed Shirwac oo ah afhayeenka dhaq-dhaqaaqa bulshada rayidka ah ayaa waxa uu sheegay in shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalladda Nairobi uu haatan marayo heer geba-gebo ah, lana filayo in ay ka dhalato dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.    C/llaahi mar wax laga weydiiyey bal in dhaq-dhaqaaqa bulshada rayidku taageersan yahay in la keeno ciidammo shisheeya ayaa waxa uu yiri “Dhaq-dhaqaaqa bulshada rayidka ah waa uu taageersan yahay in la keeno ciidammo shisheeye, haddii aysan faragelin ku sameyneyn Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida, waayo shacabku waxa uu u baahan yahay ciidammo hubka ka dhiga, si ay u soo celiyaan amarkii iyo kala dambeyntii”, waxaana uu intaa sii raaciyey “Ciidammo shisheeye wax weyn ayay u qabanayaan bulshada Soomaaliyeed, haddii ay iskaashi ka helaan Bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu sii daba dhigay “Ciidammada shisheeye marka ay dhameeyaan hub ka dhigista waa in dib loo xoojiyaa ama dib loo dhisaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay u buuxiyaan Booska ciidammada shisheeyaha ah”.    “Anigu ma aaminsani in ciidammadaasi ay wax dhib ah u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisii ku soo geba-gebeeyey.

Sanadihii 1992-1994-kii ayay ahayd markii ciidammo ka socday Mareykanka oo gaarayay 40,000 ay hub ka dhigis ku soo dabaali waayeen dalka, iyagoo weliba madaxa la galay iska hor-imaad dhex maray iyaga iyo mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii Soomaaliyeed, sidoo kale dad fara badan ayaa aaminsan in ciidammada shisheeye ay dalka ku soo kordhinayaan dhibaato hor leh, iyagoo welibana keenaya dhaqan aysan Soomaalidu horey u aqoon iyo weliba cudurro halis ah.

Xildhibaan Ilyaas Cabdi Muuse “Waa meel ka dhac in beesha daarood loo qaybiyo xubnaha Baarlamanka”

Xildhibaan Ilyaas Cabdi Muuse oo ka soo jeeda Beesha Daarood ayaa meel ka dhac iyo waxaan la qaadan karin ku tilmaamay in Beesha Daarood loo qaybiyo xubnaha Baarlaman-ka.          Wuxuu u soo jeediyey mas’uuliyiinta IGAD in aysan wax faragelin ah ku sameyn Beesha Daarood oo uu sheegay in ay diyaar u tahay in ay qaybsato xubnahooda, sidoo kale waxa uu u soo jeediyey ergooyinka ka qayb galaya shirka in ay sameeyaan isu tanaasul, isla markaana shirkooda ay ku dhameystaan qaab wanaagsan, si ay bulshadu u hesho dowlad loo dhan yahay, wuxuu kale oo uu sheegay in Beesha Daarood ay weligeed ahayd beel tanaasul sameysa, shacabkana u horseedda nabad iyo dib u heshiisiin, waxaana uu u soo jeediyey C/llaahi Yuusuf inuu gacan ka geysto sidii si caddaalad ah loogu qaybin lahaa xubnaha Baarlamanka, maanta ayaana la filayaa in Beesha Daarood ay kulan xasaasi ah ku yeelato magaallada Nairobi, si ay u soo afjaraan khilaafka u dhexeeya, saddex maalmood oo qura ayaana ka harsan xilligi ay IGAD u qabatay in Beelaha Soomaaliyeed ay soo gudbiyaan xubnaha Baarlamanka ee ku eg 20-ka Bisha July.

Mas’uuliyiin ka soo jeedda Somaliland oo shalay muqdisho ku xusey xasuuqii Xeebta Jaziira

Waxaa maalintii shalay ahayd magaallada Muqdisho ka dhacday xaflad baroor diiq ah oo lagu xusayay xasuuqii Jaziira ee 1989-kii oo la sheegay in ay geysteen ciidammadii Koofiyo-casta ahayd ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Xuskan oo uu soo qaban-qaabiyey ganacsade Bashiir Raage ayaa waxaa ka hadlay duqii hore ee magaallada Burco Cabdalla Xaaji Axmed, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in mar kasta la xasuusto raggii lagu dilay ama lagu xasuuqay xeebta Jaziira.  

“Waa jiraan meelo kale oo lagu xasuuqay dad Soomaaliyeed sida Gobollada Dhexe, Waqooyi iyo deegaanka Qoriloow” ayuu yiri Cabdalla Xaaji Axmed oo sheegay in Waqooyiga Somalia aan weli laga xusin xasuuqii ka dhacay Xeebta Jaziira oo lagu laayay dad isugu jiray aqoonyahanno iyo ganacsato oo intooda badan ka soo jeeday Gobollada Waqooyi.

WAXGARAD KA TIRSAN BEESHA SILCIS GORGAARTA OO SHEEGAY IN FAARAX QARE IYO GARRUUN AYSAN U DHALAN BEESHA.

          Waxaa tuulada Caanoole oo ka tirsan Degmada Afgooye kulan ku yeeshay waxgarad, culimaa’udiin, siyaasiyiin, aqooyahanno, dhallinyaro iyo haween ka tirsan Beesha Silcis-gorgaarte waxaana kulankaasi looga hadlay halka uu marayo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxayna Beeshu sheegtay in ay taageersan tahay shirka, sidoo kale waxa ay sheegtay in ay taageersan tahay qaabkii ay wax u qaybsadeen Beelaha Hawiye.

Beeshu waxaa kale oo ay sheegtay in ay ka soo horjeeddo dadka sheegta magaca beesha ee carqaladda ku haya shirka, waxayna sheegeen in Faarax Qare iyo nabaddoon Garruun aysan u dhalan Beesha, waxayna u soo jeediyeen Beelaha Hawiye, Kiplagat, Guddiga fududeynta iyo Beesha Caalamka in Beeshu ay shirka u soo dirsatay Suldsaan Abuukar Xuseen Max’ed iyo Nabaddoon Maxamed Cumar Axmed, waxaana qoraalkan na soo gaarsiiyey dadka kala ah Cismaan Axmed Cumar, Xuseen Cali Yarow, Ibraahim Cismaan, Sh. Mukhtaar, Drs. Caasho Abuukar, Dr. Maxamed Ciise Cali, Drs, Madiino Xaaji Abuukar, Saynab Abuukar Axmed, Laylo Maxamed Cismaan iyo Sh. C/llaahi Maxamuud Xuseen.

Eng. Siidow “Shaqsiyaadka iyo kooxaha diida shirka waa lala xisaabtami doonaa”

Eng. Siidow Xasan Mahdi oo ah Guddoomiyaha Xuquuqda Aadanaha ee Walaweyn Human Rights ayaa mar uu u warramayay saxaafadda waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ka soo bixi doonto dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay. “14-sano ayay ummadda Soomaaliyeed ku jireen dhibaato” ayuu yiri Eng. Siidow oo intaa raaciyey “Shaqsiyaadka iyo kooxaha diida wixii ka soo baxa shirkaasi ha ogaadaan in caalamku la xisaabtami doono”.

“Way dhammaatay xilligii la oran jirey looma dhamma shirka” ayuu yiri Eng. Siidow Xasan Mahdi oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay soo dhoweeyaan dowladda lagu soo dhisayo dalka Kenya.

Nin meydkiisa la garan waayay oo laga helay agagaarka guriga shaqaalaha….

