SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON, UK

Kornayl C/hi oo Carta (ka mid) noqday

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......



Abdiqassim Salad Hassan, iyo Abdullahi Yusouf Ahmed oo gacanta is haysta, kulankii Nairobi ee  January 9, 2004 (Sawirka: Reuters)  

 

 

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Haddaad dib u akhrisaan Allpuntland maqaalladoodii 2001 waxaad arkaysaan, ma jiro isim, oday dhaqameed, caaqil ama sarkaal caan ah oo Putnland lahayd ilaa waxay ugu yeereen Cartaad tihiin!

Waxaan arkayey nin internentka wax ku qor-qora oo yiri Soomaalidu waa xoolo. Horta waxay ahayd inuu dadka kala saaro. Soomaalidu waa wax-walbaale. Ninkii dagaal-ooge raaca waad dhihi kartaa waa xoolo ama xoolahaa dhaama maxaa yeelay xooluhu waxay raacaan jidkii loo abuuray. Laakiin Soomaalidu Sheekh, Shariif iyo kuwa shar badanba waa leedahay.

Sanadkii 1997 markii xisbiga la yiraahdo Tory (Conservative) ee waddankan Britian looga adkaaday doorashadii oo xisbiga shaqaaluhu soo baxay ayaa waxaa u tartamay jagada guddoomiyaha xisbiga muxaafadkaa (Conservative) rag door ah oo ay ka mid ahaayeen Kenneth Clarke oo Chancellor ahaa, William Hague, John Redwood iyo kuwo kale. Markii xaaladu meel xun ka daganayso ayaa waxaa heshiiyey Kenneth Clarke iyo John Redwood si haddii Kenneth Clarke uu guddoomiye usoo baxo uu John u helo jago fiican xisbiga mucaaradka dhexdiisa haddii Ilaah dowlad mustaqbalkaa u sahlo. Laakiin waxaa la arkay warbaahintii Ingiriiska oo la yaabtay isku-soo dhowaanshaha labada nin ilaa ay joornaaladu qaar siiyeen cinwaan ah“A marriage from hell”. Waa la ogaa wixii labadii nin qabsaday oo waxay noqotay inay meesha ku hungoobeen oo William Hague uu ku guulaystay guddoomiya xisbiga muxaafadka. Laakiin isaga laftiisa iyo guddoomiye kale oo kagii dambeeyey xisbiga muxaafadkaa waxba ma helin oo waa salfatay.

Taloow muxuu C/hi dadka uga cayrsan jiray C/Qaasim haddiiba hadda la leeyahay waxa jira qurbo-sireed aan la aqoon meelay Nairobi kaga dhacayso oo la qariyey. Soow sheekadu u ekaan mayso tii Soomaalidu ka sheegtay haweentii aragtay gabadheedii oo nin kufsanayo oo inta qaar (bud/dhamas) la soo oroday markay damacday inay ninka gabadha ka kiciso dabadeed uu ninkii islaantii lafteeda inta qal iyo labo-daan ku dhegay iyada lafteedii wax ka dayey.Sidoo kale markay gabadhii aragtay ninkii oo islaantii ku rarran, markeedii qaarta qaadatay oo markay dhowr jeer ninkii huwisay, habartii tiri: hooyo qoodha lama dilo! Shoow C/hi wuxuu dadka ka cayrsanayey inuu C/Qaasim u noqdo ra’iisulwasaare. Hadday noqoto in C/Qaasim uu yahay ninka ra’iisul wasaare doonkaa waxaan filayaa inaan C/hi Yuusuf xaal siin doono oo aanan mar dambe maqaal ka qorayn. Soowse sidii Kenneth iyo John Redwood ku dhacday lagama yaabo inay meesha ku hungoobaan marka SRRC iyo golaha samatabixintu arkaan nimanku inaysan ahayn kuwo la aammini karo marba hadday saaxiibadoodba ka dhuunteen. Waxaa kaaga sii daran kornaylku Maxamed Dheere iyo Aadan Madoobe oo aan u qaatay inay yihiin labo nin oo aan hadal la gabban wuxuu u diray “sambuus afar gees leh” micnaha waa isdhaafiyey si ay qudo-sireedda siyaasadeed u dhacdo.

Waxaa la sheegaa in madaxweynihii Maxamed Siyaad oo waddo Xamar ah maraya arkay sar dheer oo meel fiican laga dhisayo markaasuu weydiiyey cidda sartaas dhisanayna markaasaa lagu yiri hebel, waa nin wasiir ahaa. Maxamed Siyaad wuxuu yiri hebel wax ma xado ha iga harto. Waxay ila tahay odayaal badan iyo anigaba inaan mar dambe naloo celin doonin shaabbaddii ahayd Carta. Maxaa yeelay mar haddii odaygii noogu weynaaba caawa C/Qaasim marti u yahay.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com |Jan 17, 2004

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD