Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com
Mobile: 00-92-300-2600907
Filimada anshaxa xun, ruugidda
Qaadka
iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin
Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya..
Guji...
QORAALKII SHAAFICI:
Qoraalka uu Ilyaas idiin soo diray ma aha midkii uu hore ugu jawaabey oo
inta Internetka lagu baahiyey haddana laga saaray ee waa mid uu qoray
markii uu akhriyey "Farxad iyo Faa'iido" ka dib! Sidaas awgeed waxaad
tihiin dad aad si xayi ah u noolayn ee nolol qunjuraaf ah ku jira. Dadka
kartida lihi sidaas liidnimada ah dadka ulama ay dagaalaan ee si xayi ah
bay cadkooda u goostaan.
Maxaa idiin diidey in aad qoraalkii hore ee Ilyaas ku qortaan meesha aad
dhigteen midkii uu xalay qoray? Midda kale yaa idiin oggolaaday in aad
tuurtaan qaar ammaanadii aan idiin soo diray ka mid ah gaalo yahay! Waxba
la igagama qaadi karo in sida dawacadii la iila dhaqmo, waayo waxaan ahay
aar oo cidina daciifnimo wax igagama qaadi karto. Laba xaniiyood baa inoo
dhex ah!
Shaafici
mi99mosh@chl.chalmers.se
Jawaabtii SomaliTalk:
Ugu horayn qoraalkaaga hore waxaan u daabaci weyney wuxuu ahaa qoraal
aan waafaqsanayn anshaxa qoraalada, waxaaan xaq u leenahay in aanaan
daabicin wixii aan waafaqsanayn xeerka qoraalada iyo
shuruuradaha aan horay u faafinay,
sida aad adiguba qirtay websiteyadii kuu daabacay waa masaxeen markay
ogaadeen in qoraalkaasi uusan u cuntamayn anshaxa qoraalka.
Tankale waxaan xaq u leenahay qoraalka aan daabacayno in aan faafreeb
ku samayno, wixii aan dadka u cuntamayna ma siideyno.
Qoraalka
Ilyaas ee aad xustay asaga toos u weydii.
Xornimada saxaafadu ma ahan in wixii la doono la iska daabaco.
Tankale haddii aad tahay qof gari gasho, waxaan kaa rabnaa sababta
aad ku tiri hadalkan:
"gaalo yahay!". Haddii hadalkaaga anshaxa aan waafaqsanayn
la diidey ma dadkaad diinta ka saaraysaa, maka saari karide.
(SomaliTalk | Amsterdam | Jan 17, 04)
We welcome all opinions
but reserve the right to edit them. |
Sida laga warqabo waxaa muddo afar todobaad ah ku sugan magaalada Laas
canood ee xarunta Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland shufto ka amar
qaadata hogaamiye Kooxeedka Cabdilaahi yuusuf yey, Shuftadaasi oo dhicitaan,
boob, hitigaad iyo cagajuglayn badan ku haysa umadda dihin ee Reer Laas Canood
ee dahabka ah waxay isku dayeen inay khaldaan karaamada shacabka Reer Sool,
Hadaba qoraalo ku soo baxay bogaga isku magac dhaba Puntland oo la ii sheegay
inuu leeyahay nin uu dhallay Keligii Taliya Cabdilaahi Yuusuf Yey ayaan
jecelahay inaan tafaasiil dheeraad ah kaga bixiyo, sida lagu daabacay bogga
internetka ee allpuntland.com dhawaan waxaa wasiir ku sheega warfaafinta ee
keligii taliye Cabdilaahi Yuusuf baaq u jeediyeen Xukuumadda Jamhuuriyadda
Somaliland oo ah in meel dhexe la iskugu yimaado oo ah in la wada fadhiisto
iyada oo shuftadaasi tacadi ku haysa shacabka Masaakiinta ah ee reer Sool
hadaba waxaan jecelahay inaan qoraalkaasi jawaab ka bixiyo.
Laga soo bilaabo sannadkii 1960-kii ilaa maanta oo aynu ku jiro sannadkan
2004, waxaa shacabka iyo umadda reer Somaliland ogsoonyahiin xuduudaha
caalamiga ah ee dalkooga, oo aan marnaba gorgortan la gelin karin, taasi
macnaheedu waxay tahay in shacabka Reer Somaliland ay iskugu mid yahiin
Hargeisa, Laas Canood, Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo Boorama, mid kastaana ay
shacabka Somaliland ugu fadhido karaamadeeda iyo ixtiraamkeeda, cadawga ku soo
xadgudbana loola macaamilayo si isku mid ah, iyada oo ay sidaa tahay ayaa
beesha caalamku waxay garwaaqsatay Baaqii ka soo baxay golaha midnimada Afrika
shirki ay ku yeesheen magaalada Addis ababa ee loogu gogol xaadhaayey
yagleelida golaha cusub ee (OA), baaqaasi wuxuu u dhigna "Ka dib markii ay
beesha afrika garwaaqsatay xuduudaha caalamiga ah ee qaramada Afrika waxaa
ururka midnimada AFrika isla waafaqay in xuduudaha dawladaha afrika loo daayo
sidii uu gumaysigu kaga tegay" taa macnaheedu waxay ka dhigantahay in
qaranimada Somaliland ay salka ku hayso bartilmaameedyadii uu kaga tegay
Protectorate kii Great Britain, taasi oo ku cad qaraarkii ay kala saxeexdeen
golahii wasaaradda ee Somaliland iyo badhasaabkii boqortooyada ingiriiska
sannadkii 1960-kii.
Hadaba iyada oo ay sidaa tahay ayaa waxaa aanu jecelahay in aanu usoo
jeedino Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo Maleeshiyadiisu inay ka baxdo magaalada
Laas Canood si nabad ah dabadeedna Somaliland waxa keliya oo ay la hadli karta
waxa weeyan dawlad Soomaaliyeed oo beelaha Soomaliya u wada dhanyahiin oo aanu
la gorgortami doono hadday noqoto siyaasad, dhaqaale iyo mustaqbaleed, sida
noogu cad qaraarka noo yaalla waxaanan la hadli doonin meelna la fadhiisan
doonin hogaamiye kooxeed, danayste, iyo keligii taliye shacabka Soomaliya ee
masaakiinta ah danbi ka gellay.
Dawladda Somaliland waxay mar walba soo dhawaynaysa helitaanka Dawlad
Soomaliya leedahay oo u gaar ah oo Dawladda Somaliland la xaajooto, dawladaasi
oo ka nadiif ah kooxaysi, qabiilaysi, iyo weliba danbiilayaashii dagaal ee
dunuubta ka gallay shacabka Somaliland.
ma jiri doonto waxa wada hadal ah oo dawladda Somaliland la gelayso
hogaamiye kooxeed iyo qabqable dagaal ha noqdo cabdilaahi yuusuf iyo koox kale
intaba, Somaliland ma aqoonsana jiritaanka maamulada iyo hogaamiyayaasha iskood
isku dhabbay ee ka jira Soomaliya taa macnaheeduna waxay tahay Somaliland lama
gorgortami doonto cid aan ka ahayn waxay umadda Soomaliya u dhantahay.
Dawladda Somaliland waxay u aqoonsantahay falalka ka socda magaalada Laas
Canood mid ay mooryaani ka danbayso, dawladda Somaliland na waxay keliya ku
xallin karta laba arrimood oo ah in
1) Shuftadaasi soo geshay magaalada Laas Canood iyo xuduudaha caalamiga ah
ee Somaliland ay si bilaa shuruud ah uga baxaan dhamaan dhulkaasi
2) waxaa Shacabka iyo dawladda Somaliland xaq u leeyahiin inay isticmaalan
awoodooda militery ee ilaahay siiyey kagana sifeeyan shuftadaasi.
Waxaanu jecelahay hadaanu nahay shacabka Somaliland daris wadaaga iyo
horumarka mandaqadda Afrika, waxaanu jecelahay hanaanka dimuqradiyadda iyo
furfurnaanta ganacsiga inuu ka hirgelo dhamaan mandaqadda beriga iyo geeska
Afrika, waxaanu jecelahay in shuftada iyo argagixisada badda iyo barriga laga
tirtiro dhamaan dhulka beriga iyo badhtamaha afrika waxaanu jecelahay iskaashi
xoogleh oo aanu la samayno cid walba oo jecel wada noolaansha iyo daris wanaaga,
waxaanu jecelahay in dhammaan beriga afrika laga dhigo goob nabadeed oo
iskaashi ka dhexeeyo.
SOMALILAND GUUL IYO GOBONIMO