Waxba waxbaa ka horeeya horta intii aanan loo abaal gudin haweenka
soomaaliyeed maxay sameeyeen oo ay ku mutaysteen in loo abaal gudo sideese
loogu abaal gudi karaa?.
Haddii aan.wax ka sheegno haweenka soomaaliyeed waxa ay umadda u tareen
marka laga reebo inay ayagu yihiin kuwa dhalay soomaalida oo dhan oo koriyay
haddana waxay noqdeen kuwa uu culayska carruurta soomaaliyeed badankeed uu
dusha ka fuulay oo aanan helin cidkale oo ay ku haleeyaan- waa sida loo badan
yahay.
Marka qurbaha la fiiryo goobaha waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waxaa
lagu arkaa haween badan iyo xoogaa rag ah. Marka la tago meelaha xawilaadaha
oo ay Soomaalida dibadaha joogaa wax uga diraan si ay u caawiyaan qoysaska
Soomaaliyeed oo ay jabhadaha ka hor istaageen fursadaha nabadda iyo
waxqabsiga iyo shaqadaba ha joogaan dalka gudahiisa ama ha joogaan xeryo
qaxooti dal shisheeye waxaa u badan haween Soomaaliyeed.
Dadaalka loogu jiro nabad raadinta iyo soo celinta dawladdii iyo
qaranimadii iyo sharaftii Soomaaliyeed ee luntay safka hore ayay uga jiraan
waayo haddaanan nabad la helin ayaga ayuu culayska badankii ku dhacayaa iyo
dulmiga badankii sida kufsiga (Diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalidaba waa
wax ay diideen) dilka caruurtood, walaakood, ninkooda,dumaashigood,
soddogood,qaraabadooda ama naftoodaba.
Waxaa ayadana muhiim ah in caruurta Soomaaliyeed la baro doorkii ay
haweenka soomaaliyeed ka soo qaateen xornimo u dirirkii iyo curintii
qaranimada Soomaaliyeed ee lagu qamaaray. Haweenka Soomaaliyeed waxay
haysteen oo dahab iyo macdan iyo dheeman iyo luul iyo dhaqaaleba waxay
ahaayeen kuwii maalgashaday halgankii xornimada oo iska lahaa oo hadaanay
hantidooda hurin gobanimo doonadii wax ma wadi kari lahayn. Dhaqaale keliya
ma aha nee waa kuwii naf iyo maalba huray inkastoo Xaawo Taako ugu caansan
tahay waxaa jira kuwa badan oo Qatar u galay Maandeeq.
Dhibta lagu hayo dumarka soomaaliyeed iyo caruurtooda iyo ehelkoodaba oo
ay ku hayaan rag hubaysan oo soomaali ah iyo barafka qurbaha iyo isla hadalka
qurbaha iyo ehel la’aanta ma ahan wax ay filayeen haweenkii xornimada noo
dhaliyay sida ugu haboon ee loogu abaal gudi karo waa in ayaga iyo
caruurtooda iyo raga ay u dhaxaan oo loo amaangeliyo oo ay helaan nabad iyo
fursadda ay xaqqa u leeyihiin.
Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com