Mbagathi dowlad qarani maka
soo bixi kartaa
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo
naxariis Nabi Muxamed dushiisa ha ahaato.
Maqaalkan waxaan ka soo
koobigereeyey qiso aan ugu talogalay inaan buug-yare ka dhigo oo magaceeda
la yiraahdo: qiimaha dhulka iyo qaddarin la’aanta Soomaalida. Maaddaama
dadka Soomaaliyeed aysan wada haysan adeega internetka ayaan go’aansaday
inaan buug ahaan u qoro.sidii walaalo badanba ay igu dhiirigasheen. Meelaha
aan xiisaynayo in lagu daabaco haddii Eebbe ogolaado waxaa ka mida
Soomaaliya oo ay Muqdisho u horrayso, Kenya maxaa yeelay waa meesha gogashu
taal, UK iyo Yurubta kale iyo magaalooyin badan oo Maraykanka ka mid ah.
Sheekadu waxay xoogga saaraysaa qiimaha dhulka iyadoo inta badan daliil
sharci ah ku fariisinaysa. Markaan saas leeyahay yaan loo qaadan inaan aqoon
badan diinta Islaamka u leeyahay. Tusaale haddaan soo qaato daliil ah in
hilibka geelu xalaalyahay, daliilkaas ma tusayo inaan diin badan aqaan iyo
in kale. Cutubyada ku jira buuggaas waxaa intooda badan lagu dhejiyey boggog
badan oo internetkaa oo Sooomaalidu leedahay. Hadal yaanan badani bal
arrinta ah in dowladi Mbagathi ka soo bixi karto aan u galno. Qaabka
heshiiska iyo xalkiiba waan ka tagay si maqaalku u yaraado.
Horta intaan dowladdaas la dhisin
ama laga sharqamin yaa dowladda dhisaya? Micnaha waa yaa daneeya? Waxaan
shakki lahayn inay jiraan labo qaybood.
1. Soomaali
2. Dowladdo ama dad aan Soomaali
ahayn.
Inay Soomaalidu dowlad u baahantahay
isweydiin ma leh laakiin dowladaha ama dadka aan Soomaalida ahayn maxay
rabaan ama daneeyaan? Sidii C/Risaaq Xaaji Xuseen sheegay waxay isugu jiraan
dad tiro badan.
· Qolo waa kuwo cadow noo ah oo aan rabin inaan lug
iyo lababa isla helno. Cadowtinimadoodu maahan mid la moogyahay. Qofkii
far waaweyn wax ku fahmoow waxaa ka mid ah Itoobiya.
· Kuwo waa kuwa dan dhaqaale iyo mid
istiraatijiyadeed kaa leh. Arrimahaas waxaa ku jira kara mid ammaankooda
wax u taraya.
· Kuwo garab kaa raba oo kuu baahan. Haddaad soo
kacdid iyagana dan baa ugu jirta haddaad hoos-gashidna iyaguna waa kuu
dhutinayaan.
· Kuwa aan
dan dhaqaale iyo mid istiraatijiyadeed kaa lahayn laakiin ay dhab ka
tahay inaad horumar gaarto, waaba haddii ay jiraan dowladdo ama dad
muslimiin ah oo naga damqanaya ama dad aan muslim ahayn laakiin si uun
ay u dhici karto inay wax nala rabaan laakiin labadan qolo ee qodobkaan
ugu dambeeya ku jira waa adagtahay si loo arko.
Dadka Soomaalida ah ee laftigooda la
soo dirsanayo waxay raacayaan qodobbadaas oo dano kala duwan bay leeyihiin.
Mid madaxweyne raba, mid wasiirnimo, mid jago kale, midi ma yaqaano wuxuu
usocdo oo jiibtuu uga danleeyahay, kuwo cadowbaa wata, kuwo iyagoon cadow
wadan waa calooshood u shaqaystayaal, kuwana waa ka daacad oo waxay rabaan
inay mar arkaan dowlad Soomaaliyeed.
Waa iyada la yiraahdo oodo dhacameed
midba mar baa la qaadaa, haddaad reer Banaadir tahay ka dhigo canjeero siday
ukala korraysaa loo cunaa. Horta magaca la siiyey shirka Kenya ee ah dib-u-heshiisiin
waa sax oo si fiican baa loo soo xulay oo waa iyada la yiraahdo markii
ceelalyo heshiiso baa reer guri biyo cabbaa. Maaddaama cinwaankii la helay
waxaa la rabay in la raaco waxa loo yaqaan dib-u-heshiisiin. Mala raacay?
Muddada intaas le’eg oo shirka loo fadhiyey waxba lagama qaban arrintaas.
Waakaas hadda IGAD leedahay wax halaga qabto iyagoo u bixiyey “retreat”. Waa
goorma? Arrinta ka sii daran waa ergada, ma in qabiil lagu xusho bay ahayd
mise gobollaysi? Taas gudubtay laakiin intaan xulasha baarlamaanka la gaarin
wax malaga qaban karaa? Haddii noqoto in lagu adkaysto in baarlamaanka lagu
qaybsado 4.5 imisay qaadanaysaa in lagu heshiiyo hal halka qolooyinka ka
dhaxeeya? Bal suurayso hal (1) aad dhexdhigtay Marreexaan iyo Harti ama
sidoo kale Muddulood iyo Habar Gidir ama RRA dhexdood? Waxaa dhici karta in
dad yiraahdo awalbaa Carta lagu xalliyee ka gudub. Waa tahay aan ka boodno
taas intay rabto ha qaadatee oo aan fiirino halka ay ku biyo shuban karto.
Ilaa hadda waxaan dhaqaalo ahayn oo
baxay oo muuqda ma arko. Labo qolo ayaa dhaqaalo ku deeqday. Middi waa
Beesha Caalamka oo ay Midowga Yurub hormuud uyihiin, lacagtoodiina waxaa ka
faa’iiday huteelada Kenya iyo shaqaalo Kenyan ah. Tan kale waxaa ku deeqay
hogaamiyayaal gobollo oo Soomaali ah. Rumayso ama ha rumaysan waxaa jira
hogaamiye ku kharash gareeyey dhowr milyan oo doolar si madaxweyne loogu
doorto. Hogaamiyaas dhulkuu ka yimid waxaa ka jirtay abaar aad udaran xattaa
hadda wali dhulkaas qaar baa abaar ah. Hal shilin oo uu ku sheegan karo
dadkaas uu xukumo ma leh. Waxaa kaaga sii daran magaalada uu ka soo jeedo
waa mudgi oo koronto ma leh. Marar badan baan ka sharqamiyey laakiin waxaa
hadda arrintii ka shifay RRA hogaamiyayaashooda oo yiri lacag uu
ruug-caddaagaasi na siiyey baan ku heshiin waynay. Horta hadday lacagtu
danyrta Baydhabood gali lahayd waan ka samri lahaa. Sida Qur’aanku sheego
nafaqada waa in lagu bilaa waalidkaa, qaraabadaa iyo saasoo kale.
Axaadiistuna waxay sheegaysaa in lagu bilaabo ciddaad gacanta ku haysid Waa
markaad adigu lacagta leedahay laakiin lacagta dadka ka dhaxaysa xattaa
aabbahaa iyo hooyadaa ma siin kartid iska daa dad kalee. Dhulkuu xukumo oo
abaar iyo mugdi ah ninka inta lacagta la soo dhaafay raba inuu
dagaal-oogayaal lacagtii Yurub iyo tii Zenawiba heshiisiinwayday raba inuu
doolar ku xalliyo? Waxaa kaaga daran lacagta uu saas u gubayo oo ka timid
shirkado qashin halis ah ku duugaya badda ama xaalufinaya markuu dhamaysto
wuxuu gadanayaa xerooyinka dowladda iyo isbitaalada. Marka yuu waxba doolar
na siine muu naga dayso colaada iyo belaayada uu ka dhex hurinayo dadkaas
Soomaaliyeed ee walaalahaa.
Dowlad-dhisid iyo
dowlad-dhisid-la’aan
Xaaladdu markay halkaas ka daganayso
oo dadkii shirka joogay Soomaali iyo kuwii aan ahayn ee waddamo kale ka
socdayba ay khaati soo is-taagaan waxaa dhici karta in go’aan la gaaro.
Go’aanku wuxuu noqon karaa in dowlad la dhisho (dhoob-dhoob) iyo in la dhisi
waayo oo adduunyadu tiraahdo innagu arrinta Soomaaliya wax kama qaban karno
si aan naloo eersan waxaan faraha ka laabanay arrintooda. Aan fiirino haddii
wax la dhoob-dhoobo.
Dowlad-dhisid
Ilaahay wax kasta waa awoodaa. Waxaa
dhici karta markii la isku daalo inuu Ilaah faraj furo, oo si uun mar loo
dhaho war dowlad aan dhisano oo halkaas wax ka soo baxaan. Wixii soo baxayna
la isku afgarto. Hadday taasi dhacdo waxaan shakki lahayn inaan loo
darsanayn maxaa yeelay meesha hadda Soomaalidu marayso waa meel aad u halis
ah marka dowlad kasta oo habacsan baa dhaanta dagaal-ooge dhowr tikniko ah
iyo dhowr boqol oo wiil isla helay. Hadday taasi dhacdo noogama duwana
mucjiso marka loo eego waxa qab-qablayaasha laga filayo. Runtii waa
adagtahay inuu sawirkaas maskaxdeena ku dhego, aqoonta aan u leennahay
dagaal-oogayaasha darteed. Marka waa taas dowlad la dhiso oo la rajeeyo inay
shaqayso.
Dhoob-dhoob
Waxaa kaloo dhici karta in si aan
xikmad ahayn la yiraahdo wax baa la dhisaa, cadow haka timaado ama
dowladihii kale ee danaha lahaa midday rabtee, wax la taago. Qaababka ay
qaadan karto wixii halkaas looga dhawaaqo waxay noqon kartaa sidan:
· Inay noqon waydo wax afka baarkiisa dhaafsiisan oo
Mbagathi ama waddankaas la joogo soo dhaafi waaya.
· In inta wasiirro iyo maamul la magacaabo iyadoo
gobol ama Xamar lala aadayo, qolana xukuumad sheegato oo markaas ay
noqoto mid fadhiid ah oo sidii tii C/Qaasim xaafado ama gobollo
dhaafiwayda. Waa midda suurtagalka ah haddii wax la dhoob-dhoobo.
· Iyo inay
noqoto mid la magacaabo oo iyadoon xaafad ama gobol helin inta
qab-qablayaasha ka xanaajiso la isku bilaabo dagaal cusub oo aan horay
loo arag. Qodobkan waxuu la wadaagaa qodob soo socda oo ku jira haddii
Kenya dowlad looga dhawaaqi waayo.
Haddii dowlad lagu dhawaaqi waayo
Haddii dowlad Kenya looga dhawaaqi
waayo waxa dhici karta arrimo kale. Marka bal aan odoraso waxa suurtogal ah:
· In dagaal-oogayaasha iyo kuwa taageera ay
gobolladoodii ku noqdaan oo ay u noqoto fursad iyo aqoon-kororsi
dabadeedna ogaadaan in aysan jirin wax nabad iyo walaaltinimo ka fiican.
Waxaa dhici karta in Ilaahay tubta fiican kusoo duwo oo la arko
kulligood oo diyaar u ah nabad dhab ah markii nin walba ku noqdo meeshii
uu awal ka soo jeeday oo indhihiisu dhaafi waayaan wuxuu tobanaan sano
arkayey. Taasina waxay la fursad tahay iyadoo qodobkii ahaa dowlad raali
laga yahay oo Kenya lagu soo dhiso. Marka Ilaahay waa u sahlantahay.
Marka qofkii qab-qable yaqaan wuxuu soo istaagayaa quus.
· Waqtiga shirka loo fadhiyaba ha dheeraadee waxaa
dhici karta in qab-qable kastaa ku noqdo meeshii uu ka yimid isagoon
shirkaas waxba ka korarsan laakiin uu halkaas ka sii miiso caqligii
xumaa iyo tabihii uu u isticmaali jiray dadkuu madax-furashada u haysto.
· Tan
seddexaad waxay la wadaagtaa dowlad si xikmad-darro ahi cadow noogu
sameeyey waa iyadoo markii dowlad la dhisiwaayo ay is-bahaysiyadan hadda
la sameeyey ay qolo kastaa dhahdo annagaa dowlad Soomaaliya ka
dhisanayna sidii Salbalaar oo kale oo markaas loo dagaalo sidii gacanta
loogu dhigi lahaa magaalo-madaxda iyo meelaha muhuumkaa ee ganacsiga iyo
beeraha ku fiican. Arrintan waa arrin ay dhici karto inay dhacdo maxaa
yeelay qodobkan waxuu kaloo ka suurtoobaa dowlad boob lagu dhisay oo
cadow dhoob-dhoobay. Horay waxaan u soo aragnay labo rajo oo fiican
laakiin midood caqli-celin tahay ee aysan dowlad- dhis ahayn laakiin
arrintaan qodobkaan ka hadlayo waxay la mid tahay dowladda cadowgu dhiso
oo kale marka fursaday u dhici kartaa waa 2/6 halka kuwa kale yihiin
1/6. Soomaalida darsa caqliga dagaal-oogayaasha arrinta ay u arkaan inay
dhaci karto waa middaan. Laakiin Ilaah baan ka baryanaa in sharta
cadowga iyo midda dagaal-oogayaasha uu iyaga ku cesho.
Marka xalka, qof kasta oo muslim ah
oo Soomaali ah waa yaqaan waana Islaam. Waa Islaamkii Aws iyo Khasrajkii
Madiino deganaa oo boqol sano dagaalayey hal maalin ku xalliyey. Haddaan
aakhiro dani naga hayn oo ay nooga dhegentahay adduun iyo dowlad waxay ila
tahay hala raadsado bal dad ugu yaraan waddaniyiin ah hadday rabaan
dimuqraadi ha cabsanaadeene sida barafasoorada Samataro iyo dad kaloo
culuunta maaddiga ku fiican. Haddaan u boggi wayno sidii Aadan Cadde iyo C/Risaaq
baan leenahay naga soo dega iyaguna waa yeeli doonaan. Runtii haddii aan
Islaam la qaadanayn, annigu intaan qab-qable Zenawi qabbaan u ah qaadan
lahaa nimankaas baan ka door bidi lahaa laakiin hogaamiyayaasha Carta iyo
Puntland oo iyagoo gobollo iyo xaafado dhaafi la’ laga la’yahay dhinac noo
dhaafa. Marka maaddaama uusan shacabku diyaar ahayn waxba ku sii dheeraan
maayo xalka. Ogaada dimuqraadi iyo Islaam shuqul iskuma leh.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |Jan 9, 2004
»C/waaxid
oo Dafiray Beel Degta Puntland
[DhegoCade]
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|