Madaxwaynaha Kenya,Mwai Kibaki ayaa oo u Xilsaaray Wasiirkiisii Hore ee Arimaha Dibadda Stephan Kolonzo Mosyooko arimaha Shirka Somalida uga socda Dalka Kenya.
Wasiirka Bii'ada iyo kheyraadka Dabiiciga ah ee Wadanka Kenya ,Stephan Kolonzo Mosyooko ayaa waxaa loo xilsaaray markale inuu mas'uul ka Noqdo Geedi Socodka Shirka Somalida ugu Socda Dalka Kenya sida uu ku dhawaaqay Madaxwaynaha Dalka Kenya,Mwai Kibaki.
Madaxwaynaha Kenya,Mwai Kibaki ayaa Stephan Kolonzo Mosyooko u Magacaabay inuu Dowlada Kenya u qaabilsanaado Habsami u socod siinta Wadahadalada Soomaalida Mudadda dheer ugu Socda Magaalada Nairobi,iyadoo uu Madaxwayne Mwai Kibaki uu Ka Codsaday Wasiirkiisa Bii'ada iyo Kheyraadka Dabiiciga ah,Stephan Kolonzo Mosyooko inuu sii laba jibaaro Howshii uu horay uga dhex waday Hogaamiyayaasha Soomaalida iyo kuwa Suudaan.
Magacaabistaan ayaa soo shaac baxday Kadib markii uu Xoghayaha Guuud ee Jimciyada Quruumaha ka dhexeesa,Mr,Koffi Annan uu sheegay inuu Stephan Kolonzo uu yahay Shaqsi door muuqda ka cayaaray hishiisiinta Hogaamiyayaahsa Soomaalida iyo Kuwa Suudaan,isagoo Koffi Annan uu intaasi ku daray inuu jeclaan lahaa inuusan Stephan ka daalin Dhex dhexaadinta uu ka dhex wado Hogaamiyayaasha kasoo jeeda Dalaalka Dariska la ah Kenya oo uu sheegay inay Wehel u Noqdeen Colaadaha Sokeeye.
Dr,C/qaasim Salaad Xasan iyo General,Maxamed Nuur Galaal oo lagu eedeeyay inay ka danbeeyeen Weerarkii Muqdisho looga Afduubtay Wadaad Soomaaliyeed Isla Markaana lagu Dilay Mid kale.
Cabdi Barre Maxamed oo sheegay inuu ka tirsan yahay Golaha SRRC ayaa dusha uga tuuray Mas'uuliyada Afduub dhawaan Muqdisho loogu gaystay Wadaad Soomaaliyeed Mid kalana lagu Dilay Dr,C/qaasim Salaad Xasan oo ah Madaxwaynaha Dowlada Ku Meel Gaarka ah iyo General,Maxamed Nuur Galaal oo isna ah Abaanduulaha Ciidamada Dicaada Qaranka Soomaaliyeed ee Dowlada KMG ah
Cabdi Barre Maxamed waxaa uu sheegay inuu fuliyay Weeraarka lagu afduubtay Culimadaasi soomaaliyeed Nin uu ku sheegay inuu yahay Madaxa Ilaalinta Ciidamada Dr,C/qaasim halka uu Magaciisa ku sheegay Ninkaasina Cabdi Barre.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in markii Culumadaasi la soo afduuntay la geeyay Meel aan sidaa uga dheereen meesha uu Muqdisho ka dagan yahay C/qaasim Salaad Xasan oo uu sheegay inuu isaga sidaa Amar ku bixiyay,waxaana ka muuqday buuyiri Mid kamid ah Labadaasi Nin Dhaawac Xoogan oo uusan helin wax ka Daaweeya.
Dhanka kale waxaa uu intaasi ku daray in Subixii Danbe Culumadaasi Diyaarad loo saaray Magaalada Xarunta u ah Wadanka Jabuuti oo uu sheegay in lagu hayo iminka mid ka mid ah Labadii Nin ee Culumada ahaa ee laga Afduubtay Magaalada Muqdisho,halka midkii dhaawacnaa uu u geeriyooday Dhaawicii soo gaaray Markii ay soo qafaalayeen Ciidamadaasi ay u soo direen C/qaasim Salaad Xasan iyo Gen,Maxamed Nuur Galaal,Waa sida uu hadalka u dhigaye Ninkaasi.
Arintan Afduubka ee loo gaystay Labadaasi Nin ee Culumada ahayd ayaa waxa ka qoomameeyay Dhamaan Reer Muqdisho oo ku tilmaamay inay tahay arin aan lagu farxin oo argagax leh,iyadoo ay madaxda Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho ka soo saareen arintaasi Go’aan ah in dil lagu xukumo qofkii lagu helo fal Afduub ah.
Ilaa iyo Iminka arintaasi kama hadlin C/Qaasim Salaad Xasan iyo Gen,Maxamed Nuur Galal oo ah Labada Mas’uul ee lagu soo eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen Afduubkaasi loo gaystay laba Nin oo ka tirsan Culumada Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah Dadka Reer Muqdisho ayaa Maanta Kulan Baqoordiiq ah waxaay isugu yimaadeen Madaxtooyadii hore ee Somaliya.
Taageerayaasha Isbahaysiga Siyaasadeed ee uu hogaamiyo Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa maanta oo ay taariikhud ku beegan tahay 12 Bisha July oo ah maalin lagu Xasuusto Xaauuqii ay Ciidamda Maraykanka u gaysteen 80 Qof oo isugu jiray Odayaal iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed,taasoo ka sii guuxeysa Dhagaha Dadka Soomaaliyeed Marka ay maqlaan Magaca Maraykan.
Dadkii Maanta halkaasi isugu soo baxay waxaa ay sheegeen inay maanta u tahay Maalin Madow,taasoo ay ku Macneeyeen inay Rag Qiimo Wayn ku dhex lahaa Umada Sooomaaliyeed lagu dilay si Sharci daro ah,waxayay tibaaxeen inay dhacdadaasi ay ku noqotay mid lama ilaawaan ah.
Dr,Bashiir Axmed Cusmaan oo ka Mid ah Isbahaysiga SNA uu hogaamiyo Xuseen Caydiid isla Markaasna sheegay inuu ka mid ahaa Odayaashaasi Xasuuqa loo gaystay ayaa waxaa uu ii sheegay Mar aan waraysi la yeeshay in Tobankii Subaxnimo ee 12 Bishii July Sanadkuna uu ahaa 1993 ay Duqeyn Ba'an u gaysteen Digaaradaha Dagaalka ee Maraykanka gaar ahaan kuwa loo yaqaan AC 130 iyo 26 Diyaaradaha Qumaatiga u u kaca,waxaana uu intaasi ku daray Dr,Bashiir Axmed Cumar in markaasi kadib inay halkaasi ku so hoobteen Ciidamada Maraykanka ee sida aad ka ah u tababaran,isagoo ugu danbeeyna shegay in intii ay dhaawaca ku qabteen Ciidamadaasi Maraykanka ah ay Dileen,Waa sida uu hadalka u dhagaye.
Dhacdadaan ayaa ah mid Dhacday Waqtigii ay Muqdisho ku hardamayeen Ciidamadii Maraykanka iyo kuwii Daacada u ahaa General,Maxamed Faarax Caydiid,iyadoo Dhacdadaasi lagu tiriyo kuwii ugu Xumaa ee Soo mara Umada Soomaaliyeed intii ay ku jireen Dagaalada Sokeeye.
Hogaamiyayaasha Siyaasada ee ka qeyb qaadanaya Shirka Kenya Somalida uga socda ayaa ka soo horjeestay in IGAD ay Baarlamaanka u qeybiso.
Sakariye Maxamuud Xaaji oo ah Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa Cod buuxa ku qaadacay hadalka ah in IGAD ay u qeybiso Baarlamaanka Beelaha Soomaalida ee isfahmi la,waxaana uu sheegay inay Soomaalida tahay Dad isfahmi kara oo aysan u baahnayn in wax loo qeybiyo.
Sakariye dhanka kale waxaa uu sheegay in Odayaasha Dhaqan ka ee Soomaaliya ay yihiin kuwa Xaqa u leh inay qeybiyaan Xubnaha Baarlamaanka uga mid Noqonaya,isagoo sheegay in Siyaasiyiinta uu isag ka mid ka yahay ay yihiin Latashi oo Qura.
C/laahi Shiikh Ismaaciil oo isna kamid ah Hogaamiyayaasha ka qeyb qaadanaya Shirka Nabadeenta ee Somalida uga Socda Kenya ayaa sheegay inaysan jirin wax isfahan waa ah oo u shexeeya Beeshiisa,isagoo sheegay inysan marnaba aysan aqbali Karin hadalka ka so yeeray IGAD ee ah hadii ayku hishiin waayaan Hogaamiyayaasha Siyaasada iyo Odayaasha Dhaqanka in IGAD ay u soo xuli doonto.
C/laahi Shiikh Ismaaciil waxaa uu sheegay inysan IGAD aqoon u lahayn Somalida sida ay u wada dhalatay iyo sida ay Dhul ahaan u wada dagaan,taasoo uu sheegay inay Cqabad u Noqon doonto IGAD arinta ay Iminka ku dhawaaqday,waxaana uu intaasi sii raaciyay"Macquul ma ahan in aan IGAD Baarlamaan iisoo Xul ku iraahdo anigoo ka diiday inay iisoo xulaan Walaalahayga Soomaaliyeed" sidaana waxaa yiri C/laahi Shiikh Ismaaciil.