SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

WAA SIDEE KAALINTA HAWEENKA EE SHIRKA SOMALIDA MBAGHATHI.

Nabad ka dhalata soomaliya waxay mas'uuliyad ka saaran tahay cid walba oo wax garad ah una damqaya bulshada uu ku abtirsaddo rag ama dumar kuu doono ha'ahaadee.waana muhiin in la helo awood iyo maskax badasha xaaladda maanta ee dalka taana la iskuma hayo in ay tahay waajibaad wada saaran si wada jir ahna ay uga soo wada baxaan.laakiin waxaa yar sida muuqata dadaal aan xag jir ahayn oo wada saameeyanaya.

Muddadii u bilowday shirka dib u heshiisiinya somalida haweenku waxa ay ka mid ahaayeen shirka qayb muhim ah kana yihiin wali,qaarkood waxay ka tirsan yihiin ergada iyo goobjoogayaasha shirka waxa ayna samayaan barnaamijyo iyo halku dhigyo nabadeed si shirku uu noqdo mid mira dhala,qaarkood waxa ay ka tirsan yihiin ergada ka socota beelaha halka kuwo kalena ay ka mid ahaayeen guddiyadii lixda ahaa ee uu ka mid ahaa kii xalinta Khilaafadka IWM.waxaana dood dheer ka dib Axdi Qarameedkan cusub loogu qoray in la siiyay haweenka12%.inkastoo ay qaarkood ka biya diidsanaayeen.

Qaar ka mid ah haweenka shirka waxay qayb ka ahaayeen ururo bulsho oo ay taageeraan haya'addo caalami ah sida "NOVIB-SOMALIA"iyagoo siin jiray tababaro xagga nabad ah si ay kaalin wayn uga qaataan shirka, siyaasiyiintana ay ugu cadaadiyaan in ay heshiis buuxa gaaraan.waxaa kale oo ay heli jireen tababaro ururo kale oo caalami ah kuwaas oo iyagana ku dhiiri galinayay in haweenku ay ka qayb qaataan siyaasada dalka baarlamankana ay ka helaan kuraas dhan 25%.

Arrintan ayaa waxaa is hortaagay qaar ka mid ah culimada iyo ergada ku sugan "MBAGATHI"oo sheegay in aysan ogolaanaynin in haweenku ay ka helaan baarlamaanka tiraas balse ay u ogol yihiin wax walba oo ay xaq u leeyihiin in siiyaan xaqaas oo ah midka Alle siiyay haweenka ka badana aysan siinaynin.iyagoo intaasna ku darayay in figaradan ay tahay mid reer galbeed waxna u dhimi karta diinta islaamka oo haweenka siisay sharaf iyo dhowrsanaan. 

Dadaaladaas ayaa suurta galiyay in haween badan ay soo xaadiraan madasha shirka iyagoo qaarkood ka faa'idaysanayay qarashyadaas ay bixiyaan hay'adahaas oo bishii lagu qiyaasay 1200$"kun iyo laba boqol dolar"in helaan mid kasta oo ka mid ah haweenka iyadoo ujeedada qarashka ay bixinayeen hay'dahaas uu ahaa in ay siiyaan haweenka dhiirigalin nabadeed siyaasiyiinta iyo in ay ku abaabulaan barnaamijyo nabadeed oo kor u qaadayaa guulaha laga gaari karo shirka iyo sidii ay wax uga soo bixi lahaayeen intaba.

Balse waxaa dhacday in ay haweenka qaar  qabanin waxii laga filayay iyagoo lakala saftay Hogaamiyaasha dagaalka noqdayna "hogaamiyayal yaryar"waxay abaabulayen mudaaharaadyada kooxaha siyaasaded ay iska soo horjeeda ay sameeyaan iyo iyagoo mararka qaar taageera hogaamiyaasha dagaalka meeshana ka saaray in nabad loo yimid.ee aan cidna mucaaradnimo lagu taageerin.

Xiligaas wixii ka dambeeyay waxaa gabaabsi galay dhaqaalihii ay bixin jireen hay'ddaha isla markaana ay waayeen kaalintii haweenka ay ka filayeen ee ahayd in ay muujiyaan firfircooni xagga nabad ah iyo in ay dhaafi waayeen qaar badan goob joogayaan"observers"taas ayaana keentay in ay niyad jabaan ururadaasi isla markaana ay joojiyaan dhaqaalihii ay bixinayeen sidaas awgeedna ay haween badan dib uga laabtaan shirka.bilihii la soo dhaafay waxa aad u yaraa aragtida haweenka ku sugan goobaha shirka qoraalkana waxaa igu abuuray inaan sameeyo kadib markii aan u kuurgalay arrintan haween badana aan ka waayay goobaha shirka marka is waydiintu waxay tahay HAWEENKU MIYAYSAN AHAYN KUWA UGU BADAN EE AY ASIIBTO DHIBAATADA NABAD LA'AANTA? MAXAY U MUUJIN WAAYEEN DADAAL NABADEED?

DHIBAATOOYINKA AY KALA KULMEEN HAWEENKU DAGAALADA

Haweenka guud ahaan waxaa soo foodsaaray dhib ka dhashay burburkii dowlad la'aanta sababayna dhibaato ku haysta qurbaha iyo mid ay iyagu isku keeneen oo is bahaystay dhamaantoodna ah dhibaatooyin miisaan leh oo u baahan in taxadar.

Xiligii ay socdeen dagaaladii xumaa ee somaliya haweenku waxay la kulmeen dhibaato aan yarayn oo raadkeeda uu wali uu sii muuqdo waxaana lumay mas'uuliyadii iyo tarbiyadii qoyaska iyo caruurta ee hooyadda ka saarnaa kadib markii ay haween badan nolol maalmeedkii qoyska suuqa u galeen iyagoo hayay ganacsi noocyo badan iskugu jira iyadoo aan ka xussi karno "JAADKA"oo ah kan ugu badan ee sida wayn looga cuno meelo badan oo ay somalida ku nooshahay Dal iyo dibadba.mararka qaarna waxaa dhacda in iyagoo wada howlahaas ganacsi ay la kulmaan dhac mararka qaar sababa dhimasho iyadoo aysan jirin cid loo raacanayo.

Dhamaan waxyaabahaas ku dhacaya haweenka, meel kale ugama imaanine waa ubadkoodi "DHALINYARADDA HUBAYSAN"oo waayay maskax fiican oo tusta wadada saxda ah ee nabad ku noolaanshaha iyo amaangalinta ummadda ALLE.iyo odayaashii ay u dhaxayeen iyo kuwii la dhashay "HOGAAMIYAASHA SIYAASAD"oo maskaxdii ka gatay wax aan dan aduun iyo aaqiro midna ugu jirina ku lumiyya mustaqbalkoodi dambe iyo noloshoodi meel kale iyadoo aan laga doonina waa hal qoys oo aan midna uusan midka kale dhibaatada ka hor istaagin kan kale la iskuna garan siiyay.marka waxaa meesha ka baxay kaalintii ay hooyooyinku ku lahayeen tarbiyadda qoyaska iyo mas'uuliyadii guriga taasna waxaa keenay in ay hooyadii ay raadiso nolol maalmeedkii reerka. waxaasna waxaa macalin u ah dagaalada aan ujeedada lahayn ee dalka ka jira.

Qoraalkan maahan mid aan cidna wax ugu dhimayo balse waa kuwo ka jira shirka ujeedaduna waxay tahay in aysan wali si fiican uga muuqan kaalintii haweenka shirka ku lahaayn,mana ahan in ay lumiyeen ee waxaa jira hooyooyin iyo gabdho muujiyay door muhiim ah kana muuqda shirka waanan ku xusay qoraalka,haweenkana waxaa lagu yaqaanay in ahaayeen kuwo jecel nabada horseedna ka ahaa.waaanan ognahay in aysan jirin bulsho wada dhamaystiran.

 Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>


Faafin: SomaliTalk.com | July 13, 2004

Aqoon iswaydaarsi Cilmiyeed Xalay ka Furmay Gaalkacyo
& 500 oo wiil oo seminaar looga furay Muqdisho Guji

Hooyo Soomaaliyeed oo Gabdhaheeda Cafis Weydiisatay
Hooyo Soomaaliyeed oo degan Minnesota ayaa.. Guji July 12

WARAR GOOS GOOS AH
Dowladaha Argagixisada raadsada iyo argagixisada oo saldhig ay ku dagaallamaan looga abuurayo Muqdisho Guji July 12

Warbixin ku saabsan warqaddi Nabi Muxamed u qorey boqorkii Hiraqle waxaa isku soo dubaridey Amiin... Guji

Col: Cabdi Yasiin oo lagu wareejiyey Xilka  Dowlada Hoose Boosaaso
Abaanduulahii Ciidankii GBP ee Mucaaradka ku ahaa Maamulka uu hogaamiyo Col: C/lahi Yusuf ayaa lagu wareejiyey Guji

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD