Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
“Wax ku qaadanmaysaan wacadaraha adduunkee weydiiya
culumada” “wacadaraha adduunkana waxaa laga waraystaa ruuxii waxgaradee”. Ma
xasuusto hal-abuurayaashii mirahaas kala lahaa laakiin waxaan garanayaa
labadii fannaan ee kala qaadi jiray. Waxaan aamminsanahay in
hal-abuurayaashaasi ay ka keeneen aayaddii Qur’aanka ahayd ee oranaysaa
“fas’aluu ahla dikri inkuntum laa taclamuun” oo ah waydiiya culumada
haddaydaan aqoon. Ninkastoo caalim ahi waa waxgarad. Marka qofkii adduun
kaliya xittaa dani ka hayso waa inuu wuxuu rabo yaqaan ama qof yaqaan
weydiiyaa. Laakiin waxaa la arkay dagaal-oogaha oo arrintaas dabo-maray.
Wuxuu nasteexo u doontaa kii dili lahaa (Xabashida). Waxaa la-taliye u ah mid
dayuus ah oo aan xishoon. Waxa uu dabka ku guraana waa dayday, jirri iyo
mooryaan.
Iyadoo waqti abaar ah la joogo baa oday hilbo u qaybinayey
barbaar, wuxuu cad hilib ah ugu tuuray midkii barbaarta u yaraa laakiin uu
rabay inuu xeeradana la galo, cadkaas kashkaashka (ciidda) loogu tuurayna
kaligiis u cuno. Wiilkii yaraa si fiican uma fahmin sida loogu xeeriyey,
marka odaygii baa yiri: doqoni cad ciid loogu tuuray cad uma qaadato. Qanyare,
Cumar Filish iyo Maxamed Dheere waxaan kula taliyey anoo ku hadlayey Ururkii
Xallinta Mashaakilka Soomaaliyeed inay hadday xal doonyihiin inta isugu
tagaan, Xamar ay xalliyaan oo dekedda iyo garoonka furaan. Hadday dhaqaale
iyo haybad u baahanyihiin halkaas bay taal. Sidoo kale Soomaaliya ayaa dani
ugu jirtaa hadday Xamar degto ka dibna waxaa laga hadli karaa sidii dowlad
loo dhisi lahaa. Markaan arkay inaysan taladaas diyaar u ahayn baan la hadlay
qabiilooyinkii ay ka dhasheen anoo leh war hebel cesheda. Waa sida Soomaalidu
u tiraahdo laabi labo u la’ oo belaayaa u hargo lushay. Kornaylkii baa
halkaas balag uga lulay oo leh isoo haleela haddaad horumar rabtaan.
Sida Dayniile werisay waxay leedahay kornayl C/hi, Xuseen
Caydiid, Deeroow iyo Xasan Abshir waxay leeyihiin dhib uma aragno haddii
tirada la badsho halka intii kale ee SRRC ay halkoodii ku dhagan yihiin.
Waxaa ugu daran mid kastoo oo ka mid ah waxaad ka maqlaysaa isagoo leh:
siyaasaddu saaxiibbo joogtaa ma leh! Waxaysan aqoon sida hadalkooda loo
siyaasadeeyo/munaafaqadeeyo.
Runtii haddii inta qof aad talo siiso uu kaa diido oo
halkaas laga soo gaaro, ma jirto meel kuu damqataa. Haddii sida Deyniile
warisay run noqoto waxaan filayaa cid Maxamed Dheere, Moorgan iyo Qanyare wax
u celinaysa inaysan jirin. Maaddaama Soomaalidu qabiilka ku dheerayso waxay
dhaheen: tolkaa iyo kabtaadaba bartankoodaa looga jiraa. Bal suurayso Maxamed
Dheere oo Muuse Suudi ku lahaa Yaaqshid ma mari kartid adoo waardiye wata
ilaa aad fasax iga soo qaadatid haddii maanta la leeyahay caddee inay
dushaada tahay haddii shirku burburo? Maxamed Dheere wuxuu u fadhiyey inuu
C/hi iyo Xasan Abshir Jowhar geeyo laakiin ma fahmin in C/hi jilib-culus
yahay. Waxay ugu darnayd markay SRRC soo dirsatay xubno la shira kuwa C/Qaasim
iyo Muuse Suudi, xubnihii SRRC waxay dhaheen waxaan rabnaa C/Qaasim oo kaliya.
Qolyihii C/Qaasim waxay dhaheen war annaga C/Qaasim baa nasoo diray sida
idinkaba SRRC idiin soo dirtay ee nala hadla laakiin SRRC waa diiday marka
waxaa kuu cad inaysan SRRC aqoon waxay u socoto iyo waxay ka socoto. Waa
arrintaas arrinta keentay in wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya uu SRRC u
arko inay C/hi tahay.
Maxaan ulahaa SRRC waxay u taagantahay:
Sidoo kale USC waxaan ku sheegay:
Soomaalidu ma waxay moodeen in maqaalka sidii sheeko
xariirtii la iska qoro? Haddaad wax sheeko-xariir u qaadanaysid u qaado
shirarka dagaal-oogayaasha.
Sidii gabyaagu u lahaa: dhaaxaa girliga leyla dhacay gaal
sidaan ahaye, marka haddaan shacab nahay wax badan baa shilke lanala dhacee
waxaan ku raaxaysanaynaa dhalleecada iyo ceebaha haysta dagaal-oogayaal badan.
Waxaan ku soo xirayaa beydad uu Khaliif u tirshay
Dharbaaxo-Jaan isagoo ku leh:
-
adigoo martabadaad lahayd galab lagaa meershay
-
adigoo maruuryo iyo ciil wada madoobaaday
-
oo meel xilleh taagan baan maandhoow kaa naxaye.
Sidoo kale wuxuu yiri:
-
rag mashaqo dhextaal waa inay qolo musheeysaaye
-
mataraaryihii waayadan waa malkhadayaaye
-
waligaa madluunkaas ahoow meero lagu saarye.
Marka SRRC isku door ma qaadan karto marka waxaan leeyahay
sidii Cali-Dhuux lahaa:
Marka C/hi oon ilmo adeer nahay haddii Ilaahay dadkaas u
sahlay maxaan ka rabaa?!