Washington: Wasaaradda
arrimaha dibadda ee dalka maraykanka qaybta qaabilsan waaxda socdaalka ayaa
waxay soo saartay bishani aynu ku jiro ee January 16-keedii baaq ay u dirayso
dhammaan dadka maraykanka ah ee ku sugan waddanka Jibouti inay ka
feejignaadan falal argagixiso oo lagula kaco, Warbixintani ay qortay waaxda
socdaalka ee wasaaradda Arrimaha dibadda ee maraykanku waxay tibaaxday in ay
heleen warar lagu kalsoonyahay oo sheegaya in Al-qaacida si weyn uga shaqayso
Jamhuuriyadda Jibouti ayna qorshaynayso sidii ay weeraro ugu qaadi lahayd
dadka maraykanka ah ee ku sugan waddanka Jibouti, xarumaha maraykanku ku
leeyahay Jamhuuriyadda Jibouti iyo weliba goobaha kiniisadaha ah ee ay ku
cibaadaystaan dadka maraykanka ah ee socdaalka ku yimaadda Jamhuuriyadda
Jibouti, warbixintani oo lagu qoray bogga Websiteka ee waaxda arrimaha
Dibadda ee dalka maraykanku waxay uga digtay dadka maraykanka ah ee u safraya
Jamhuuriyadda Jibouti inay feejignaan dheeraad ah qaatan, lana soo xidhiidhan
goobaha ugu dhaw ee safaarad maraykan ah ku taallo, ugu danbaytii waxay
waaxda Socdaalka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanku (State
Department) ugu baaqaysa dhamaan shacabka maraykanka ah ee u safraya
Jamhuuriyadda Jibouti inay soo wacaan telephone kani:
+253-35-39-95 oo ah Safaaradda maraykanku ku leedahay Jamhuuriyadda
Jibouti.
Waa markii labaad ee sidani oo kale dawladda maraykanku uga soo saartay
warbixin ay u dirayso muwaadiniinta maraykanka ah inay ka foojignaadan
safarkooga Jamhuuriyadda Jibouti, lama garan karo waxa wakhtigani kelifay
digniintani balse sida laga warqabo waxaa ku sugan Jamhuuriyadda Jibouti tiro
kooban oo ah ciidanka bedda ee dalka maraykanka iyo weliba shaqaale kooban oo
u shaqeeya keliya Safaaradda maraykanka ee ku taalla Magaalada Jibouti ee
xarunta Jamhuuriyadda Jibouti.
N.B: Warbixintani oo ku qoran afka Ingiiriska waxaad ka heli karta bogga
internetka ee waaxda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka ama guji Links kan:
http://www.travel.state.gov/djibouti_announce.html
Waxaa soo turjumay:

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com
Mobile: 00-92-300-2600907