Kaaliyaha
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marayanka ee Qaabilsan Africa, Mr. Charles Snyder,
ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda Maraykanku hadda wixii ka dambeeya
tixgelinayso aqoonsi diblomaasiyadeed oo beesha caalamku siiso Somaliland,
isaga oo sheegay in aanay jirin wax wanaag ah oo ka soo muuqda Dedaalkii loogu
jiray Dib u heshiisiinta Kooxaha Soomaaliya ee ay ku hawlanayd Dowladda Kenya,
muddo sannad ka badan.
Mr. Charles Snyder, hadal dheer oo su’aalona lagu waydiiyay ayaa waxa uu ka
jeediyey Shir ballaadhan oo dhawaan lagu qabtya meesha la yidhaahdo “UCLA’s
Bunche Hall” oo ku taala Washington.
Kulankaas oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Daraasadda Arrimaha Africa ee
lagu magacaabo “James S. Coleman Center for African Studies” ayaa mar wax laga
waydiiyay siyaasadda Dowladda Maraykanka ee Mushkiladaha ka taagan dalka
Soomaaliya iyo Dareenka Maraykanka ee ku wajahan hawlaha argagixisiada ee lagu
tuhunsan yahay inay ka jiraan Dalka Soomaaliya waxa uu sheegay in Soomaaliya ay
ka jirto dhibaato culus oo ay sababtay Dowlad la’aanta ka taagnayd dalkaas tan
iyo 1991kii markii Xukunka laga tuuray Maamulkii Maxamed Siyaad Barre.
Isaga oo ka hadlayay rajo la’aanta iyo Guul darrada ka muuqata isku dayadii
dib-u-heshisiinta Kooxaha Soomaaliya iyo Dedaaladii lagu doonayay in dib loogu
dhiso Dalka Soomaaliya ee burburay, waxa uu Mr. Charles Snyder, yidhi; “Mar
baan kaftamay, waxa uu ahaa kaftan xun. Balse, waxa uu ahaa runta biyo kama
dhibcaanka ah – waxan idhi ‘Soomaali kama dambayn Siyaad Barre, sidii aanu u
jirin Yuguslaavi ka dambeeyay Tito.’
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Charles Snyder, yidhi; “Sidaa daraadeed,
mar haddii uu jiri waayay wanaag ka jira kooxahii Soomaalida, Xukuumadda
Washington waxa la gudboon hadda iyo wixii ka dambeeya tixgelinta Aqoonsi la
siiyo Maamulka Goonida u go’ay ee Waqooyi (Somaliland) oo sannadkii 1991, soo
ceshaday magacoodii duugoobay ee Somaliland, marka laga reebo Maamulkaas
(Somaliland) oo cagahiisa iska taagay una dhaqmaya sidii Dowlad dhab ah, meelna
kama jirto Qiimihii wadaninimo Soomaaliyeed.”
Mr. Charles Snyder, oo la weydiiyey dedaalka Dowladda Kenya ee Shirka dib-u-heshiisiinta
Kooxaha Soomaaliya ee uu Ambassador Kiplagat, ku hawlan yahay, waxa uu yidhi;
“Kiplagat, wax badan ayuu boodhka ka jafay Arrimaha soomaaliya inta uu sameeyay
in ka badan ayaanu hore u samaynay in aanu hagaajino Maamul Qabaliga aan
shaqaynayn ee Muqdisho. Balse, nasiib darro wax aan isqabnayn ayaa la isku qob
tolayaa.”
“Hiliblihii (Dadqalkii) Hargeysa, Maxamed Xirsi Moorgan, ma suurto gelin
karaa inuu Muqdisho ka taliyo, mar haddaanu ku lahayn Qabiil uu metelo?…jawaabtu
waa maya, dhibaatada jiraa waa taas.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi; “Moorgan, oo magaca ‘Butcher of
Hargeysa’ uu u baxay Dabayaaqadii sannadihii Sideetamaadkii markii uu Waqooyi
ka dhanka ahaa dhaqdhadhaqaaqii SNM, ma awoodi karayaa ninkaasi inuu wakhtigan
Door muhiim ah ka ciyaaro Muqdisho…..Sababta aan miisan u lahayn, koox yar
dhallinyaro oo dablay ah ayuun baa u haysta inuu yahay hoggaamiye militeri oo
awood leh…. Sidaa darteed, marka aad doonayso in aad waajahdo dhibaatada intaas
le’eg uma wajihi kartid sidii adiga oo Buskut macaan diyaarinaya.
Wuxuu Mudane Cismaan Jaamac shaaca ka qaaday
arrin muhim ah oo siyaasiyiinta "Somaliland" ka qarin jireen dadweynaha
reer Waqooyi. Waa markii u horraysay oo ay Ummadda Soomaaliyeed ka maqasho
qof mas'uul ah oo goob joog ahaa shuruudihii Mareekanku ku xidhay
aqoonsigii "Somaliland" waydiistay. Waxa shuruudahaasi ahaayeen in SNM oo
goosashada ku dhawaaqday soo caddayso arrimaha soo socda:
Tabatiig..
|
Qaabka ay Dowladda Kenaya hawsha dib-u-heshiisiinta markii hore u bilowdayna
kama uu duwanayn sida loo diyaariyo Buskudka, balse Mushkiladda Soomaaliya
taala waa mid ka qara weyn. Marka la doonayo in dib-u-heshiisiin laga dhex
dhaliyo Qabali iyo Qaab-dhismeedyo dhaqami ah waa in uu yeesho Miisaan intaa ka
qara weyn, waayo, waxa meel walba jooga aktaro, aan nin walba dabadii laga
hadal degaanka uu joogo.”
Sababahaas awgood ayuu sheegay Mr. Charles Snyder, in aanay arrimaha
Soomaaliya ahayn kuwo Xal u helistoodu dhow dahay, waxana uu tibaaxay maadaama
mushkiladda Soomaaliya ay yihiin kuwo Caal waa ah oo quus laga joogo in
Xukuumadda Maraykanku ay tixgelin siinayso Aqoonsi Diblomaasiyadeed oo
Somaliland ay ka hesho Beesha Caalamka.
Dowladda Maraykanku waxa ay arrimaha Soomaaliya faraha kala baxday markii uu
dhicisoobay hawlgalkii lagumagacaabay rajo soo celinta ee sannadkii 1993kii
markaas oo Maamulkii Clinton uu ciidammadii Maraykanku ka saaray Soomaaliya,
kadib weerarkii 18 Askari kaga dhinteen. Hase yeeshee, Mr. Charles Snyder, in
Maraykanku mar kale degmadoodii indhaha ugu soo jeediyeen Soomaaliya waxase uu
sheegay in aan Maraykanku marnaba noqonayn kuwa iyagu keenadda u haya arrimaha
Soomalaiya.
“Ma doonayno in aanu u noqono Darawalka Baska Wada, mana doonayno in aanu ku
fadhiisano kursiga ugu dambeeya Baska, balse, waxa aanu rabnaa in aanu ku
fadhiisano Kuraasta Safka Saddexaad ee Darawalka Dabaddiisa ah, sababta oo ah
culays kale oo badan ayaa na saaran.”
Waxase uu tilmaamay in Dowladda Talyaanigu ay aad u danaynayso in ay noqoto
ta koowaad ee Arrimaah Shirka Soomaalida la wado Ambassador Kiplagat iyo weliba
Dowladda Norway oo uu sheegay inay kharash aad u badan, ku bixisay shirkaa.
Mr. Snyder oo la weydiiyay sida dowladiisu u aragto Arrimaha Argagixisada
Soomaaliya, waxa uu yidhi; “Qaraxyadii ka dhacay Mombasa, iyo isku dayo kale oo
weeraro dhawaan lala damacsanaa Safaarada (Nayroobi), ayaa keenay in aanu dib u
cusboonaysiino Danayntayadii, waxa ka socda Soomaaliya iyo cidda wadda.” Ayuu
raaciyay Mr. Snyder, waxa uu caddeeyey in Soomaaliya uu ka jiro Edeg firfircoon
oo uu kuleeyahay Ururka Al-Qaacida. Taasoo aan dowladda Maraykanku ka indho
qarsan Karin in ay noqoto Soomaaliya goob ay dib isugu abaabulaan, waxa uu ku
tilmaamay Kooxo u riyaaqsan Dagaalo meelo kale ka socda.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraag aku saxiixan.