HA NOO TALIYEE TUUG MAHAYSAAN !!!
Halayaabin oraahda kor ku xusan, markaad akhrisaad ii Garaabi doontaaye waliba markaad
Bogatid qormada oo aad miisaantid nuxurkeeda
Dawladdii hore ee Soomaaliya ayaa muddooyin kii danbe waxaa Caado u noqotay
In qofkii xil ka qabta dowladda marka horaba la is weydiiyo hebel ma nacasbaa ?
Mase waa Nin Rag ah oo wax tabcanaya ! Taas oo loola jeedo ma daacadbaa
Mase waa nin dhacaya Hantida Qaranka Soomaaliyeed waxaana la isku amaani jiray Habel guryuu dhistay oo wax buu tabcaday IWM
Haddaba akhristow fikarkaas iyo aragtidaas Malaga bad baaday
Intii Dowladdii bur burtay ? jawaabtu waa fududahay oo waxa adeg deg kuugu
Sawirmaya su,aal ah Haddii ayadoo Dowladdii jirto ? boob jiray Dowlad la,aantu
Maxay soo siyaadinkartaa oo aan ka sii dar iyo anaa xoog weyn ahayn
Haddii aan mar xaladaas ka gudubno oo u soo daa degno deegaanka Dowlad
Gobaleedka Puntland maka bad baadney qorshahaas ku saleysan xulashada
Ee qofkii tuug ah loo Saanyado, waxaan kaloo wada og nahay
Intii la dhisay maamulkaas markii horana siduu ahaa waan wada og nahay
Markii danbe ee Odaygu ku darsadayna waanu ognahay Laakiin hadda
Maxuu noqon karaa haddii uu lix bilood ku darsaday
Haddaba aniga oo aan aragtidayda ku dheeraaneynin
Waxaan oran karaa Waxaa Baxay hal ku dhig oranaya
Geelu Darantii waaba kaga Daray !!!
Haddaba nin kii khayr sugayow tan iyo intii uu odaygu Xoogga
Ku qabsaday wax weyn oo la taaban karo isma badalin
Howshuna waxay ku socotaa NIN WAX XADA IYO XARIIF MOOYEE NIN
XAQ DOON YIRI KU XISAAB WAA !!!
Haddaba Akhristow waxaad ogaataa inta Nin Tooxsigu Jiro
Ama Qabqablayaasha ay dulminayaan dadka aqoonta leh in aysan wax suurta galeynin
Waxaan saas u leeyahay Wasaarad kasta iyo jaga kasta
Waxaa loo dhiibaa ruux aan u qalmin aqoon ahaan iyo wadaniyadna aan aqoon iyo Somalinimo
Haddaba akhristow Hadalku Duca la,aan ayuu tarmaa ee soo kuu soo bixi mayso
Su,aal ah HANOO TALIYEE TUUG MAHAYSAA !!!!!!
Runtii marar badan waxaa igu soo dhacda Qabqalayaasha markaan maqlo
Heesaha Geela looqaada ama wey ku sifoobaan marka Laga hadlayo waliba
Wadaninimada bal ila arag Heestaan Geela loo qaado Gadaal ayaan ka macneyn doonaa
Nin na Dhalashuu Kuugu Dhiidhiyey Nina Dhuunuu Kuugu Soo Dhacay
Runtii Odayaashii u soo halgamay Xornimada Somalia ee S.Y.L iyo Qabqablashaasha in
La til maamayo ayaad moodaa bal aan macno yar ka bixiyo sidaan horay u sheegay Heestaan Geela wiilka Xeradiisa ku dhashay naftiisa ayuu u huraa habaynkiina Waa ku Qarwaa jacayl uu qabo awgiis Dhalasho ayuu Ugu Dhiidhiyey ayaan Oran karnaa Markaas Laakiin Wiilka Geela iskaga yimid oo aan Xeradiisa ku dhalan Dhuuni ayuu ugu Soo Dhacay soo Ma ahan Haddaba Qabqablashaaha Dagaalka iyo Raggii nafta u Huray Xornimada Somalia isku fiiri Runtii in aysan dhalasho ka Ahayn ee dhuuni ay ka tahay soo ma cada !! bal Fiiri Takadaha iyo Ayraboorada iyo Canshuuraha ay ka Qaadaan dad weynahay Soo Dhunuu kuugu soo Dhacay looma Cuno Taariikhda Somalia ayaa waxaa ka mid Ahaa
Ee iskoolada lagu dhigijiray Halgankii Somalia Haddaba xaggge ayey naga martay
Haddaba waxaaa qurux bad naan lahayd in lagu dhigo Siiradii Nabiga S.W.C iyo Halgankii u dhaxeeyey asaga iyo Gaalada iyo Munaafiqiinta runtii Darsi cajiiba ayey Somalida u noqon lahayd maantay Munaafaq iyo Muumina iskagama darmadeen
Culumaduna Door kooda ayey Cayaari lahaayeen Shaki la,aan Haddaba Akhristow
Aragtaye qabqablayaasha laakiin maxaa u qarsoon Heesaha Geela ayaa waxaa ka mid ah
Hees Oraneysa Hashu Laac Iyo Laanta Aragtaye Lunta Hoosiyo Laagta Ma Og Tahay
Hadda Miyaad og tahay waxa u qarsoon Qabqablayaasha Hadda lixda Bilood iyo lixdii Sano ee C/laahi, Cadaaladda uu sheegay maantay in uu ku Xukumayo puntland xaggee ayey ku taalaa kitaab kee Ayaa Qoraya
Nin aad Taqaani ayey Dhahaan Somalidu Kumaad Tahay lama Dhaho !!
Haddaba Hashu Laac iyo Laanta Aragtaye Lunta Hoosiyo laagta ma og tahay (lunta) hoose waa Meel God ah iyo (laagta) Ma og tahay Akhristow waa meel Biya maraan ah laagtu
Haddaba marka aad aqoontaada diineed iyo aragtidaada is ticmaasho waxaa kuu soo
Baxaysa Oraah Orayneysa Hanoo Taliyee Tuug Mahaysaa !!!!!!
Ustaad Abdiweli Bashir Dalboon
Nairobi Kenya
cdalboon@hotmail.com
Afeefasho aragtidayda anigaa iska leh oo magacaygu ku saxiixan yahay ina gaar tahay
Faafin:
SomaliTalk.com
|
July
12,
2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com