Waxaa dhawaannadan aad u batay qoraalada ama maqaalada
lagu gorfaynaayo waxa loogu yeedhay xuduudaha maamulka aan ilaa iyo hadda cidin
aqoonsan ee iskii isu magacaabay, lana magac baxay Somaliland, waxaadna
arkaysaa iyada oo la cuskanayo qawaaniin caalamiya oo aanu garanayn kan qoraya
maqaalku halka ay ku jeedaan iyo goorta la soo saaray, waxaana go'aamadaasi ka
mid ah ,(xuduudaha afrika waa laguma xad gudbaan, oo sidii gumaysigu uga tagay
haloo ilaaliyo)arrintaas oo dadka u heelan qadiyada aan sharciga ahayn ee gooni
isutaaga somaliland ay had iyo jeer daliil cad oo sharciyeysan ka dhigtaan,
gaar ahaan kuwa mas'uuliyiinta ka ah maamulka iskii isu magacaabay, iyo waliba
qoraalada lagu qoro warbaahinta nidaamka Somaliland.
waxaa aad layaab u ah aqoondarada haysata dadka iyagu
sida indho la'aanta ah u taageera mabaadiida gumaystaha, waxaad mar marka qaar
is odha naysaa , mas'uuliyiinta somaliland way ogyihiin go'aankaasi waxa uu ku
soo baxay ee waxay ku majara habaabiyaan dadka maangaabka ah ee iyaga waligood
lagu adeegan jiray , had iyo jeerna la gashado aragtida la doonayo in ay u
adeegto figrada qaldan ee gooni isu taga ah.
waxaan haddaba jeclahay in aan u bayaamiyo dadka iyagu
had iyo jeer u heelan gooni isu taaga laba Gobol ee Togdheer iyo W/qooyi
galbeed, go'aanka xuduudaha Afrika ee uu soo saaray golaha midawga Afrika
sannadkii 1963kii , shirkii ugu horeeyey ee lagu aasaasayey Ururkaasi oo ka
dhacay magaalada Adis-Abab ee xarunta dalka Itoobiya.
Waxaana go'aankan ka danbeeyey Boqorkii dalkaasi
Itoobiya Xayla Salaase, oo isagu markaasi culayska saaraayey Jamhuuriyadii
Soomaaliya ee xilligaasi, in aanay ku doodin dhulkii ka maqnaa ee ay Itoobiya
Gacanta ku haysay ilaa iyo haatan kuba hayso.
waxaana arrintaasi garab ku siiyey dawlado badan oo ay
ka mid ahayd dawlada Masar oo uu xilligaa uu u talinayey Jamaal C/naasir Masar
garabnna kaga rabatay Dawladaha Afrikaanka, xilligaa Loolankiin ay kula jirtay
Israa'iil,iyo waliba dalka Kenya oo isaguna dhul Soomaaliyeed Gacanta ku haya,.
Haddaba Go'aanka in xuduudaha Afrika sidii uu
isticmaarku kaga kacay loodaayo waxay soo baxday xilli ay Soomaalidu midaysnayd
oo ay labadii gobol ee waqooyi iyo koonfuri, midaysnaayeen sadexsano, waana
arrin aan maanta marna laga garwaaqsan karin kuwa ku dooda Somaliland waxay soo
galaysaa xuduudihii afrika ee uu gumaysigu ka kacay, waa su'aale:- ma jirtay
dawlad la odhan jiray Somaliland xilligii uu shirkaasi ka dhacayey Adis-Ababa?
waxaa jawaabta , su'aashaa laga sugayaa u doodayaasha Jamhuuriyada iskeed isu
magacawday.
Waxaa iyana sii xoojinaysa arrintaasi in ay tahay mid
majaro habawsan , go'aankii golaha amaanka ee qaramada midoobey soo saaray
sannadkii 1993kii kaas oo uu aad uga soo shaqeeyey guddoomiyaha golaha
wakiilada ee maamulka lamagac baxay Somaliland Axmed Aadan Qaybe, xilligaas oo
uu ahaa muwaadin saalix ah, oo aanu ku caasiyoobin bulshadiisa iyo qarankiisa.
Go'aankaas oo qeexaayey in ay midnnimada ummadda
Soomaaliyeed Muqadastahay oo ay lama taabtaan tahay, arrintaas oo ku kaliiftay
wasiirkii Arriaha Dibada ee hore, ee maamulka Somaliland Fagadhe in uu ku
tilmaamo go'aan (edebdaran).
Waxaana la yaab ah in uu maanta xil u hayo kii
meelwalba ka soo xidhay maamulka Somaliland taas oo ku tusaysa shacabka ku nool
Burco iyo Hargeysa in sidii la doono wax loogu shubi karo, oo karaamadooda meel
lagaga dhici karo, waxaana laga dhaadhiciyaa in uu Qaybe Go'aankaas isagu soo
furdaamin karo markale.
Waxaan marnnaba suuroobayn in ay Soomaaliya marlabaad u
kala qaybsanto Somalia, iyo Somaliland, oo ay laba Calan kala yeeshaan,
dadkooduna kala qoqobnaado, waxaana taas suura galinayn bulsho weynta caalamka
oo ka dharagsan in ay Soomaalidu Qabiil, Qabiil u diritay, iyo dadka
Soomaaliyeed oo intooda badani diidan yihiin aragtida noocaas oo kale ah, marka
laga reebo labada Gobol ee Togdheer iyo W/Galbeed Dadka ku nool,.
Waxaa iyaguna laf dhabar u ah midnnimada Soomaaliyeed
oo ku dhegan Bulsho weynta ku dhaqan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, oo aan
marnnaba raali ka noqonayn in Soomaaliya la kala dhantaalo midnnimadeeda, iyaga
oo aaminsan in ay arrintaasi ku waayeen ilaa shan boqol oo kun oo mujaahid,
xilligii ay la dagaalamayeen Ingiriiska iyo Raciyadiisii.
Waxaana Muuqata in ay soo dhamaatay xilligii lagu
maaweelin jiray bulshada ku nool Burco Iyo Hargeysa aqoonsigii Jamhuuriya
Shankaroonland ayaa soo dhow,oo ay maanta muuqato in ay bulshada aduunku
dhabarka u soo jeedisay , Riyaale kaahinna uu colaad hurinayo , dhabar jabweyn
ku noqon karta xasiloonnida maamulka Somaliland , Taas oo uu ku geli karo Mugdi,
ayna halkaasi ku soo afjarmayso Riyadii Aqoonsiga Somaliland.
Waxaan ku soo khatimayaa qoraalkan, in aanay
mas'uuliyiinta Somaliland u noqonkarin, qodob ay ku doodaan ,(xuduudaha Afrika
sidii gumaysigu kaga tagey halloodaayo).
Assad Cadaani Ibraahim
Laascaanood Soomaaliya
asadlaska@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan