Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi
Muxamed korkiisa ha ahaato.
Sidaan la socono waxaa lagu jiraa 10-kii maalmood ee
barakaysnaa ee ugu horreeyey bisha Dul-Xijjah, waa bisha 12-aad ee Hijriga.
Ma jirto maalmo acmaasha la sameeyaa ka ajar badantahay maalmahan. Xittaa
markii Nabiga (SCW) la weydiiyey jihaadkana, Nabigu (SCW) wuxuu yiri xittaa
jihaadka waxaa ka ajar badan acmaasha fiican ee maalmahaas la sameeyo illaa
qof isaga iyo maalkiisii jihaad la aaday oo aan dib usoo noqon maahee. Marka
sidaad aragtaan ma ahan maalmo kaftan iyo aflagaaddo lagu degdegi karo
laakiin maanta waxaan rabaa inaan qaab kale maqaalka u qoro.
Inkastoo Soomaalidu tiraahdo: lama hubo hal sooftaa
inay caawo soo hoyane laakiin waxaan la inkiri karin isbedelka iyo
isku-soo-dhowaanshaha ka muuqda hogaamiye-kooxeedyada. Yaa yiraahda
Soomaalida hadla! Waa sida loo dhaho Ilaahay lakala baryi og, hadalkana
lakala oran og. Qofkii dhegaysta waraysi C/Qaasim siiyeey Horn Afrik waxaa
usoo baxaysa sida miisaaman ee uu tiisa u marsanayo isagoo koox kasta
qancinaya. Ugu yaraan waa in “siyaasiyiintu” saas u hadlaan oo uusan
hadalkoodu keenin colaad, nacayb iyo kala-durug.
Gobolladaas aan ka imid dadku waxay yiraahdaan, ninku
suu intuu yaryahay uu dagaal, geel-dhac iyo dhib ugu jiro buu markuu 60-ka
gaaro usoo jeestaa toobad iyo tubta toosan. Ma aayadda ku jirta Suurat Al-Faadir
bay u qaateen “nadiir” kii lagu sheegay inay tahay cirrada? Aniga iyo
kornaylk C/hi waxaan isku haysanay arrimo. Midkayaba ged buu la soo baxay.
Isaga waxaan ku haystay inuu odayaashii khilaafayo oo uu rabo inuu iskoor
cusub dhigo oo ka badan 60-ka sano. Anna ged baan la soo baxay oo ah kaftan
iyo aflagaaddo joogto ah oon diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalidaba ku
bannaanayn. Hadday run noqoto inuu usoo jeestay arrimaha Soomaaliyeed oo uu
ku gacan-sayray sheekadii wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, waxay
noqonaysaa guul weyn oo C/hi usoo hoyatay ooy dhici karto inay wax u tarto
labada daaroodba.
Hadday arrintu sidaas u dhacday, waan ku
taageersanahay kornaylka. Horta aan xuso afar waddan oo xiriir aad ah naga
dhexeeyo. Waa Imaaraadka Carabta, Kenya, Jibouti iyo Itoobiya. Ganacsi iyo
siyaasad ahaan Itoobiya waan ka maarmi karnaa hadda. Waxaa loo baahanyahay
inaannaan isku xadgudbin oo la istixgeliyo. Inkastoo dhaqaalo aad u badan
geyno Kenya iyo Imaaraadka Carabta laakiin iyagu waa naga maarmaan muddo
laakiin Ilaah baa na baday oo maalin kama maaranno hadda. Bal dadka jooga
Xamar, Berbera, Boosaaso iyo magaalooyinka kale warso Dubai iyo Nairobi? Ka
warran caafimaadka loo aado labada magaalo? Dadku waxaa la rabaa inay
waaqiciyiin yihiin. Ninkii dani ka haysto Afrikaan aan daris nahay, waa Kenya
iyo Jibuuti. Waddamo aan dhibaato noo arag waxaa ka mid ah Ugaandha,
Tansaaniya, Saambiya iyo kuwa Koonfureedba. Xagga ganacsiga Imaaraadka
Carabta waa koow. Haddaan hogaamiye kooxeed ahaan lahaa ma sameeyeen waxaan
Soomaalidu dhahaan “ragga geela leh ragga dabayaal baannu dabonaal”. Kollay
haddaan cid la xiranayo maan Maraykan iyo Yurub la xirto maxaa ii soo arkay
waddan aan Soomaalida laga gadi karin (Itoobiya)?
Hadduu warkaasu sax noqdo “waquu noqdaaye”, shacab
ahaan waxaan kornaylka u sheegaynaa inaysan jiri doonin cid dambe oo Xabashi
u dabomari doonta oo ka socota “Puntland”. Sheekadaas waa xirmaysaa. Teeda
kale kornaylka waa ogyahay dhulka Zenawi xukumo waxaa “Puntland” soo xiga
qayb dadkiisa oo kumaankun ahi dago marka wax dhib ah oo siyaasad ama
dhaqaalo ahaan ah oo looga baqo ma leh. Marka shacabkii awalba qaar baad
wadatay, intii kalana hadda farahay kaa qaadayaan. Arrimo badan baa wali jira
laakiin haddii Ilaah idmo waa la xallin. Haddii warku dhabyahay horaa loo
yiri “wahal duu shaybin yalcab” oo ah nin cirro lihi ma ciyaaraa? Haddaad
rabto sida Soomaalida dheh: qowl nin weyn ka dhacay waa qolof geed ka dhacday.
Hogaamiye kooxeedyada kale waxaan leeyahay sidaan
horay usoo sheegay waxaa lagu jiraa 10 beri oo qiimo leh. Haddii Ilaah idmo
oo Talaadada wax la saxiixo, ogaada maalintu waa maalin sharaf leh. Waa isla
doonasho Ilaah. Marka niyaddiina wanaajiya. Ma ahan maalin wax la khiyaamo.
Xaddiiskii aan qaarka kasoo xusnay waxaa laga fahmayaa in qofkii maalmahaas
dhib, dhagar, shirqool iyo khiyaano sameeyaa uu dambi dheeraad ah helayo.
Waxaan hogaamiye-kooxeedyada ka codsanayaa in qofkii soomi kara maalinta
Carafo uu soomo, kulligoodna maalinta ciidda ku hilbo-qashaan Safari Park
inkastoo haddaba hilib buuxo laakiin mid ciid ah. Waa Carrafa iyo maalinta
ciidda waxaa si fiican la isu salaamayo oo xabadka la isa saarayo haddii
Ilaah idmo. Wixii hore xalay dhalay baa laga noqonayaa haddii Ilaah idmo.
Shacab ahaan ma jiro hogaamiye-kooxeed kale oo soo baxaya. Kii isku daya inuu
Xabashi u dhuunto, ha ogaado inuusan Soomaaliya dib ugu soo noqonayn.
Carrafada iyo ciidda ka dib, ha galeen safaradii ay Soomaaliya ku tagi
lahaayeen hadday rabaan.
Waxaa jira hogaamiyayaal kale oo laga soo sheegay in
sheekada wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ay ganafka ku dhufteen oo laga
xusay Maxamed Qanyare. Marka haddii arrintu sidaas tahay isna wuxuu
mudanyahay sharaf iyo kal-gacal uu ka helayo shacabka Soomaaliyeed. Marka
waxaan leeyahay halkaas ka miisa. Ogaada Muuse Suudi horay buu uga faa’iiday
iska-dheerayntii Itoobiya. Faraqa u dhexeeya safarkii uu ku tagay Eldoret iyo
kii shalay isu fiirsha?
Seddexda madaxweyne ee Kenya, Uganda iyo Jibuutiba
waan u mahadcelinaynaa sidoo kale Musyoka oo la soo baxay firfircoonaan
dhalinyaranimo ood mooddo waxa odayaal badan madaxooda ku qufulan inuu ka
fayoowyahay. Anigu kulligood hanuun baan ugu duceeyey. Waxaan ka codsanayaa
seddexdooda inay hogaamiyayaasha meeshooda u daayaan ilaa Carrafada iyo
Ciidda oo u sahlaan inay labadaas maalmood ka faa’iidaystaan oo soo afjaraan
khilaafka u dhaxeeya. Waxaan Kenya u xaqiijinaynaa inaysan Soomaaliya dhib
kala kulmayn, oo la samayn doono xiriir aan horay looga arag labada waddan oo
keenta in la isu furo laguna tartamo dhaqaale iyo furfurnaan. Anigu waxaan
aamminsanahay inaysan jiri doonin qoqob siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Waddankii ugu siyaasad iyo dhaqaalo fiicnaada ayaa laga dambayn doonaa.