Shalay galabnimadii ayay ahayd markii carruur kubbad ku ciyaareysay gurigii Shaqaalaha ee u dhexeeya degmooyinka Waaberi iyo Hodan ay kubbadoodii ku dhacday guri ja-jabsan, hase yeeshee yar ka mid ah wiilashii kubadda ciyaarayay ayaa gurigii galay, wuxuuna ugu tagay nin meyd ah oo dhex yaalla oo rasaas madaxa looga dhuftay, markiiba wuu soo qaylo dhaamiyey oo dhallinyaradii kale ayuu u sheegay in uu nin meyd ah soo arkay, dabadeedna halkaasi ayay ku soo xoomeen dhallinyaradii, iyagoo markiiba meydkii u qaaday isbitaalka Cali Booclaay.

Shalay illaa iyo xalay ayaa la garan waayay meydka ninkaasi, iyadoo markii dambe la geeyey masjidka Al-Raxma ee ku yaalla degmada Waaberi, waxaana halkaasi looga qaaday sawirro, maanta ayaana la filayaa in la aaso ninkaasi.

Dhowaan ayay ahayd markii fagaaraha Tarbuunka la soo dhigay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jirey C/naasir oo isagu markii dambe meydkiisii la gartay.

Isbitaalka Banaadir oo ay shalay ka howl-billaabeen dhaqaatiir

Isbitaalka Banaadir oo qaabilsan carruurta &  haweenka oo muddana xirnaa ayaa dib loo furay maalinnimadii Khamiistii, kaddib markii ay dayactir ku sameeyeen haweenka horseedka nabadda iyo nolosha.

Saakay ayaa dhowr dhaqtar ka howlgashay isbitaalkaasi, kuwaasoo qaabilsanaa carruurta iyo haweenka, waxaana isi soo xaadiriyey oo Visito laga qaaday caruur iyo haween gaaraya 90.

Isbitaalka oo ay ka muuqato bilicsami aad u qurxoon ayaa waxaa uu sheegay agaasimaha Isbitaalkaasi Dr. C/llaahi Xaashi Kediye in isbitaalkan toddobaad-kii ay ka howlgeli doonaan dhaqaatiir kala duwan oo uu sheegay in ay si mutadawicnimo ah ugu shaqeyn doonaan shacabkooda.

          Gabadhii ugu horreysay ee ku dhalatay Isbitaalkaasi ayaa loo bixiyey magaca HINNA oo ah magac loo soo gaabiyo (Haweenka Horseedka Nabadda iyo Nolosha) oo ah haweenkii gacanta ka geystay in ay dayactir ku sameeyaan isbitaal-kaasi.

XISBIGA CADAALADDA IYO SINAANTA OO MAR KALE BOORKA LAGA JAFAY

Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xisbigii caddaaladda iyo sinnaanta Midnimada Ummadda Soomaaliyeed (Justice and Liberty people part of Somalia), waxayna sheegeen madaxda xisbigani in ay doonayaan in ay ka qayb qaataan siyaasadda dalka iyo weliba dib u heshiisiinta, waxaa-na Guddoomiye loo magacaabay Eng. Yuusuf Sh. Xasan, guddoomiye ku xigeenna waxaa loo doortay C/raxmaan Jimcaale Faarax (Hargaanti), xoghayaha guud ee Xisbiga waa C/raxmaan Maxamed Cabdi (Garta).

          Xisbigan waxaa la aas-aasay 5-tii Bishii Janaayo 2001-dii, balse waxa ay sheegeen in uu waqtigaasi suurtogeli waayay in lagu dhawaaqo.

WARARKII SHALAY::: July 17

..Winston Tubman “Illaa iyo haatan Q/Midoobay kama hadlin waxa laga yeelaayo qabqablayaasha”..
..Maxaa ka soo baxay kulankii shalay ee wasiirada arrimaha dibada IGAD……..
..Odayaasha & Waxgaradka Degmada Xarar-dheere oo ku baxay xiisad ka dhacdey
..Xaflado qallin jebin ah oo ka dhacay Machadka  SIMAD
..C/llaahi Yuusuf oo shalay galab deg-deg ugu laabtay madasha shirka… 

 

Winston Tubman “Illaa iyo haatan Q/Midoobay kama hadlin waxa laga yeelaayo qabqablayaasha”..

Winston Tubman oo ah Wakiilka Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

“Ma dhihi karo 31-ka Bisha July ayaa Soomaaliya loo dhisi doonaa Dowlad, balse waxaa Qarammada Midoobay ka go’an in shirka Kenya ay ka soo baxdo dowlad Soomaaliyee” ayuu yiri Tubman oo wax laga weydiiyey qaabka hubka looga dhigayo maleeshiyooyinka, waxaana uu yiri “wax qasab ah ma jiraan, hab aad u wanaagsan ayaa hubka looga dhigi doonaa kooxaha maleeshiyooyinka ah”.

Mar wax laga weydiiyey waxa ay ka yeeli doonaan hoggaamiyeyaasha diida dowladda lagu soo dhisi doono Kenya waxa uu yiri “hadda ma caddeyn karo, laakiin cunno qabateyn caalami ah ayaa lagu soo rogi doonaa, arrintanna illaa iyo haatan wax go’aan ah kama soo saarin Q/Midoobay”, ugu dambeyntiina waxa uu u soo jeediyey shacabka Soomaali-yeed in ay taageeraan go’aan-nada ka soo bixi doona shirka dib u heshiisiinta Kenya.

Maxaa ka soo baxay kulankii shalay ee wasiirada arrimaha dibada IGAD……..

Waxaa maalintii shalay ahayd magaallada Nairobi lagu soo geba-gebeeyey kulankii Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD oo ay ka qayb galeen dhammaan 6-da dal ee ku jira ururkaasi, marka laga reebo Somalia, waxaana laga soo saaray go’aanno ay ka mid ahaayeen in kama dambeys beeluhu ay soo gudbiyaan xubnahooda Baarlamanka 20-ka Bishan”. waxa ayna u mahad celiyeen wasiirrada Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle oo iyagu soo gudbiyey xubnaha uga mid noqon doona Baarlamanka cusub ee Somalia, waxaana Beelaha kale ee ay u soo jeediyeen in ay maraan waddadii ay mareen Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle, sidoo kale waxa ay u mahad celiyeen dowladda Kenya oo ay sheegeen in u dhabar adeygtay laba shir oo muhiim u ah Geeska Afrika ee lagu heshiisiinayo dalalka Somalia iyo Sudan 

C/llaahi Yuusuf oo shalay galab deg-deg ugu laabtay madasha shirka… 

Warar xalay naga soo gaaray magaallada Nairobi ayaa waxa ay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo ay shalay ka degeen garoonka Wilson Airport ee magaallada Nairobi.

Col. C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa deg-deg ugu yeeray guddiga fududeynta ee shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyadoo ujeeddada ugu weyn ee loogu yeeray ay tahay cakirnaanta u dhexeysa beelaha Daarood ee iyagu ku heshiin waayay qaabka qaybsiga xubnaha Baarlamanka, waxaana maanta la filayaa in C/llaahi Yuusuf uu kulan la yeesho Beelaha Daarood, si loo soo afjaro khilaafka u dhexeeya beelahaasi, iyadoo wasiirrada Arrimaha Dibadda ay waqti go’an u qabteen Beelaha soo gudbintooda liiska xubnaha Baarlamanka.    C/llaahi Yuusuf waxa uu ka soo tegay xaalad kale oo cakiran oo ka jirta Gobollada Putland, kaddib markii ay iska hor yimaadeen Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirro ka tirsan dowladdiisa iyagoo isku khilaafay magacaabistii dhowaan la sameeyey.

C/Lahi Yuusuf oo u Ambabaxay Kenya

Xaflado qallin jebin ah oo ka dhacay Machadka  SIMAD

Xaflado kala duwan oo qallin jebin ah ayaa maalmihii iyo khamiistii ka dhacay machadka SIMAD ee magaallada Muqdisho.

Xafladdii dhacday khamiistii waxa ay ahayd arday ka qallin jebisay Dugsiga Sare ee Ceynaan ee magaallada Muqdisho, kuwaasoo gaarayay 44-wiil oo ahaa Dufcaddii ugu horreysay ee dugsi Sare ee ka qallin jebisa dugsigaasi, waxaana xafladdaasi oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin fara badan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Dallada SAFE iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ka hadlay maamulaha Dugsiga Ceynaan Xuseen Cilmi Guure oo ka warbixiyey halgankii ay ardaydu u soo mareen shahaadadood,  isagoo sidoo kale sheega in dugsiga Ceynaan oo ay dhigtaan 1350-Arday oo 410 ay gabdho yihiin ay dufcaddani tahay tii ugu horreysay ee ka qallin jebisa Dugsigaasi.

Dhinaca kale subaxnimadii Jimcihii ayaa xaflad si heer sare loo soo agaasimay waxa ay ka dhacday Hoolka Shirarka iyo xafladaha Machadka SIMAD, iyadoo halkaasina machadka Al-Cimra Branch One Laba-dhagax ay shahaadooyin dhinaca saxaafadda ah guddoonsiiyey dufcadihii 16-17-18-aad.

Madaxa machadkaasi Maxamed Cismaan Xuseen (New York) ayaa waxa uu sheegay in Iskuulku uu soo maray heerar kala duwan isagoo sheegay in sanad kasta ay soo saaraan arday dhinaca saxaafadda ah oo uu sheegay in ay shaqo ka helaan qaybaha warbaahinta ee dalka, waxaana shahaadooyinkii ardaydaasi guddoonsiiyey Amiin Yuusuf Khasaaro, Cismaan Cabdi Xasan Black, Max’ed Cismaan Xuseen iyo C/samad Hanad, waxayna u mahad celiyeen dhammaan ardaydii ka qallin jebisay machadkaasi.

Odayaasha & Waxgaradka Degmada Xarar-dheere oo ku baxay xiisad ka dhacdey

Habeen hore ayaa tuulada Dumaaye oo ka tirsan Degmada Xarar-dheere lagu dilay laba nin oo waqtigaa fadhiyey goob Maqaayad ah, waxaana dilkaasi geystay kooxo dabley ah.

Lama garan ujeeddadii ka dambeysay dilka labadaasi nin, balse warar ayaa waxay sheegayaan in lala xiriirinayo aano qabiil, waxaana markiiba goobtii ku baxay odayaal iyo waxgarad ka tirsan degmada Xarar-dheere, si ay u qaboojiyaan xiisadda, iyagoo markiiba kulammo la yeeshay odayaasha labada dhinac, waxaana maanta la filayaa in laga wada hadlo dilkii labadaasi nin oo la sheegay in si aad ah looga xumaaday dilkaasi guud ahaan Xarar-dheere oo lagu tiriyo deegaannada ugu nabdoon dalka tan iyo intii ay socdeen dagaalladii sokeeye

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail. Amiinkhasaaro@hotmail.com .

Col. C/lahi Yuusuf oo Joojiyay Nadwadii ka Socotay Gaalkacyo
Qoraal uu ku saxiixanyahay Gudoomiy ku xigeenka gobolka Mudug ayaa shaaca ka qaaday in
Guji July 17

DKMG oo Markii ugu horeysey ka hadashay Afduubkii Culimada

Dallada Culimada Somaliyeed oo Qabtay Dood

Weerar Lagu soo Qaaday Masjid ku yaal Gaalkacyo

Aqoon iswaydaarsi Cilmiyeed ka Furmay Gaalkacyo

Kulan dacwadeed oo Lagu soo Gabagabeeyey Galdogob

Maxkamadaha Islaamiga ee G/Banaadir oo Samaystay Gole Sare

Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD