DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka
baxaya waxuu ka koobanyahay.
- Ø Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya oo Itoobiya ku eedeeysay in ay
huriso dagaalada dadka shacbka ah.
- Ø Arday u dhashay Ogadenya oo Jaamcad ka dhiganayay Wadanka Suudaan oo
ciidamada gumaysiga Itoobiya ku xidheen magaalada Jigjiga.
- Ø Kolonzo Musyoka oo soo saaray go,aankii kama danbaysta ahaa ee tirada
ka qeyb galayaasha shirka.
- Ø Ciidammada Itoobiya oo lagu eedeeyay xasuuq ay gaysteen gobolka
Gambella.
- Ø Itoobiya oo diiday inay bixiso kharashkii xallinta khilaafka xuduudda
iyo suugaan halgameed.
Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya oo
Itoobiya ku eedeeysay in ay huriso dagaalada dadka shacbka ah.
War-saxaafadeed uu soo saaray hogaanka
Warfaafinta ee JWXO ayaa ku eedeeyay taliska TPLF ee talada wadanka itoobiya
haya inuu ka danbeeyo hurinta dagaalada qabiiliga ah ee si isdaba joog ah uga
dhex dhaca dadka deriska iyo walaalaha ah ee kunool Ogadenya.
Xukuumada itoobiya ayaad aad ugu dadaasha siday
iskaga horkeeni lahayd una abuuri lahayd colaadaha qabiilada iyo qowmiyadaha
kala duwan ee gumaysiga itoobiya ku hoos jira.iyadoo doonaysa inay dagaaladaas
qabaliga ah kaga mashquuliso shucuubta xaqooda u halgamaya oo ay kow ka yihiin
shacbiga soomaalida ogadenya,
War-saxaafadeedka ururku wuxuu uga digay
shacabka ree ogadenya inaysan ku dagmin dibindaabyadaas uu gumaysigu
maleegayo,wuxuuna ku adkeeyay inay sii xoojiyaan halkanka xaqqa ah ee JWXO ay
hogaaminayso.
Arday u dhashay Ogadenya oo Jaamcad ka
dhiganayay Wadanka Suudaan oo ciidamada gumaysiga Itoobiya ku xidheen magaalada
Jigjiga
wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadenya u fadhiya
magaalada Khartuum ee dalka Suudaan, ayaa noosoo tabiyey in xabsiga magaalada
Jigjiga loo taxaabay arday soomaalida Ogadenya ah oo wax ka baranayay jaamacad
ku taala dalka Suudaan, kaasoo fasax u tegay dalka Ogadenya.
Waxay wararku intaas ku darayaan in ardaygaas
lagu hayo xabsi aan lagu soo booqan karin, ilaa iyo haddana aan la garanaynin
sababta loo xidhay, balse la sheegay in lagu eedaynayo inuu hawlo siyaasadeed ku
lug-lahaa.
Caado ayay u tahay in ciidammada gumaysiga
Itoobiya ay xabsiga u taxaabaan ama dilaanba dadka aqoonta leh ee soomaalida
Ogadenya u dhashay, iyagoo dadwaynaha soomaalida Ogadenya ka ilaaliya inay wax
bartaan ama in dadka wax soo bartay ay u faa’iideeyaan.
Itoobiya oo diiday inay bixiso kharashkii
xallinta khilaafka xuduudda.
Xalinta khilaafka soohdinta ee Itoobiya iyo
Eritrea oo wakhtigeedii dheeraaday ayaa waxaa gabaabsi noqday kharashkii loogu
talagalay, sidaasna waxaa sheegay xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr. Koofi
Annan mar uu warbixin u jeedinayay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Wuxuu kaloo warku intaa raaciyay in qaybtii
lacagtaas ee lagu dhigay dawlada Ertrea ay bixisay, hase yeeshee dawlada
Itoobiya ay joojisay inay lacagtaas bixiso.
Wuxuu kaloo MR. Koofi Annan warbixintiisaas ku
soo daray inay dalalka deeqda bixiya ku deeqeen 10 malyun oo Dollar, walina loo
baahan yahay lacag gaadhaysa 4 Malyuun oo Dollar, wuxuuna Itoobiya ugu baaqay
inay si degdeg ah u bixiso lacagta laga sugayo.
Madaxwaynihii Kililka Gambella oo baxsaday.
Wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadenya u jooga
magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya inaan ilaa iyo hada la haynin madaxwaynihii
Kililka Gambellada Okelo Akuai, darawalkiisii iyo laba ilaaliyayaashiisa ka mid
ah oo baxsaday horaantii Todobaadkan.
Warku wuxuu intaa ku daray in la filayo inuu
Mr. Okelo u baxsaday wadanka Sudaan balse aan ilaa hada lahaynin halka uu
ubaxsaday oo dhab ah, waxayna baxsashadiisu ka danbaysay markii ay ciimada
Itoobiya xasuuqeen qabiilka uu ka dhashay Mr. Okelo ee Anuak.
Mr. Okelo wuxuu sheegay in tirada dadka halkaas
lagu laayay ay aad uga badan tahay tirada ay dawladu sheegtay. Ilo muhiim ah
ayaa sheegaya in dadka halkaas lagu xasuuqay ay kor u dhaafayso 400 oo qof.
Xasuuqan waxa dawlada Itoobiya si wayn ugu
canbaaraysay hay’ad caalami ah oo u-kuurgasha arrimaha xasuuqa oo la
yidhaahdo(Genocid Watch), taasoo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee wadanka
Holland.
Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya kililka
Gambellada ayaa sheegaya inay ka qaxeen dad gaadhaya ilaa iyo 1600 oo qof oo ka
tirsan qabiilka Anuak(Anyuwak), kuwaasoo ka qaxay cabsida ay ka qabaan in
xukuumada Meles Zenawi ay mar kale xasuuq u gaysato.
Ciidammada Itoobiya oo lagu eedeeyay
xasuuq ay gaysteen gobolka Gambella.
Golaha Xuquuqda Bani’aadamka ee Itoobiya ayaa
xukumadda Addis Ababa ku eedeeyay in ciidammadeedu ay ka qayb qaateen xasuuq loo
gaystay qaar ka mid ah qabilooyinka ku dhaqan gobolka Gambeella.
Madaxwaynaha Golaha Xuquuqda Bani’aadamka ee
Itoobiya Barfasoor Mesfin Wolde-Mariam ayaa sheegay in ciidammada Itoobiya ay si
buuxda uga qayb qaateen weerarro loo gaystay qaar ka mid ah qabiilooyinka dega
gobolka Gambella, waxayna ciidammada xukuumaddu weerarradan kaga aar-goosanayeen
dilkii loo gaystay qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobey oo gobolkaas lagu
laayay.
Xukuumadda ayaa dhimashada ku sheegtay 57 qof
oo kaliya, hase yeeshee Golaha Xuquuqda Bani’aadamka ee Itoobiya ayaa daboolka
ka qaaday inuu hayo magacyada 93 qof oo afartii toddobaad ee ugu denbeeyay
halkaas lagu dilay.
Barfasoor Mesfin wuxuu xukuumadda Melse Zenawi
ku eedeeyay inay dejisatay siyaasad cad oo ka dhigan inay iska hor-imaadyo iyo
dagaallo ka dhex abuurto qabiilooyinka kala duwan ee wada-dega, gaar ahaan kuwa
dega koonfurta galbeed ee Itoobiya.
Xukuumadda Itoobiya waxay sidoo kale dagaallo
sokeeye oo joogto ah ka dhex abuurtaa beelaha kala duwan ee ku dhaqan waddanka
Ogadenya, taasoo ay uga dan-leedahay inay kaga mashquuliso halganka xornimo
doonka ah ee ay kula jiraan.
Kolonzo Musyoka oo shalay soo saaray go,aankii
kama danbaysta ahaa ee tirada ka qeyb galayaasha shirka.
Wasiirka arimaha dibada ee Wadanka Kenya Mr.
Kolonzo Musyoka ayaa si cad ugu dhawaaqay go,aanka kama dambaysta ah oo ay si
wada jir ah ugaadheen IGAD iyo besha caalamku,go,aankaas ayaa ku sargooyey 42
qof ka qaybgalayaasha shirka wadatashiga ee ka soconaya safari park Hotel –Nairobi,wasiirku
wuxuu si aan leex-leexad kujirin u gaadhsiiyey go,aankaas hogaamiyayaasha
soomaaliyeed,isagoo ku wergeliyey cidaan raali ka ahayn go,aankaasi ee doonaysa
inay shirka ka baxdo in diyaar loola yahay in soomaaliya lagu celiyo sida ugu
dhakhsaha badan,go,aan kan cad ayaa shiki weyn ku abuuray kooxda SRRC ee
gacansaarka laleh dowlada Itoobiya,oo doodoodu ahayd inaan ka qaybgalayaasha
tiradooda laga badanin 24kii saxiixe iyo Madaxweynaha DKMG Dr.Cabdiqasim Salaad
Xasan waxayna ukala jabeen 2 kooxood,iyadoo weliba qaar kamid ah
hogaamiyayaashii ugu diidma adkaa ay dabacsanaan muujiyeen.
16.01.2004
C/Nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad
ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|