Janaayo 12, 2004
Xaaladda Magaalada Laascaanood.
Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com
Laascaanood, Soomaaliya
Xaalada magaalada Laascaanood ayaa iyadu ah
mid degan oo xasiloon, ka dib markii ay 9/1/04 isku haleeleen meel u dhow
magaalada Laascaanood oo lagu magacaabo Tifafle una jirta 15km, kagana beegan
dhinaca waqooyi, Ciidamada Daraawiishta ee dawlad goboleedka Puntland iyo
maleeshiyo beeleed uu watay Wasiirka horu-marinta reer miyiga ee Maamulka
iskii isu magacaabay ee somaliland , Fu'aad Aadan Cadde.
Waxaana goobtaasi ku geeriyooday laba qof oo
ka tirsanaa maleeshiyooyinka taageersan maamulka ismagacaabay, waxa kale oo
dhaawac u halkaasi ku soo gaadhay sadex ka tirsan maleeshiyadaa, sagaal
maxbuus ayaa iyaga loo dhaadhiciyey magaalo madaxda maamul goboleedka
Soomaaliyeed ee puntland, waxaan ku jiray nin ay walaalo yihiin Fu'aad Aadan
Cadde iyo wiil uu dhalay.
Ciidamada Daraawiishta ayaa maleeshiyadan
Somaliland taageersan ee u dhalaay gobolka sool, in toodii badnayd hubkii ka
dhigay dabadeedna sii daysay, oo u ogolaatay in ay guryahoodii ku noqdaan,
iyada oo odayashoodii gacana loo galiyey.
Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland
ayaa sheegay in ay dhinacooda kaga geeriyooday hal askari mid kalena ku
dhaawacmay , dhamaanoodna loo soo qaaday Cisbitaalak guud ee Magaalada
Laascaanood , wuxuuna maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland sheegay in
uu maamulka Somaliland mas'uul ka noqondoono wixii halkaasi ka dhacay,
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane
Maxmed Cabdi Xaashi ayaa dadweynaha Punland khudbad uu xalay u jeediyey ugu
sheegay in ay dagaal u diyaar garoobaan oo ay dalkooda daafacdaan , kana
daafacaan maamulka majara habowsan ee Riyaale hogaamiyo waa sidii hadalka u
dhigaye.
Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Sool
Ibraahim Jaamac Daad ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada
Laascaanood ku sheegay in ay ka xun yihiin wiilashii halkaasi ku geeriyoodey
ee ay soo khaldeen kuwa u shaqeeya sidii loo hagar daamayn lahaa bulshada
deegaankana , kana shaqeeya dhagarta shacbi weynaha Soomaaliyeed Gaar ahaanna
Shacabka PunTland.
Wuxuuna intaasi ku daray in ay dalkooda
difaaci doonaan haddii la soo weeraro dalkooda, kana difaaci doonaan cadowga
Soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigee.
Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa
heegan la galiyey si ay dalka u difaacaan, shacabka gobolka ku dhaqan ayaa
iyaguna u diyaar garoobey sidii ay ciidooda u difaaci lahaayeen , ugana
difaaci lahaayeen maamulka majara habowsan ee uu Riyaale Hogaaminayo waa
siday ii sheegeen dadweyne badan oo aan la kulmay .
Asad Cadaani
Laascaanood Somaliya
asadlaska@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk Jan 12, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
...QORAALADA
DADWEYNAHA EE MAANTA:
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|