SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON
Mudduloodoow Maxamed Dheere Mbagathi ku soo celiya

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Ilaah baa mahadleh. Nabadegelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

“War yaa dhalay oo dhacsada”. Horta bahasha siyaasaddaa waa munaafaqayn badantahay marka ninkaan haysan dad la taliya ama aan markiisii hore maskax u dhalan kama bixi karo. Carabtu waxay tiraahdaa “ziinatul mar’i caqluhu” waa meesha gabyaagii Soomaaliyeed ka lahaa:

Maskaxdii Ilaah kuu gartaa lagu macaashaaye.

Waxaan xassuustaa dhallaanka Mudug oo dhaha baabuurkii taf-iyo-miriqa ahaa wuxuu haystaa boolkii uu ku duuli lahaa laakiin waxaa ka maqan kuu ku soo degi lahaa. Hadda “madaxweynahayagu”, waa kornayl C/hiye wuu haystaa awooddii uu maan-gaab badan kusoo jiidan lahaa, ha ahaato mid lacageed ama mid madax-qasbiba laakiin waxaa ka maqan inuu samaysto la-taliye waxgarad ah oo uu maqlo waxa loo soo jeedinayo.

Been idiin ma sheegayo haddii Muddulood ama qolyaha kale ee Xamar ay qabsanlahaayeen dagaal-oogayaashooda, C/hi wuxuu noqon lahaa kalluun biyo laga soo saaray. Waa tii loo oranjiray doontu biyo la’aan ma socoto. Mar kastoon damacno inaan dagaal-oogahayagaas wax ka qabano waxaa nagu soo baxa dagaal-oogayaal yar-yar oo Xamar ama Koonfurta kale ka soo qamaamay markaasaa la arkaa isagoo madaxweyne laga dhigay. Haddaad C/hi madaxweyne ku sheegtid wuxuu ku oran doolar sheego.

Yaa Maxamed Dheere Jowhar u diray? Ma Muddulood? Maxamed Dheere wuxuu ku guulaysan waayey inuu qof Puntland ka socda uu geeyo Jowhar. Hadday maqaalkan ka dib tagaan waa maqasho kale laakiin Moorgan iyo Xasan Abshir oo aan waxba haysan xittaa diide inay Jowhar tagaan. C/hi dad Muddulood ka socda ma geeyey Puntland? Haddii Allpuntland la weydiin lahaa waa inkiri lahaayeen laakiin Hiloowle Iimaan ma yahay Muddulood? Waa arkayseen in Moorgan, Mowliid Macaane iyo C/hi dhaheen haddii tirada ergada la kordhiyo kama qaybgalayno shirka. Qolyahayagaas marka laga reebo Mowliid macaane, Qanyare iyo Shaatiguduud waxay muujiyeen reer magaalnimo ah in tartiib loo socdo laakiin ninkii caddaystay in Jowhar loo soo dirsaday waa Maxamed Dheere. Yaa soo dirsaday? Ma u malaynaysaan in Moorgan, Qanyare, Xasan Abshir, Shaatiguduud iyo Mowliid Macaane cid diri karaan? Haddaan Maxamed Dheere lagu soo celin Mbagathi waxaa dhab noqonaysa hadalkii kornaylka ee ahaa waxaan noqonayaa ninka ugu dambeeya ee shirka ka baxa laakiin waxaan shakki ku jirin, maskaxda ugu horraysa ee shirka ka baxda waa tan C/hi isagoo Maxamed Dheere matalo oo uu yiraahdo anigu shirka kuma noqonayo. Taasi hadday dhacdo waxaa dhacaysa in la yiraahdo shirkii 14-tobnaad ama tiraduu rabo siiye waxaa bur-buriyey hogaamiyaasha Xamar. Haddaan Xamar u qoro waxaan noqonayaa siyaasi laakiin dheh siyaasiyiinta Hawiye. Ilayn qof kasta waa ogyahay xiriirka Jowhar iyo Xamar ka dhaxeeya.

C/hi maskax baa ku maqan maxaa yeelay waxaa nala soo baray in mar doqon lagu yiri hal geel ah qaad oo ay isa soo taagtay oo tiri ma qaadayo iyadoo laga rabay inay tiraahdo ma qaadi karo. Marka kornaylku wakaa leh waxaan noqonayaa qofka ugu dambeeya ee shirka ka baxa (waa Maandeeq ma qaadi karo) halka Maxamed Dheere dhabarka u ritay oo uu leeyahay waxaan u qaadanayaa Jowhar oo kuma soo noqonayo Mbagathi. Yaa mas’uuliyad intaas le’eg qaadan kara? Marka Mudduloodoow haddaad talo yeelaysaan ninkaas Mbagathi ku soo cesha oo hadduu rabo fikraddiisa ha dhiibto laakiin iyadoo ulo booc la isugu tukubayo, yeeysan adinka idin eersan. Ama sidii dawacadu dufanka u marisay gorayada arrintu ha noqoto. Ugu yaraan sida Qanyare ha u hadlo. Qanyare wuxuu dhahaa loo kala tagi maayo, halkaan baa dowlad lagu dhisayaa laakiin ma dhaho Dayniilaan la aadayaa.

Haddii Maxamed Dheere lasoo cesho ama uu ku dhawaaqo inuu ka qaybgelayo shirka waxaan idin tusayaa kornaylka oo horay usii booda. Marka kornaylkayagu waa shaagag la’yahee ha u noqonina taayiro.

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2003

»C/waaxid oo Dafiray Beel Degta Puntland [DhegoCade]

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD