SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MILICSIGA QARNIGA MILLINIUMKA IYO QUBANAHA SIYAASADDA

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Shacabka iyo dawladda Somaliland waxay ku dhaarsanyahiin Difaaca qaranimo ee dhulkooga  hooyo

  


Madaxweyne
ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin

Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland oo la filaayo inay ka sifiyaan maleeshiyada Cabdilaahi yuusuf yey
 
Ciidamada Commandos ta Jamhuuriyadda Somaliland oo heelan inay burburiyaan cadawga ku soo xadgudba dhulkooga hooyo
 
 
 
 
 
 
Ciidamada Qalabka sida oo shallay ka ambabaxay Magaalada Boorama

Sida dhamaan laga warqabo waxaa sannadkii inaga tegay dhamaadkiisi si badheedh ah ugu soo xadgudbay xuduudka Jamhuuriyadda Somaliland Maleeshiyo ka tirsan Maamulka Macangaga ah ee ka dhisan waqooyi Beri ee Soomaliya, maamulkan oo hore loo ogaa inaanu cid uu matalaa jirin dhagarta umadda iyo dhicitaanka iyo boobka shacbiga meel walbaana ay iskugu mid yahiin wuxuu  soo gallay magaalada Laas Canood oo ah xarunta Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mooryaanta ka amar qaadata Macangaga madaxa adag ee Cabdilaahi Yuusuf Axmed waxay dhimasho u gaysteen 25 bishii December ee sannadkii hore ee aynu dhaafnay nin Miskiin ah oo ah ganacsatada u dhashay magaalada Laas canood iyaga oo hadh cad ku dhex toogtay Magaalada laas canood.

 
sidoo kale waxay ka fulliyeen magaalada Laas Canood falal iskugu jira dhac, boob, iyo weliba Kufsi intaba, balse Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo dhawraysa amaanka mandaqadda Beriga afrika, danaha sokeeye ee ka dhexeeya dawladaha Somaliland iyo quluubta afrika, waxaanu mar walba isku dayaynay inaanu ka fogaano dagaal ka dhaca Maleeshiyada cabdilaahi Yuusuf iyo ciidamada Qalabka sida ee Somaliland, annaga oo og in aanay saacado wax ka yar nagu qaadanayn inaanu burburino cadawga gaashanka ka dhigtay maatida iyo caruurta ayaanu xeerinay qodobada hoos ku qoran
 
1. Amaanka shacabka reer Sool ee iskugu jira Maatida, caruurta, iyo waayeelka
 
2. Amaanka mandaqadda beriga iyo geeska Afrika
 
3. Xidhiidhka Diblomasiyadeed ee Somaliland ay beesha caalamka ka kasbatay
 
4. Go,aanka beel wadaagta reer Sool.
 
iyo qodobo kale oo muhiim ah, balse waxaa taasi meesha ka baxday maalintii shallaytoole ahayd oo taariikhdu ku beegnayd 9 bisha January ee sannadka 2004 markaasi oo mooryaanta Cabdilaahi Yuusuf Axmed ay ku laysay shacbi masaakiin ah oo degen duleedka magaalada Laas Canood halkaasina ay ku dileen seddex nin oo ka tirsan beelaha Dhul-bahante, hadaba waxaanu usoo jeedinayna dhamaan umadda ku hadasha afka Soomaliga, shucuubta beriga afrika, beesha  caalamka, ururka Jaamacadda Carabta, ururka Midnimada Afrika (OA), ururka IGAD iyo xubnahiisaba in saacadaha soo socda wixii dhaca iyo khasaarahii yimaada ay masuuliyadeedu ay dusha ka saarantahay Mooryaanta Cabdilaahi Yuusuf Axmed yey, Shacabka iyo dawladda Somaliland oo jecel amaanka mandaqadda geeska afrika iyo wada noolanshaha shucuubta kala duwan, waxaa aanu u dul qaadan doonin wixii intaa ka danbeeya daandaansiga cad ee Mooryaanta Cabdilaahi Yuusuf, waxaanu leenahay khasaaraha ku yimaada isla shacabka waqooyi beri hantidooda iyo maalkooga iyo magaalooyinkoogaba masuuliyadeeda waxaad kala xisaabtamaysaan Cabdilaahi Yuusuf Axmed, Ciidamada qalabka Sida ee Somaliland waxay iyaga oo isku duuban ka sifayn doonan maleeshiyadaasi dhamaan xuduudaha iyo dhulka Somaliland, hadii loo baahdana waxaanu bartilmaameed ka dhigan doona isla goobaha ay ka soo dab qaadanayaan, waxaan u sheegaya wixii intaa ka danbeeya inuu dhamaaday wada hadalkiid diblomasiyadeed iyo wada xajood labaduba.
 
WA BILAAHI TAWFIIQ.

 

Qore:  MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

     KARACHI, PAKISTAN
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 11, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan.

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
 
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
 Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD