Mahad waxay u sugnaatay ilaahay subxanahu watacalaye Naxariis iyo nabad
gelyo korkiisa ha ahaato nebigeena suuban Maxamed (C.S.W).
Inkasta oo ay jiraan dadyow badan oo iiga khibrad iyo aqoon badan diinta
islaamka iyo axkaamteeda oo aan hubo inuu xagga hore kaga jiro Saaxiibkay/Walaalkay
Cabdiwaaxid Khaliif iyo rag badan oo kale oo aan hubo inay tusaalayaal cad
cad inaga soo siin doonan waxay diinta Islaamku ka qabto gabadhaasi ay
Ikraam sheegtay, ayaan jecelahay bal horta inaan tusaale yar oo kooban ka
bixiyo qoraal lagu soo saaray Internetka oo Suxufiyadda Ikraam
Cali Kaar kaga hadlaysay Gabadh magaceeda ay ku sheegtay Shugri kana hawl
gasha meel jidhka lagu dhiso oo ku taalla magaalada Gothernberg (GYM) oo ay
Ikraam degentahayna, hadaba intaanan u gudo gelin qeexitaanna ku samaynin
dhaqanka ay huwantahay Gabadha Soomaliyeed ayaan jecelahay marka hore bal
inaan tusaale huffan ka bixiyo Maxay ahayd Masuuliyadda Haweenayda ama
xaawalayda Soomaliyeed? Muxuu ahaa dhaqanka iyo Hibada ilaahay siiyey ee ay
kaga duwanayd umadaha kale ee ku geedanna? Maxay ahayd hawraarta loogu soo
geed fadhiisan jiray Gabadha Soomaliyeed? Dhaqanka Soomaliyeed muxuu kaga
duwanna dhaqamada kale ee mandaqadda Afrika? iyo weliba sida dhaqankeenu uu
u tirtirmaayo?
1. MAXAY AHAYD MASUULIYADDA GABADHA SOOMALIYEED
Hooyadu waa isha hagta dunida aynu ku noolahay, waa haybadda iyo sharafta
Aadamaha dhamaantiis, waa hog dhigga hawraarta iyo edaabta guriga, waa
qorsheeyaha baarandegaha iyo horumariyaha laf dhabarta u ah dhamaan
mujtamaca Dunida ku dhaqan.
Nebigeena Suuban Maxamed (C.S.W) oo la weydiiyey xaqqa hooyadu leedahay
ayaa wuxuu Nebigeena Suuban (C.S.W) ku tilmaamay inay hooyadu seddex jeer
ka xaq badantahay Aabaha, Hooyadu waa quudiyaha rag iyo dumar dhamaanteen,
Hooyadu waa hadaaq bartada ubadka, hooyadu waa laf dhabarta ugu muhiimsan
qoyska, ma soo koobi karo haybadda iyo sharafta iyo cisiga ay hooyadu
qoyska Soomaliyeed ku leedahay, waxaan tusaale usoo qaadan kara Heestii
dheerayd ee Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" ka
sameeyey Hooyada wuxuu yidhi Hadraawi :
Laba Walaalo
Soomaaliyeed oo "Halifax Herald" Sawirkooda u Xulatay in ay Kamidyihiin
kuwa ugu Wanaagsan Sannadka 2000
Akhri halkan...
|
Hooyoy la'aantaa
Aduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Xiddig hawd ka lulatoo
Sida haad ma fuuleen
Dayax heego joogoo
Hubka laguma tureen
Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo
Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu heleynoo.
waa run xaqiiq waa dhab hooyo intay hannad xanbartay haneedka siisay ay
horaadada jaqsiisay oo ay habtay ayaan xisaab iyo tiro lagu koobi karayn,
maxaa maanta dhalinyaro, waayeel, dumar iyo rag inaga mid ah ee haybad iyo
qurux iyo sharaf isbidaaya waxaa hubaal ah intuba inay hooyo u kasbtay,
akhriste Ma malaysay adiga oo dagaalo ka hayaamay, goob cidla,a oo gari
go'an ah oo uu madfaca iyo rasaastu isweydaaranayaan maalintii oo dhan,
habeenkii oo dhanna cida waraabaha iyo libaaxu daron doori dhacayaan Hooyo
waa ta kalkeeda iyo laabteeda cadawga kaaga jirta waa ta kuu diida inaad
dhulka taabato, waa ta kaa jirta cadawga dhamaantiis.
Iyada oo ay sidaas tahay ayaa umadda afka Soomaliga ku hadasha ee ku dhaqan
beriga afrika waxay lahayd dhaqan iyo hibo u gaar ah oo gabadha Soomaliyeed
ugu banbixi jirtay inay noqoto hooyo xanbaarta hannad una dhexda hirrad,
akhristow waxaa dhaqanka Soomalidu ahaa in gabadh lagu qeexi karo seddex
mid uun
1. sharaf iyo edaab
2. Qurux iyo bilic ay ku darsatay dhabeelnimo
3. Hawlkarnimo iyo Daacad.
Masuuliyadda koobaad ee gabadh Soomaliyeed lagu yaqaanay intaanay hooyo u
xuubsiiban waxay ahayd inay noqoto gabadh asturan, sharaf iyo cisi leh,
gabadha Soomaliyeed waxay ahayd mid leh karaamadeeda iyo ixitiraamkeeda,
taasi oo laga soo unkay guriga ay ku barbaartay, gabadh kasta oo
Soomaliyeed waxay qadirin iyo sharaf lahayd intaan geedka loo soo fadhiisan
ee aan gacmaha la isku waydaarsan, la iskana gudoomin, gabadha Soomaliyeed
waxaa xil ka saarna horumarinta qoyska ay ka dhallatay, hawl maalmeedka
reerkooda iyo asturnida iyo nafteeda iyo dhabeel ka dhigidda hooygeeda.
SIDUU KU DANBEEYEY DHAQANKII HOOYADA IYO HAWEENAYDA SOOMALIYEED
|
|
Ayaan
Xirsi Cali |
Ikraam
Cali-kaar |
Waa laba gabdhood oo
Soomaali ah oo labaduba jooga qurbe, gaar ahaan Yurub. Hadaba akhri
qoraalkii ay qortay Ikraam kana qortay Ayaan
Guji....
HADALO AY YIRAAHDEEN LABADAN
GABDHOOD:
Ayaan: waxay sheegtay in diinta islaamku "caburiso isla markaana
xaqirto dumarka".
Ikraam: waxay tiri "waxaa Ayaan darro ah in Ayaan ay maanta
sidato magacii soomaali ee islaanimada lugu yaqiinay oo diintii iyo
soomaalinamadii ay waxaan macno laheyn ka dooratay, islamarkaasina
faraha lagashay Diintii Ilaahey." [Tixraac...] |
Wixii ka danbeeyey dagaaladii ka dhacay dhulka soomalidu degto ee ku
dhereran mandaqadda Afrika waxaa Soomalida dhamaanteed ay ku keliftay inay
noqoto shucuubta keliya ee afrika badankoodu u haajireen dawladaha reer
Galbeedka, taasi waxay bartay Haweenayda iyo Hooyada Soomaliyeed waa cusub
oo duruufaheeda gaar ahaaneed watta (cross cultural circumistances), waxay
soo dhex jibaaxday dhaqan aanay weligeedi iyo allaheed ab iyo isir la
wadaagin, taasi oo ay hooyadii Soomaliyeed qasab ku noqotay inay ku dhex
milanto dhaqankeediina geed ku laasho, runtii lama wada odhan karo dhamaan
hooyo Soomaliyeed oo kasta oo ku nool europe iyo waqooyiga america ayaa
sidaasi u xuub siibatay ama raadraacday dhaqanka galbeedka, daraasad laga
qaaday waddanka Canada oo Soomalidu degeni aad u badantahay muddo seddex
sanno hadda laga joogo ayaa waxaa la ogaaday in Shucuubta Soomalidu tahay
shacabka ugu horeeya ee dhaqankooga aan ka tegin marka lala bar bar dhigo
dadyowga kale ee muslimiinta ah ee usoo haajiray Waddankaasi Canada,
daraasadaasi la qaaday oo loo adeegsaday siyaabo kala duwan waxaa qodobkii
ugu horeeyey ee lagu ogaaday taasi noqotay waraaqaha dhalashada ee waddanka
Canada oo dadka qaata ee Soomalida gaar ahaan dumarku ay timaha dedan
yahiin ama isticmaalan khamaarka timaha lagu asturo, sidoo kale waxaa
Hooyadii Soomaliyeed ama haweenaydii Soomaliyeed qasab ku noqotay duruufo
badan oo ay kaga fogaatay la dhaqanka iyo koriinka caruurteeda, waxaa
Hooyada ama haweenayda Soomaliyeed ee galbeedka usoo haajirtay ay ku
qasabtay noloshu inay shaqo hesho si ay nolosheeda kor ugu qaado, waxyaabo
badan ayaan u aanayn kara waxyaabaha ku kelifay haweenka Soomaliyeed ee ku
dhaqan europe iyo waqooyiga America inay ugu wacantahay ka xuubsiibashada
qunyarka usocota waxyabaahaasi oo ay ka mid yahiin:-
1. Guurka oo aad u yaraaday sababta oo ah raggii Soomaliyeed oo gabay
haweenkii la dhashay ee Soomaliyeed kuna mashquulsan waxyaabo aan danta
mujtamaca soomalida u wacnayn.
2. Furriinka iyo Muranka qoysaska soomalida ee ku dhaqan
wadamada galbeedka oo aad u tiro battay: Waxaan taasi tusaale buuxda usoo
qaadan kara weli lama arag ama dhaqanka soomalida dhexdiisa kama dhicin Nin
haweenaydiisa intuu dilo ama fara saaro hadana nolosha ku guba ama Nin
Haweenaydiisa iyo caruurtiisa qudha ka jira, sidaynu ka war qabno ama intiini
la socotay ee ka akhrisatay mareegayaasha wararka ee Soomalida waxaa muddo
hal sanno iyo badh laga joogo dalka Norway qudha ka jiray Haweenaydiisi nin
Soomaliyeed isaga oo intuu mindi ku dilay weliba u raaciyey inuu nolosha ku
gubo.
3. inkasta oo aan hadana la wada odhan karin Soomalida qarbiga usoo
hayaantay waa wada yahiin waxaa caruurtii Soomaliyeed qaar badan oo ka mid
ahi xaaladahaasi ku kelifeen in ay noqdaan Aabo la,aan ama hooyo la,aan
waxaana soo baxay hawraaro cusub oo aan ceebi ku jirino loona adeegsado
arrintaasi noqotayna (Single Mother) iyo wixii la halmaala.
4. qaar badan oo ka mid ah dhalinyaradii usoo haajiray dawladaha qarbiga
waxaa ay ku keliftay inay ku haftaan nidaamkay dejisteen duulka reer
galbeedku uguna yeedhen (Dimuqraadiyad) taasi oo loogu tallo gallay in ay
sal iyo baar taabato qoysaska iyo da'yarta, waxaa taasi si weyn u taabtay
dhaqanka iyo asluubta shacabka Soomaliyeed taasi oo dhalinyar ama da'yar
badan ay diinta ka saartayba sida Gabadh la ii sheegay inay ka mid tahay
hadda Baarlamaanka dalka Holland oo loogu abaal guday mansabkaasi markii ay
diinteeda Islaamka ee muqadaska ah aflagaadaysay oo magaceeda la iigu
sheegay Ayaan.
SIDAYNU KU SIFAYN KARA SHUGRI XAAJI
Ma jecli inaan qeexitaan toos ah ku sameeyo shakhsiyadda Shugri xaaji ama
gabadha ay Ikraam Cali Kaar ku soo bandhigtay hawl maalmeedkeeda magaalada
Gothernberg ee carriga Sweden kuna sheegtay inay noloshadeena u hurtay
ciyaartaanka Jiimka, laakiin waxaa keliya oo aan jecelahay inaan ku soo
koobo Shugri xaaji waxay ka mid tahay da'yarta Soomaliyeed ee u haajiray
duulka galbeed dantuna ku qasabtay inay qaatan ama ku dhex milaan
dhaqankooga ka mujtmaca ay ugu tageen, taasi oo keliftay duruufahii badna
ee la soo wajahay qoysaska Soomaliyeed ee masaafadda dheer usoo maray inay
noloshooda keliya ku bad baadshaan, la yaab muujin mayso dhaqanka ay Shugri
Xaaji soo bandhigtay wallow maanta ay jiraan sidaan qabo dumar Soomaliyeed
oo ka liita Shugri xaaji ficilkeeda Sida Ayaan Xirsi gabadh la yidhaahdo oo
ku jirta Baarlamaanka waddanka Holland oo diinteedii uga baxday nolosha iyo
dhal dhalaalka reer Galbeedka
Fartun xishoodkeedu wuxuu
soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo makhaayada (Kafeeteriyada),
halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad
gabdhaha kale ee Soomaalida.
Akhri halkan... |
la yaab muujin mayso dhaqanka Shugri xaaji wallow ay jiraan haween
Soomaliyeed oo ka liita waxay nafteeda u hurtay.
Guntii iyo gebo gebadii ayaan jecelahay inaan ku soo khatimo
qoraalkaygan kooban ee aan kaga hadlaayey duruufaha haweenka Soomaliyeed
iyo bedweynta duulka qarbiga ee ay u yimaadeen tixdii Maxamed Ibraahim
Warsame Hadraawi ee "Hablaha Geeska Afrika"
Go'i waa barbaareey
Gobi waxay ku dhaqantaa
Garab waxay ka dhigataa
Gallad waxay ku dheeftaa
Samo waxay ku gaadhaa
Gololadda haweenkee
Hiddaheena gaarka ah
Hablihii gabowgiyo
Geerida ku sugi jiray
Hablihii garayskiyo
Xiran jiray guntiinada
Hablihii gu' iyo dayr
Sida baarqab golongolay
Dhexda xarig ku goyn jiray
Hablihii garaaraha
Gaatan-socodka laafyaha
Sida gorayga ciideed
Gelbin jiray tallaabada
Hablihii gun iyo baar
Isha gacalo-eegtaa
Gama aanay ledi jirin
Hablii talada guunkiyo
Gunti jirey xishoodkee
Hadlakoodu gaabnaa
Hablihii gef hooyiyo
Qarsan jirey guhaadee
Haday godolo soomaan
Haddey gaajo liitaan
Cidi aaney garan jirn
Hablihii gammaan faras
Iyo geela ugubka ah
Guur doon ka bixin jiray
Hablihii Gargaariyo
Guuleed ku curan jiray
Goldaloolo iyo ceeb
Hablihii ka guban jiray
Hablahaan gankoodiyo
Hilibkooda gadi jirinee
Haddii aad gujeysaan
Guulguul ku leysaan
Godol qudha ku moodaan
Gabal kooda dumisaan
Hadba tooda goosha ah
Ganacleyda jabisaan
Dadku gabanaa xooriyo
Garrac ley yidhaahdaan
Inagoo gumeyniyo
Dhaqan guurey weeyee
Gocashada xanuunka leh
Waxaan uga gon leeyahay
Godob aabbe faleybaa
Ubadkiisa gocondhiyo
Gumarshiga ku noqotee
Gabi dheer ku dumisee
Ninka inan ma geyda
Golqaniin ku maalee
Guraac kaga daneystow
Waxaad gaax saneysiyo
Gashigaad cuneysiyo
Xumahaad galeysaa
Ruuxey ka go’an tahey
Gabadhaada weeyee
Gafka aad faleysiyo
Waxaad geysanasaa
Galabkale ka sheekeyn
Gebagebada sheekada
Bal aan soo gunaanado
Guddoonsiiyo jiiftada
Gabigeed adduunyada
Gobol-gobol u qaadoo
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteena mooyee
Gayi kale ma joogaan
FAALADDII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com
Mobile: 00-92-300-2600907