Janaayo 20, 2004
Dagaalku cabbaarkiisa hore waa gabar cas oo kale oo quruxdeeda caalle
kastaa dabo-cararo
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis ha ahaato Nabi Muxamed
korkiisa.
Cumar Binu Khitaab (RC) waxaa la sheegay inuu yiri
waxaa Islaamka fahmi kara ninkii waqtigii jaahiliyadda soo maray.
Sidoo kale akhristayaal waxaa dagaal fahmi kara qofkii dagaal-aqoon
ah. Dagaal-aqoonnimadu maahan dagaal-oognimo ee waa qof yaqaan
dagaalka iyo axwaashiisa oo aan dagaal gelin ilaa lagu khasbo. Bal
aan fiirino gabay uu tirshay Salaan Carrabey.
- · Maalintii Cumar Daahir
- · Isku gooyay cayaartiyo,
- · Nin Caloolacad joogay
- · Oo Meygaag Ciidan war qaatay.
-
- · Wuu cibaaro qabaayoo
- · Belaayuu curufkeediyo
- · Camalkeeda yaqaane,
- · War tolow, colka jooja!
-
- · Nin habeenno casheeyay
- · Cadar aan hadh lahayn iyo
- · Ceeryaamays ugu toosta
- · Oo inuu caafiyaddiisa
- · Cabbaar meel la fadhiisto
- · Cagligaanay geleyne,
- · War tolow, colka jooja!
-
- · Carrabkaan ku hadlaayana
- · Nin caleentii caddaatiyo
- · Caamadaan garanayn oo
- · Kolkay cuurar dhintaane
- · Cutub weyni cidlaadaa
- · Lays canaanan hadhowde,
- · War tolow, colka jooja!
-
- Wuxuu sii yiri:
-
- · Nin carruur iyo maato
- · Iyo calli reero la yaal
- · Oo coofaaya golaa
- · Oo cararaaya hadhow
- · Iyo nin colaad talinaaya
- · Caddaystay idinka buuxa’e,
- · War tolow, colka jooja!
Bal aan fiirino waxa lagaa sheegay nin Carab ah oo
la oranjiray Camri Binu Dii-Macdiyarkib oo dhowr beyt oo gabay ah
dagaalka ka tirshay. Gabaygii oo aan tarjumay waa kan.
Dagaalku cabbaarkiisa hore waa gabar cas oo kale,
oo quruxdeeda caalle kastaa dabo-cararo, ilaa dabku cartamo oo holucu
cirka isku shareero, markaasay cajuusad noqotaa aan ninna cududda ugu
jirin, cirro leh oo urkeeda laga cararo, dhunkashadeedana laga caago.
Gabaygii oo Carabi ah waa kan:
الحرب أول ما تكون فتية تسعى بزينتها لكل جهول
حتى إذا اشتعلت وشب ضرامها ولت عجوزا غير ذات حليل
شمطاء ينكر لونها وتغيرت مكروهة للشم والتقبيل
Wuu run sheegay oo qof kastaa waa ogyahay haddaan
qowlka la suubsan, sida dhibta yar ee dagaalku uga qarxi karo waxaan
qiimo lahayn. Haddaad i rumaysanwaydaan akhriya/dhegaysta gabaygii ahaa:
ragoow kibirka waa lagu kufaa oo uu tiriyey Ismaaciil Mire. Waxay
ilatahay in dadka degen degaanka ay isku haystaan Daahir Riyaale iyo C/hi
aad u fahmayaan labadaas gabyaa iyo waxay ka hadlayaan.
Haddaad aragtid wiil labo bistooladood ku wata
magaalooyin reer tolkiis degaan oo nabad ah ama isagoo madax ah lagu arko
isagoo bistoolado la laafyoonaya dukaamada hortooda sidii lagu arki jiray
saraakiishii milatariga qaarkood iyagoo gobollo ama Xamar jooga oo aad
mooddo inuu film ”Cowboy” jilayo waa qof aan dagaal ku fiicnayn oo fulay
ah, waana kuwa badanaa dadka maxaabiistaa ama maxasta laaya. Haddaan been
la sheegayn waa la ogaa saraakiil badan oo dadka istusi jiray fadalo ay
dhigeen iyo magacyadii ka raacay.
Wallee reer Puntland waan u baqsanahay. Ilaa dhowr
sano baa waxaa haysta sheekadii ahayd “war hayaay waa waraabe” oo kale.