Haddii Ilaah idmo waad arki doontaan Xamar iyo Nairobi oo inta jidad la isugu
xiro qof kasta meeshuu rabo uu aado isagoo xor ah marka maxaad ka filaysaa
Jibuuti?
Qofkii Afrikaan ah ama Soomaali ah oo u qaba in diin
kiristaan wax la isagu qabanayo dib ha u fekero. Ka warrama dagaaladii
Ruwaanda iyo Burundi? Ma muslim bay ahaayeen? Maxaa kala qabsaday? Maxay
Maraykan iyo Yurub ka qabteen? Maxaa kiristaanka Suudaan Suudaan loogu qaban
waayey? Reer Galbeedku waxay og yihiin in Suudaan jihaadayso marka hadday
rabaan inay isku dayaan waa inay taageerada ay siiyaan dadkaas ay tobanaan
jeer ama boqolaal jeer laalaabaan, taasna diyaar uma aha. Imisa madow
kiristaan sheegta oo Koonfur Afrika jooga baa AIDS iyo gaajo u dhimanaya?
Kuwa Simbaabwi? Zenaawigan hadda la celin la’yahay ka warran dadkiisa?
Intooda badan wax badana waa ka dhaqaalo hooseeyaan dadka Xamar jooga. Meeyey
kiristaanimadu? Haddii Maraykanku ahaan lahaa dowlad muslim ah, qofka
Soomaaliya jooga wuxuu ku raaxaysanlahaa horumarkaas laakiin reer Galbeedka
waxaa taal burjiwaasiyad marka dan kama leh muslimnimo iyo kiristaanimo.
Waxaa muslimka loogu karanyahay waxaa galay irsaaqadoodii sida shidaalka ama
waxay ka baqayaan inay dadka tusaan ilayn waxa hadda kor u hadla waa
muslimiintee. Haddii Zenaawi inta dhibka Soomaaliya faraha kala bixilahaa uu
ka shaqeeyo sidii kheyraadkaas dhulka ku jira loola soo baxo maanta isaga iyo
Soomaaliya waa ka faa’iidi lahaayeen laakiin waxuusan fahmin sheekada
Maraykana ee ah kiristaanimo suu dantiisa ugu fudushado. Waxaa dhici karta in
waagii Maxamed Siyaad joogay xiriirka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya uu ka
fiicnaa kan u dhaxeeyey Kenya iyo Uganda. Marka soow ma aragtaan
kiristaanimadu inay tahay awr-ku-kacsi.
Beesha caalamkuna mahad-naq bay mudanyihiin. Qofkasta
waa ogyahay inta qof oo qaxootiya oo Soomaaliya oo Maraykan, Yurub, Australia
iyo Newzealand joogta. Hogaamiye kooxeedyadu waa inay beri u mahadceshaan
wakiilada waddamadaas ka jooga shirka iyagoo leh dad malyan gaaraya ayaad noo
heysaan oo nagu sinteen, annaguna (haddaan hogamaaiyayaasha nahay) waxaa naga
go’an inaan dowlad dhisno oo aan idin ka yarayno culayska, iyadoon qaxooti
dambe idiin soo socon, inta idin la joogtaana kii rabaa soo noqdo. Ka warran
haddii wakiillada beesha caalamka shirka u joogaa ku dhahaan
hogaamiye-kooxeedyada intaas oo qof baan idiin haynaa, haddana diyaar baan u
nahay inaad dowlad dhisataan walina idinkii baa soo taagan? Maxay ku jawaabi
doonaan?
Marka waxaan Ilaahay ka baryayaa heshiiska maalman
barakada leh la gaaro inuu noqdo mid abshir u ah Soomaaliya meel kasta oo ay
joogto.
Asalaamu calaykum