SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 WARARKII MAANTA:::
  • Muuse Suudi oo u ambabaxay Magaalada Nairobi
  • IGAD oo markii ugu horeeysay ku dhawaaqday inay  ansixisay  Liisaskii ay u soo gudbiyeen Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle.
  • Xubno ka tirsan Tijaarta Dalka Itoobiya ee Baryahanba Joogay Degaanada Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay shalay soo indha indheeyeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta u ah Gobolka Bari.
  • Faransiiska oo 13 sano kadib Safaarad ka furtay Magaalada Xaurunta u ah Dalka Ciraaq ee Baghdad. 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden “Garyare”

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com            

 

 

Muuse Suudi oo u ambabaxay Magaalada Nairobi

 

Guddoomiyaha urur Siyaasadeedka USC/SSA,Muuse Suudi Yalaxoow iyo Wafdi Balaaran oo uu hor kacayo ayaa maanta u baqoolay Magaalada Xarunta u ah Dalka Kenya,halkaasoo ay Somalidu ku shireyso.

 

Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow ayaa waxaa uu ka mid ahaa Hogaamiyayaasha Fara ku tiriska ah ee ku sugnaa Dalka Gudihiisa,iyadoo uu shirka Somalida uga socda Kenya uu galay Wajigisii Saddexaad,waxaana uu muuse ka dhaga adeegay dhowr jeer oo hore oo loogu baaqay inuu ku soo biiro Hogaamiyayaasha  Somaliyeed ee ku shirsan Magaalada Nairobi.

 

Guddiga Fududaynta ee Urur Goboleedka IGAD ayaa waxa ay Muuse Suudi ku xoojiyeen sidii uu u imaan lahaa Madasha Shirka Isla Markaana uu qeyb uga qaadan lahaa sida ay wax u qeybsanayaan Beelaha Soomaaliyeed ee iminka ku mashquulsan Qeybsiga Xubnaha Baarlamaanka uga Mid Noqonaya,waxaana muuqata inuu Muuse iminka uu diyaar u Noqday inuu Goobjoog u Noqdo Sida ay wax uga Socdaan Shirka Kenya oo maraya Meel Xasaasi ah.

 

Ku Nagaanshaha  uu Muuse Suudi Yalaxooow uu ku Nagaaday Magaalada Muqdisho ayaa timid Kadib markii uu Geeriyooday Taliyihiisii Hore ee Ciidamadda,iyadoo uu Mudo ka fikirayay Cidda uu u magacaabayo Jagadaasi,waxaana uu ugu danbeey ku guuleystay inuu Magacaabo Ninkii u badali lahaa Taliyihiisii Hore ee Ciidamadda .

 

Muuse Suudi Yalaxoow Dhanka kale waxaa uu u Mgacaabay Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade  Ninka ku simaya Jagada uu hayo ee ah Gudoomiyaha Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed,kaasoo lagu Dhisay gol hore Magaalada Balcad Isla Markaana ay ku Bahoobeen Laba iyo Toban Urur Siyaasadeed.

 

IGAD oo markii ugu horeeysay ku dhawaaqday inay  ansixisay  Liisaskii ay u soo gudbiyeen Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle.

 

Ninka u qabilsan Dowlada Kenya Shirka Somalida uga socda halkaasi ,Bathwel Kipligat ayaa shaacay ka qaaday inay ansixiyeen Liisaskii ay u soo gudbiyeen Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle,isagoo Qoraal uu ka soo saaray Shirkana uu ku sheegay inay ku amaanayaan Labadaasi Beelood sida xilkasnimada leh ay u xusheen Xubnahooda uga mid Noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya loo soo dhisi doono.

 

Bathwel Kipligat oo ah Gudoomiyaha Guddiga Fududeynta IGAD ee Shirka Soomaalida ayaa waxaa uu dhinaca kale uu u soo jeediyay Beelaha kale ee Soomaaliyeed inay ilaaliyaan Waqtiga loo qabtay inay ku soo xushaan Xubnaha Baarlamaanka uga Mid Noqonaya,

 

Waxaana uu sidoo kale uu qoraalkaasi ku cadeeyay Bathwel Kipligat in Hogaamiyayaasha Siyaasada iyo Odayaasha Dhaqan ka ee Soomaaliya  ay ku xisaabtamaan Xilliga loo qabtay Soomaalida inay ku soo dhistaan Dowlad ay isku raacsan yihiin ,iyadoo ay  ka harsan tahay Waqtigaasi Sida uu sheegay 18 maalmood oo Qura.

 

Liisaskan ay ansixiyeen Guddiga Fududeynta ee IGAD ayaa waxa jira Beeloo ku abtirsada  Beesha Hawiye ku waasoo sheegay inaysan xaq u ahayn sida loo qeybiyay Xubnaha 61 ah ee Beesha Hawiye uga soo aaday Baarlamanka Soomaaliya loo dhisi doono,waxayna muujiyeen sida ay uga caga jiidayaan Shaxdaasi wax loogu qeybiyay Beelaha Hawiye.

 

Xubno ka tirsan Tijaarta Dalka Itoobiya ee Baryahanba Joogay Degaanada Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay shalay soo indha indheeyeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta u ah Gobolka Bari.

 

Ganacsatadan  reer Itoobi ayaa  waxaa ay baryahanba ay u joogeen Deegaanada Puntland sidii ay Xiriir Ganacasi oo aad u balaaran ay ula yeelan lahaayeen  Ganacsatada iyo  Maamulka  ka Puntland ee uu Hogaamiyo CoL.C/laahi Yuusuf Axmed,iyagoo la kulmay qaar badan oo ka mid ah Ganacsatada Reer Puntland iyo Madaxda Puntland intaba.

 

Socdaalkooda ay iminka ku tageen Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku soo dhaweeya sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya halkaasi Gudoomiyaha Gobolka Bari,Ibraahim Cartan(Xaaji Bakiin)kaasoo soo marsiiyay inbadan oo ka mid ah Magaalada Boosaaso iyo Dekedda Boosaaso oo ah Hadafka ugu wayn ee ay lahaayeen Ganacsatadaasi Reer Itoobi.

 

Guddoomiyaha Gobolka Bari,Ibraahim Cartan (Xaaji Bakiin) waxaa uu sharaxaad ka siiyay Ganacsatadaasi sida ugu haboon ee Maalgashi loogu sameeysan karo Magaalada Boosaaso oo uu sheegay inay tahay Hooyada Maalgashiga Soomaaliyeed,waxana uu  uga Mahad Celiyay sida  Wanaaga leh ee xiriirka ay ula soo sameeyeen Maamulka iyo Ganacasatada Puntland,isagoo u sheegayna inay Gacmo furan ku soo dhawayn doonaan Cidkasta oo daneeynaysa inay Maalgasahto Deegaanada Puntland.

 

Wada hadaliadii dhex maray labada dhican ayaa u badnaa sidii ay Itoobiya u adeegsan lahayd Dekedda Magaalada Boosaaso,taasoo ah Baahida ugu badan ee ay Itoobiyo qabto isla markaana ay tahay mid ay ku bixin doonto Dhaqaalo aan iminka la carabaabin,balse la argi doonee halka ay ku danbeeyso arinta Ganacsatada Itoobiya iyo Maamulka Puntland iminka Dhexmay.

 

Faransiiska oo 13 sano kadib Safaarad ka furtay Magaalada Xarunta u ah Dalka Ciraaq ee Baghdad. 

 

Madaxwaynaha KMG ah ee Wadanka Ciraaq,Gaazi  ayaa ka aqbalay Safiirka Cusb ee uu Faransiiska u soo Magacaabay Wadankiisa Qoraaladii cadeeynayay Magacaabistiisa,isagoo ugu  hanbalyeeyay Magacaabistiisa  loo soo magacaabay Dalka uu isaga Madaxwayanah ka yahay. 

 

Madaxwaynaha KMG ah ee Ciraad waxaa uu ku tilmamaay Magacaabista uu Faransiiska u soo Magacaabay Safiirka inay tahay Wado Hormar leh,taasoo hormuud u noqn karta inay soo Noqoto Xiriirkii Wanaaga Badnaa ee Horay uga Dhexeeyay  Dalalka Faransiiska iyo Ciraaq.

 

Dhanka kale waxaa uu Carabka ku dhuftay inay soo ceshan doonaan Xiriirradii wanaagsanaa ee ay la lahaayeen Dunida inteeda kale ,kaasoo uu sheegay inuu jaray Madaxwaynihii Hore ee Awooda Talada Ciraaq looga qaaday Saadaam Xuseen,xitaa waxaa uu balan ku qaaday inay adgayn doonaan Amaanka Gudaha Wadakna Ciraaq.

 

Ma cada waxa uu uga danleeyay Faransiiska Magacaabsita uu Ciraaq u soo Magacaabay Safiir Cusub,iyadoo la ogyahay inuuu Faransiisku ka mid yahay Dalakii ugu tunga  waynaa ee qaadacay Ga’aankii uu Maraykanka weerarka ugu soo qaadayay Wadanka Ciraaq oo ay ku jirtay Dowlad iyo kala danbeyn intaba,ilaa iyo iminka ma kala cada inuu Faransiisku uu ka laabtay Go’aankiisii hore iyo inkale toona.

 

Dhanka kale Wasiiirka Arimaha Dibadda ee Wadanka Ciraaq ayaa Shalay ka dagay Magaalada Brussels ee Xarunta u ah Midowga Reer Yurub kaasoo Dadaal ugu jira sidii uu Caalamka uga dhaadhicin lahaa Sida ay wax u rabaan hadii ay yihiin Madaxda iminka ee Ciraaq.

 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden “Garyare”

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 14, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD