SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

          

Dr Al-Qardaawi oo muslimiinta kula hadlay Ingiriiska.

10 July, 2004

Ridwaan Xaaji C/wali,
Kensington town, London.

Waxaa maanta ka dhacay hoolka wayn ee Kensington town hall ee Magaalada London shirwaynaha ururka Muslimiinta ee dalka Ingiriiska ee sanadka 2004 oo ay ka soo qayb galeen qaar kamid ah culimada ugu caansan ee dunida islaamka iyadoo uu horkacayay sheekha wayn ee lagu magacaabo Dr Yuusuf Al Qaradawi.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen kumanaan Muslimiinta ku nool dalkan Ingiriiska iyo dalalka Yurub waxaa ka muuqatay sida ay ugu faraxsanyihiin booqashada culimada waawayn ee islaamka ay ku yimaadeen dalkan isla markaana ay su’aalo ka waydiiyaan arimaha la xiriira noloshooda guud ee dalalka Reer Galbeedka maadaama ay ku dhaqmayaan diintooda Islaamka.

Waxaa kaloo shirkan ka soo qaybgalay dadyoow ay ka mid yihiin Culimada Yahuuda ee loo yaqaano Xaakhaamaatul Al-Yahuud iyo dad kale oo aan islaamka aamin sanayn hase yeeshee dhagaysanayay muxaadarooyinka la soo bandhigay.

Ahmed Sheekh Maxamed oo ah gudoomiyaha ururka Muslim Association of Britains dhalashadiisana ay tahay soomaali ayaa furitaankii shirka waxaa uu sheegay in wararkii ay warbaahinta dalkan ka qoreen qaradawi in ay tahay cadawnimo islaamka loo qabo oo dulmi ku salaysnayd.

Dr Azzam Tamimi oo ku hadlayay magaca Muslim Association of Britains (MAB) ayaa si kulul uga hadlayay weerarka ay Yahuuda dalkan ku nool ku qaadeen Dr Yuusuf Al qardaaawi iyagoo adeegsanayay Baarlamanka Ingiriiska iyo warbaahinta dalkan ee yahuudu ay kantaroolaan waa sida uu hadalka u dhigayee isla markaana ay ku tilmaameen Qaradaawi Shaydaan.

Waxaana uu sheegay in dhamaan jaaliyadaha muslimiinta ee dalkan aan la xaqiri karin isla markaana qofka muslimka ah looga baahanyahay in dalkan loo simanyahay oo xuquuqdooda loo ogolaado waxaana uu si kulul u weeraray warbaahinta dalkan oo uu sheegay in fikradaha muslimka aysan sii dayn.

Dr yuusuf Al qaradaawi oo kamid ah culimada wax ka bartay Jaamacadda Al Azhar ee Masar , kana qalin jabiyay 1953. Ayaa halkaas ka soo jeediyay muxaadaro ku saabsan fidinta dawcwada islaamka ayaa sheegay in islaamku uu dadka ugu yeero qaab ay ku dhisantahay xikmad iyo waano, qof walba oo muslim ahna waajib ay ku tahay dacwada .

Islaamka waxaa loo soo diray dhamaan caalamka, loomana soo dirin carabta oo kaliya, mana kala fadli badna cadaan iyo madoow ayuu intaasi kudaray sida uu ilaahay SW ku sheegay quraanka.

Qaradwi waxaa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo hadal haynta warbaahinta dalkan ay ku sheegeen in uu yahay ninka ka danbeeya ismiidaaminta bariga dhexe ee israaiil .

Dhamaan culimada kale ee iyaguna kala ah : Dr Jamal Badawi, Dr Tariq Ramadan, Sheikh Omar AbdilKafi, Dr Ahmad Jaballah, Anas Altikriti ay dhamaantood ku dhiiri galiyeen muslimiinta in diinta islaamka ay ku dhaqmaan xili walba iyo meel walba au ay joogaan.

Todobaadkii aynu soo dhaafnay ayaa wargaysyada dalkan waxaa ay weerareen yuusf qaradawi oo ay ku tilmaameen in uu dhiiri galiyo dhalinyarada ismiidaamisa ee falastiiniyiinta iyadoo dhinaca kale hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Concervative ee dalka ingiriiska Michael Howard uu ka codsaday dowladda in aan loo ogolaan qaradawi imaansha ingiriiska.

ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD