Doorashooyin
ku-sheeg Ogadenya laga sameeyay.
Maalintii axadda ahayd ee taariikhdu ahayd 25/1/04, waxaa dalka Ogadenya
laga hirgeliyay wax lagu tilmaamay doorashooyinkii degmooyinka ee dawladaha
hoose lagu dhisi lahaa. Hase yeeshe dadka loogu talagalay inay
doorashooyinkaas ku soo baxaan waxaa liiskooda la diyaariyay mar hore,
doorasho ku sheegtanina waxay ahayd mid magaca u-yaal ah oo ra’yul-caamka
lagu khaldayo.
Waxay sido kale wararku sheegayaan in xarunta maamul ku-sheegga Ogadenya
ee Jigjiga ay maalmahan ka socdaan qorshayaal lagu abuurayo xisbi oo lagu
magacaabo Xisbiga Demoqoradiga Somali Galbeed, kaasoo lagu wado inuu ka qayb
galo doorashooyinka uu gumaysigu doonayo inuu dalka ka hirgeliyo. Abuuridda
xisbigan cusub waxaa si wayn uga soo horjeestay xisbigii daba-dhilifka ahaa
ee talada kililka horay u haystay.
Dhinaca kale iyadoo waayahan laga cabsi qabo inuu mar kale dagaal ka dhex
qarxo, Itoobiya Eritereya, ayaa todobaadyadan dambe ciidamo badan laga
qaadayay dalka Ogadenya. Toddobaadkii hore waxaa Qabri-daharre iyo Godey laga
qaaday in ka badan 20 baabuur oo ciidan ka buuxo oo dhinaca Itoobiya loo
qaaday.
Gumaysiga Itoobiya wuxuu sidoo kale dalka Ogadenya ka qoraa ciidamo cusub oo
loogu talagalay dagaalladaas la filayo inay Itoobiya mar kale ku billowdo
dalka Eritereya. Gobolka Afdheer waxaa ilaa hadda laga qoray 300 Askari.
Degmada Shaygoosh waxaa laga qoray qiyaastii 50 Askari.
Dagalo dhex maray ciidamada wadaniga xoraynta Ogadeneenya iyo ciidamada
gumaysiga Itoobiya.
8/1/04, Dagaal gaadmo ah oo ciidamada wadaiga xoreeynta Ogadeemya ku
qaadeen ciidamada gumaysiga Itoobiya ee degan Gosolaley, oo ka tirsan degmada
Dh/Buur, waxaa cadowga laga dilay 3 askari, 4 kalana waa laga dhaawacay.
11/1/04, Dagaal gaadmo ah oo lagu qaaday ciidamada wayaanaha ah ee
Dhagaxbuur dhexdeeda degan, gaar ahaan xerada loo yaqaano “mishinka” waxaa
gumaysiga laga dilay 4 askari iyadoo kuwo kalena laga dhawacay.
Inkabadan 300 oo arday oo ayaa laga eryay Jaamacada Addis Ababa.
Wariyaha Wakaaladda Waraka Ogadeniya ee magaalada Addis Ababa ayaa
sheegaya in laga eryay arday ka badan 300 waxbarshadoodii Jaamacada Addis
Ababa, ka dib markay diideen go’aankii maamulka Meles Zenawi ee ka dhignaa in
xafiisyada Ismaamulka Oromada laga raro magaalda Addis Ababa.
Ardaydan wxay ka mid ahaayeen 500 arday oo todobaadkii hore ay xidhxidhay
nabad sugida TPLF. Xaqa uu ardaygu u leeyahay inuu waxbarto waxay ku xidhan
tahay sida uu u taageersan yahay siyaasada maamulka Meles Zenawi.
Arday badan oo ka mid ah ardayda xabsiga loo taxaabay ayaan la ogayn meel la
geeyay, dibna loo arag sidii loo xidhay.
Hantidii warshada sibidhka ee Addis Ababa oo la boobay.
wariyaha Wakaaladda Waraka Ogadeniya ayaa sheegaya in hantidii warshada
sibidhka ee magaalada Addis Ababa la lunsaday.
Dhacan oo ay ku lug-leeyihiin madax sare oo maamulka Meles ka tirsan ayaa
waxaa loo xidhxidhay ku xigeenkii warshada sibidhka Wandhimu Taganye, Madaxa
waaxda maaliayda Malikta Kifle, madaxa waaxda farsamada Tadhase Tasfaye iyo
madaxa waaxda ganacsiga Xasan Cali.
Baryahan waxaa soo kordhay boobka hantida dadwaynaha oo laga akhrisan karo
burburka ku gedaaman taliska TPLF.
Dawlada Ingriiska oo ku soo rogatay in faro laga qaado madaxda Itoobiya.
Wararka naga soo gadhaya magalada Adis Ababa ayaa sheegaya inay dawlada
Ingriisku ay ku soo rogatay sharci cusub oo dhigaya in faro laga qaado
madaxda dawlada Itoobiya, ka dib markii ay aad u badatay baxsiga saraakiisha
Itoobiyaka ah ee magangalyada siyaasadeed waydiisanaya dawlada Ingriiska.
Sharcigan farha lagag qaadayo madaxda Itoobiya ayaa waxa u soo baxay
todobaadkan, wuxuuna dhaqan gali doonaa bisha Marso ee soo socota .
Dhinaca Safaarda Maraykanku uu ku leeyaha waddanka Itoobiya ayaa horay u
joojisay inay Fiiso siiso madaxda Itoobiyaanka ah.
Baxsiga madaxda Itoobiya ayaa noqday mid joogto ah siina badanaya maalinba
maalinta ka danbaysa.
Jaaliyada Anayuwak oo wadanka Marykanka mudaharaad ku qabtay.
Radyowga Oromoda ee SBO ayaa sheegay in Jaaliyda qabiilka loo yaqaano
Anyuwaaka, oo ka mid ah qabiilladii dhawaan lagu xasuuqay gobolka Gambeella,
ee ku dhaqan wadanka Marykanku ay dhawaan mudaaharaad wayn ku qabteen
waddanka Maraykanka.
Mudaharaadkan waxaa lagu hor-qabatay safaarda ay xukuumadda Itoobiya ku
leedahay magaalda Washington ee wadanka Marykanka.
Mudaharaadkan waxaa lagaga soo hor-jeeday xasuuqii ay dhawaantan xukuumadda
wayaanhuhu u gaysatay dadka Anyuwaka.
Dadkii mudharaadkaas ka soo qayb galay oo cadho aad u ballaadhan ay ka
muuqatay waxaa ka mid ahaa hal-ku-dhegayaadii ay ku dhawaaqayeen
· Meles waa dilaa
· Meles waa caruurlays
· Wayaanhu ha dhaco
· Meles Hague hala keeno oo maxkamad hala saaro
Dhinaca kale warar kale oo arrimhaas la xidhiidha oo Radio Xorriyo soo
gaadhay ayaa sheegay in dawlada Marykanku ay qabatay guddi gaar ah oo soo
baadha xasuuqaas ay dawlada kalgii taliye Meles u gaysatay dadka rayadka ah
ee ku dhaqan gobolka Gambella.
27.01.2004
Dhiidhi Nuur
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka
dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso warkan oo Cod ah
...HALKAN
KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA
WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u
tahay Radio Xoriyo, kana
tarjumimaayo aragtida SomaliTalk