Sheekadaas qof walba waa garanayaa in wiilkii la oran jiray Cumar
beenaale isagoo arigiisa la jooga uu dhowr jeer yiri: war hayaay waa
waraabe oo dadkii magaaladu dhowr jeer usoo gurmadeen ilaa maalintii
dambe waraabayaal iyo yeey run ahi soo weerartay markaasuu dadkii u
qayshay sidii caadada u ahayd dabadeedna ciyaar looga qaatay. Waxaan
filayaa intaas oo jeer bay Allpuntland.com dhaheen shirqool seddex gees
ah baa jira, shimbiraalay belaayo joogtaa, Hobyaa hub lagala soo degay
iyo maantadaan oo kornaylku leeyahay Ismaaciil Cumar Geelle baa Rayaale
dabada ka wada. Waxay ila tahay inay belaayo saadsanayaan. Haddii Ilaah
idmo waxaa dhici karta inaan C/hi ka qoro cinwaan ah:
“nin belaayo hurshaa mar uun buu ku baxaaye Cartan-Boos
ma kan baa?”
Marka kornaylka waxaan leeyahay haddii C/Qaasim iyo
Cismaan Caato kaa siyaasad fiicnaadeen oo saaxiibo samaysteen maxaan kuu
samaynaa? Maxaad dadkaaga qaarna u laynaysaa qaarna cadow ugu samaynaysaa?
Horta C/hi iyo Ina-Afguduudoow dabkii la shid, holiciina cirkuu isku
shareeree adkaysta oo shacabka Puntland sheekadiina waxay u arkaan ”war
hayaay waa waraabe” ee haku daalina.
Horta shacab iyaga hadal iiguma harsana ee dhowr nin
oo daraawiishta horbooda ayaan kalmaddii u dambaysay leeyahay. Nimankaasi
waa Cadde Muuse, Carays, Cabdi Yaasiin iyo Ina Cali Shire. War shaki
iigama jiro inuu C/hi dhaanteeyey marba haddii uu awal Carab caayi jiray,
Rayaalana uu horay u caayey haddana uu Ina Cumar Geele sii marayo ee
marka ku dhawaaqa in C/hi la cayrshay oo uusan Puntland kusoo noqon karin,
kaddibna waxaan la heshiinaynaa reer Somaliland. Raaligelin la siiyo
Rayaale iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka dhibyar in dadkaas reer Sool
xabbad la isugu dhiibo oo dhulkoodu holco. Dadka qaar baan fahmi karin
raaligelintaas oo fulaynimo u qaba laakiin dhib lama leh markay Zenawi
leeyihiin waa walaalkeen. Haddii taladaas la diido bal xagga sabarka
halagu dadaalo.
Rumaysta ama ha rumaysanina C/hi waa fargan. Sida
axaadiistu sheegtay farganku cadow ma cesho, ugaar ma dilo laakiin qof
kuu dhow (walaalkaa ah) buu il ka ridaa ama ilig ka jabshaa. Marka C/hi
waxba kama qaadi karo C/Qaasim, Ismaaciil Cumar Geele iyo Rayaale midna
ee Ina Cali Shire iyo Fu’aad Aadan Cadde buu madaxa isu gelin. Qofkii
saluuga erayga fargan waxaad fiirisaa dadka C/hi dilay intii Puntland loo
dhiibay ama qabsaday iyo ka horba oo kala ah:
1. Wiilashii wadaadada ahaa ee reer tolkiis
ahaa oo boqolaal gaarayey. Sidoo kale waxaa ku dhintay boqolaal kale oo
C/hi u dagaalamaysay.
2. Dad Burtinle masaajid ku tukanaya oo la
dilay.
3. Faarax Dheere.
4. Suldaan Hurre.
5. Dadkii ku dhintay dagaalkii sokeeye ee u
dhaxeeyey isaga iyo Cadde Muuse oo boqolaal gaaray.
6. Wadaado Boosaaso lagu jar-jaray.
7. Markuu Boosaaso qabsanayey oo uu jidka
kusii dilay dad shicib ah oon wax galabsan.
8. Wiilashii hadda Laascaano lagu laayey oo
uu sababteed lahaa.
Xagga degaankana waa mar uu xeradii daraawiishta gato mar
uu Ramadaan dhexdi bushash dad masaakiin ah burburiyo iyo mar uu Garoowe
guryaha ka soo horjeeda meeshuu degenyahay ka banaysto. Marka qofkii garanaya
waxuu u geystay dadkuu cadowga u yaqaan hanoo sheego?
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |Jan 20, 2004
| Updated: Jan 21, 2004
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|