SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
Aqoonsiga Somaliland Wuxuu KU xidhan yahay Shacabka Sool, Sanaag IYO Cayn.

 

Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood, Soomaaliya

 

Aqoonsiga Maamulka iskii isu magacaabay ee Somaliland wuxuu ku xidhan yahay inaga oo aan sooba araran , shacabka ku nool Sool, Sanaag Iyo Cayn ee kuma xidhna sarkaal maraykanka ku sugan oo la kulmay afar xubnood oo ka tirsan jabhadii burburinta iyo kala qaybinta shacabka Soomaaliyeed loo aasaasay ee SNM.

Haddaba waxaa is weydiin mudan shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn Maxay arrintaasi ka qabaan?, intaynaa u galin waxa ay ka qabaan shacabka goboladaasi ku nool arrinta somaliland, aan bal yara jaleecno dadka waxgaradka ah ee ka soo jeeda beelaha Isaaqa ee iyagu ku daalay siday aqoonsi u raadinayeen maxay yidhaahdeen? , aynu soo qaadano Cismaan kaluun hadalkii uu ka sii daayey dhawaan Idaacadda BBCda in aqoonsiga somaliland ku xidhan yahay jawharad laga dhex daydayayo gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn , ayna ku raadiyaan kuwa Somaliland u doodaa, aflagaado ay ku dheehan tahay Colaad la huriyo.

Waxayna arrintani ka danbaysay ka dib markii ay Ragg badan oo Isaaq ahi ay aad ula kulmeen dawlada Maraykanka si ay aqoonsi uga raadiyaan, waxayna maratykanku ku xidheen dadka ku nool goboladaasi arragtida ay ka qabaan Maamulka Somaliland.

Hadaynu haddaba u soo noqono Mawqiska ay dadka ku dhaqan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ka qabaan gooni isu taaga Somaliland muxuu yahay?.

Shacabkan oo iyaga aanay hore uga dhaxayn wax heshiis ah gumaysigii ingiriiska , isla markaana ay isla soo mareen dagaalo qadhaadh, halkan koodana ay hormood ka ahaayeen ciidmadii Daraawiishta mujaahidiinta ahaa, ayaa waxa ay hore u cadeeyeen mawqifkooda ku aadan maamulka somaliland, waxayna shaaca ka qaadeen in aanay marnaba ka suurta galayn deegaanadood siyaasad ama hadaf lagu kala qaybinayo Bulsha weynata Soomaaliyeed , arrintaas oo ay hore uga dagaalameen dhiigna ku daadiyeen, muddo shan iyo labaatan sanno ahna ay Ingiriis iyo raciyadiisii weerer is daba joog ah ku hayeen , kuna waayeen shan boqol oo qof oo shahiid oo mujaahid.

Waxayna maanta marlabaad cadeeyeen sida ay uga go'an tahay midnnimada ummadda soomaaliyeed , waxaana taas daliil u ah , dhawaan markii uu Riyaale yimi magaalada Laascaanood , waxay dadweynuhu kala hor yimaadeen diidmo cad, isaga oo watay rag ajnabiyao oo ka socday hay'ado badan oo caalami ah, oo iyaguna in dhahooda ku arkay guuldaradii Riyaale ku dhacday.

Waxaa iyana arrintan daliil Cad u ah sida ay dadweynaha deegaankani uga soo horjeedaan Maamulka Somaliland , dhawaan markii ay Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland Hawlgalada ka fuliyeen magaalada Laascaanood sida ay u soo dhaweeyeen hawlgalladaasi, oo ay aad ugu mushxaradeen, waxayna taasi marag madoonto u tahay dareenkooda ku wajahan maamulka somaliland in uu yahay mid aanay marnnaba ka raali noqondoonin, iyaga oo u arka in uu yahay mid lagu majara habaabinayo halgankoodii qiimaha badnaa ee mujaahidiintii daraawiishtu maal iyo nafba u hoireen .

waxaan haddaba ku soo gaba gabaynayaa maqaalkan in aanay marnnaba suurta gal ahayn in Aqoonsiga maamulka somaliland la baxay ay hayaan Maraykan iyo reer Yurub toona ee ay tahay , marka ugu horaysa mid ku jirta gacanta shacabka Reer Sool, Sanaag Iyo Cayn, iyaguna ayna halgan koodii awoowayaashood naf iyo maalba u hureen ay saxni dahab ah ku siiyaan jawharadaa kuwa cadowga u ah ummadda Soomaaliyeed ,ee danaha gaarka ah iyo tan beeleedka ah wata.

Waxaana nasiib wanaag ah in aanay marnnaba arrintani ka suuroobayn dadweynaha ku dhaqan Gobolladan iyo jaaliyadahooda dibada ku nool oo iyagu aad uga dheregsan dhagarta cadawga Soomaaliyed u maleegaayo Dalkooda Hooyo.

 Assad Cadaani Ibraahim
Laascaanood Soomaaliya
asadlaska@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan  3, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE ASAD CADAANI

<><><>

»MARAYKANKA OO SHEEGAY IN AY SL AQOONSANAYAAN [Diridhaba]
»Hadalkii C/laahi Yuusuf Jawaabihii laga bixiyay
 [A.Hasan]

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

kaah


 
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
 Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD