Warlords of Mass Destruction
“WMD”
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh.
Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
“Qolobaa calankeedu waa
cayne, innagaa keenu waa cirkoo kale ee, aan caadna lahayn ee caashaqayee”.
Sidaasoo kale qolo kastaa wax bay inay gumaaddo uga baqdaa. Maraykanka iyo
reer Galbeedku waxay wadnaha farta ugu hayaan in waddamo aysan jeclayn
samaystaan hubka sida aadka ah wax u gumaadda, isagoo isagu jira
bambaanooyin nukliyeer, kimiko, sun ama noolayaal sida Barkeetiraya kudka
keento oo kale ah lagu rakibay. Soomaalidu inuu kudku inkaar qabo waa hore
oon xittaa bakteeriyada keenta la aqoon bay dhihi jireen: kud iyo kaare ku
dil. Annaga waxa “torob-torob noo laaya” waa dagaal-oogayaal.
Bambaanooyinkii Maraykanku Japan la dhacay, dadkii ku dhintay oo la
toban-laabay bay dagaal-oogayaashu naga dileen walina uma haysano inay
yihiin hub halis ah “WMD” bal waxaan u haysanaa inay halyeeyo iyo
hogaamiyayaal yihiin!
Runtii aad baan u
dhaliishanaa shirka markii Eldoret la joogay sababtu waxay ahayd ergooyinkii
ka socday rayidka iyo dadweynihii Kenya joogay oo gaabis noqday kuna qancay
in ay dagaal-oogayaal kaliya na matalaan. Wixii ergooyinka Soomaalida iyo
dadweynaha Soomaaliyeed ee Kenya noo qabanwaayey waxaa noo qabtay madax kale
oo qaarkood IGAD ka socdo sida Museveni, Musyoka, madaxweynaha Suudaan,
qaarna waddamo kale sida madaxweynaha Muusambiik oo ururka Midowga Afrika
madax hadda u ah, iyo wakiillo ka socda Maraykan, Yurub iyo jaamacadda
Carabta. Waagaas dagaal-oogayaasha waxaan ku sheegay “wolfhounds” oo ah
eeyda lagu ugaarto. Zenawi waxaan ku sheegay “wolfhounds leader/ warlords’
leader”. Dagaal-oogayaasha waxaan hadda ugu yeeraa “Zenawi-minded
warmongers”. Waa maxaysato Zenawi madaxa ka xaday.
Ninkii dagaal-oogayaasha
raacsan waa yeelki laakiin intii rabta in Soomaaliya wax loo qabtooy
khaasatan ergooyinka Mbagathi jooga iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee Kenya
jooga guud ahaanba waa inaad taageertaan in ergada ka qayb galaysa shirka 9
Janaayo la badiyo. Maxaa idin ku dhacay? Miyeydaan u jeedin sida
qab-qablayaashu hadba huteel ugu shirayaan? Dadweynaha Kenya jooga iyo
ergooyinka Soomaalida waxaan ka codsanayaa in la is maqlo. Maanta codkeena
waa dhiiban karnaa. Maaddaama Af-Soomaaligu uu ku jiro luuqadaha laga
badanyahay markii Kenya la joogo, Museveni, Musyoka iyo wakiillada beesha
caalamkuna aysan ku hadlin waxaa hal-hays noo ah markii dagaal-oogayaasha
laga hadlayo erayadan Ingiriiska ah:
·
Warlords of Mass Destruction “WMD”
·
Zenawi-minded warmongers.
Waxaan bulshada nabadda
jecel ee Soomaaliyeed ee joogta Kenya ka codsanayaa inay hal-haysyadaas
horay ka bilaabaan markay maqaalkan arkaan. Ciddii boorar ku qoran kartaa
haku qoroto, ciddii warqad ku qoran kartaana haku qoroto. Maalin kasta iyo
goob kasta oo lajoogo waa in dadka aan dagaal-oogayaasha taageerini ay
hal-hayskaas wataan. Faa’iidada ku jirtaa waxaa weeye, madaxda hagaysa
shirka oo u arkaysa inay qaateen go’aan sax ah oo dadweynuhu rabo, waxayna u
noqonaysaa dhiirigelin iyo in beesha caalamku u aragto inaysan lacagtoodii
iyo maskaxdoodii meel cid la’ ah dhicin.
Intaas kaliya kuma filna.
Waxaa loo sii baahanyahay hal-ku-dhigyo kale iyagoo su’aalo ka iska
weydiinaya mustaqbalka Soomaalida.
·
Are warlords determining our future? No,
They are destroyers.
·
Warlords should be held in solitary
confinement, not to be chosen as members of the Somali cabinet.
Haddaan Soomaali u bedelo
waa:
1. Ma dagaal-oogayaasha
ayaa go’aaminaya mustaqbalkeena? Maya waa dumiyayaal.
2. Waxay ahayd in
dagaal-oogayaasha lagu hayo xabsiyada qofka kaligiis cidlo lagu hayo (Labaatan
jirow) ee ma ahan inay noqdaan wasiirro.
Marka waxaa loo baahanyahay
intaas iyo ka badanba. Magaalada London waxaa ka dhacay muddaharaadyo aan
iyagoo kale horay looga arag carrigaan Ingiriiska. Waxay ka soo horjeedeen
in dowladdoodu dagaal ku qaado Ciraaq. Marar badan waxaad arkaysaa
muddaharaad dadku leeyihiin yaan la leyn dawacayooyinka. Annagana
ergooyinkeenii iyo dadweynihii inta Kenya iska fariisteen baad mooddaa in
dhowr iyo toban dagaal-ooge kaliya xaq ka maqanyahay. Miyeeydaan u jeedin
inay har iyo habayn shir ku jiraan iyagoo ka cabanaya xukunka ay IGAD
gaartay? Haddaad furtid boggagga Soomaalida waxaad arkaysaa intaas oo urur
oo leh dad baan matalnaa. Marka ururadaas iyo dadweynaha guud ahaan waxaan
weydiinayaa ma dagaal-oogayaashaad la jirtaan mise danta ummadda? Haddaan
danta ummadda la jirno waa in nalaka arkaa.
Walaalayaal (Rag iyo
dumarba) haddaynaan arrimahaas horay u aqoon hadda aan barano. Qofkii
dagaal-ooge kasoo horjeedoow khaasatan ururada waa inay meel kasta oo ay
joogaan sameeyaan muddaharaad kasoo horjeeda dagaal-oogayaasha oo lagu
taageerayo arrimahaas ay wadaan IGAD iyo caalamka ilayn in dagaal-ooge
kaliya wax la waydiiyo iyo in tirada la badiyo waxaa la qaataa in la badiyee.
Marka mid baa noo furan oo ah inaan safaaradaha Itoobiya taageerno oo kuwa
Kenya iyo Uganda kasoo horjeesano iyo inaan cagsigeeda samayno wax ka
dhaxeeya ma leh. Marka magaalooyinka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay
sameeyaan muddaharaad lagu taageerayo in ergada shirka la badiyo. Waxaa jira
geyi horay u taageeray qorshihii Zenawi marka iyaga hadda arrintaas ka fili
maayo oo waxay la mid yihiin qolooyin (dad) uu ninni naga dalbaday inaan ka
mid noqono maalin aan kaftamaynay. Wuxuu yiri waxaad gurada u saarantihiin
baabuur nin waalan wado marka suga meeshuu idinku rogo oo afkiina haysta. In
kastoo anigu shakhsiyan aan hadalkaas u diiday haddana arrintaas uu ku
kaftamayey run bay u ekayd markaad aragto ummad dhan oo sidii la rabo laga
yeelayo. Mar la yiraahdo Xabashi soo dhaweeya oo dumarkoodii u mashxaradaan.
Mar la yiraahdo banaan-bax lagu taageero 15/09/03 baa la sameeyey. Waxaan
aamminsanahay haddii dadkaas laga dalbo inay sameeyaan bannaan-bax lagu
taageerayo bur-burkii shirka Mbagathi way usoo baxayaan.
Marka Soomaaliyeey
arrimahaas yaan sahal loo qaadan ee saas aan ku dhaqaaqno. Horta anigu
waxaan ka faa’iidaystay sheekada dhurwaaga laga sheego markuu ku dhaco dabin.
Waxaa la yiraahdaa wuxuu fiiriyaa oo isu badshaa dhinaca qofkii yiraahda war
ka daaya marka waxaan jalleecaynaa dhinaca IGAD ilayn qab-qab-qablayaashu ma
ahan dad niyad loo hayee. Mararka qaarkood waxaad isleedahay dadkeena
Soomaaliyeed miyaan duunyada ka liidannaa ama xittaa duur-joogta?
Duur-joogtu mar kasta oo ay dugaag aragto waa ka diddaa, duunyaduna waa
sidoo kale. Miyuusan hal-abuurkii Soomaaliyeed lahayn:
·
Hal libaax dayeysaa
·
Dohonmayso caanee
·
Ma docduu u galay bahal
·
Mise aar dib-jiray bay
·
Dibnaheeda ku ogtahay.
Marka ergooyinka iyo
Soomaalida Kenya joogtaay ma 20 dhurwaa oo u shiraysa Maandeeq baad rabtaan
inay godloto ood gaawe ka buuxisaan? Sida Somalidu u dhahaan markay ka
hadlayaan qof cudurka “Aids” qaba wuxuu qabaa afartii xaraf marka hadda
waxaan dagaal-oogayaasha u soo gaabinaynaa seddexdaas xaraf “WMD” marka
qofkii taageera waa in la yiraahdo wuxuu taageeraa seddexdii xaraf.
Mahadsanid.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |Jan 2, 2004
»C/waaxid
oo Dafiray Beel Degta Puntland
[DhegoCade]
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|