A salaamu
Calaykum
wr
wb.
Dhacdooyinkii Xiisaha La haa Ee Dunida Ka
dhacay 2003
Abdifatah Hassan Adan
Hargeysa
Email:
cabdifataax_96@hotmail.com
Qormad waxaynu ku soo qaadanaynaa
dhacdooyinkii xiisah lahaa ee aduunka ka dhacay dhacdooyinkaan waxa ugu
horaysa.
Guur dhacay 50 sano dabadeed!
Sheekadan waxay ka dhacday dalka Maraykanka markii ay is
barteen ninka la yidhaahdo Eric Kay oo Ingiriis ah iyo Lorita Lojan oo
maraykanka ah sannadku markuu ahaa 1952, iskuna dirijirey waraaqaha,
da'dooduna ahayd Eric oo 12 jir, Loritana ay ahayd 11 jir.
Labada qof ee is jeclaa dib iskumay arag ilaa sanadku
markuu ahaa 1980, markaas oo gabadha Lorita, u dhooftay dalka Ingiriiska si
ay uga tacsiyadayso Eric oo xaaskiisi dhimatay, intaa ka bacdi ayuu
xidhiidhkoodi iyo jaceylkii ay isu qabeen sii adkaaday, laakiin guurkoodi
wuxuu dhacay sanadka 2003.
markii la waydiiyey sababtu, waxay yidhaahdee, waqti ayaanu
isa siinay si aan barashada u adkayno.
Ilma yar oo reer China ah oo ku dhashay isaga oo daba
Daanyeer leh!
Gabadh u dhalatay dalka Shiinaha ayaa dhakhtar ku
dhashayilma yar oo daba daayeer leh, kuna taallo badhida dusheeda.
Arrinkan wuxu kaga yaabiyey dhaakhtiirtii oo dhan, kana
bixin kari waayeen tafasiil, se waxay ku gadheen sidii looga jari lahaa
dabada ku taalla ilmaha yar, si aanay dhibaato ugu keenin, mida kale qaanuun
baa u yaala dalka shiinaha in reer kasta uu yeesho ilma keliya.
Dhaawacii Ciidda jaceylka!
Nin ingiriis ah oo mujirim khadar ah ayaa la yaabay marka
uu ku arkay magaciisa liis 10 qof ah oo ka mid ah Mujirimiinta ugu waaweyn ee
Boolisku fiira dheer u yeesheen.
Laakiin markan may aheyn mid dadka loo digayo, ee waxay
ahayd kaadh (post) loo soo diray munaasabada ciidda jaceylk, markii ay soo
gaadhay warqadan uu is yidhi fur ayaa gabadh uu jeclaa oo la joogtay ay tidhi
aniagaa furayaa, markii ay furtay wuxuu ku arkay wadne far cas lagu qoray iyo
hadalo jaceylka ku saabsan, cadho xun baa soo gaadhay waxaanay qaadatay
haashtari xadiid ah madaxana ay kaga dhufatay, dhaawac weyna soo gaadhay
ninki.
Ninkii tuuga ahaa dacwada ayuu furtay, isaga oo ku
eedaynaya booliska in sabab u yhiiin dilkaa soo gaadhay, dalbadayna mag dhow,
Laakiin maxkamadii qaadaysay dacwadani way diiday dalabka tuugaas, waxaanay
ku tidhi kaarka ciidda jaceylka ee laguu soo direy niyad wanaag ayey ahayd,
se waxa ku diley Hinaase Dumar.
Waali Cusub oo ka yaabiyey Wodra!
Maxkamada ku taala magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa
go'aansatay in nin shaqaale dhisme ah la geeyo dhakhtarka waalida si loo
daweeyo, markii uu xaday 125 Kaatun oo dahab ah, kana xaday dukaanada dahabka
iibiya falkan tuugada ah markii uu xaakinku weydiiyey sababta ula kacay
ninkaas, wuxuu yidhi waxaan jeclahay gabadha la yidhaahdo Klodia Shifar oo
xayeysiisa dharka cusub.
waxaanan u soo xaday tiradaas si ay gabadhaas uga baadhato
midda farteeda ku haboon, anigoo aan qiyaasta fateeda garaneyn.
Markii wax laga weydiiyey Klodia NInkaas jecel, waxay ku
jawabtay waxba kama ogi jaceylka ninkaas, waxaan filayaa inuu waashay.
Jaceylkii Qabowga!
dhacdada kale ee ruux la yaabo waxay noqotay qof u dhashay
dalka Shiinaha oo la yidhaahdo Jiin Song Haw oo 48 jir ah, ayaa tartan loo
qabtey dad dhex taagnaan doona dhul baraf ah oo 29 digrii ka hooseeya sifirka
oo dhabarka qofka la qaawinayo, ayaa ku guulaystay.
Ninka markii uu taagnaa muddo 4 sacadooda, mar wax laga
weydiiyey sida uu ugu noolaan karo barafkaas, wuxuu yidhi tobabar gaadhaya 10
sanno ah kuna ordi jiray, cuntada uu cuni jirayna ka koobnayeen hilib adhi,
cunto badeed, malab iyo tufaax.
Cilmigii la diley!
Waxa yarna aynu u kacno dalka eraan, aabo u dhashay dalka
eraan, oo 34 jir ahaa aya inankiisu dugsigyada wax laga barto dhigta ku diley
markii uu madax gidaar ugu dhuftay aqalkiisa ah, isla markiibana uu
geeriyooday sababtuna waxay ahayd, markii uu wiilkaasi Imtixaankii dugsiga
wax uu ka baranayey dhimay darajooyinkii loo baahnaa hal maado keliya, balse
intii kale si wacan u gadbey.
Abdifatah Hassan Adan
Hargeysa
cabdifataax_96@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk Jan 10, 2003
QORAALADII
HORE EE ABDIFATAX XASSAN
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|