SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
 Nin Soomaali ah oo u dhintay dhaawac ay u geysteen tuugo iyo mid kale oo isna lugu dhaawacay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.


Nin soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo Cabdi Jaamac (Cabdi Tookiyo) ayaa shalay waxa u dhintay dhaawac ay toddobaadkii hore u geysteen tuugo aan la gareyneyn oo mindi dhuunta ka galiyey madaxana dhaawac xoogan u geystay xilli ninkaasi uu saarnaa gaari uu watay.
Marxuumkan ayey wararku sheegayaan in dhaawaciisii laga helay goob laga raaco tareenada oo ku taalay agagaarka bartamaha magaalada Gothenburg ee dalkan Sweden.
Lama yaqaan sababta loo dilay marxamuukan oo dhaawiciisii ay booliska ka heleen madaxdii tareenada ee ay tuugadaasi ku jiiday markii ay baabuurkiisa ka degsadeen islamarkaasina ay ka qaateen.
Booliska ayaa iminka waxey ku raad joogaan raggii dilay ninkan soomaaliga ah iyo sababta loo dilayba. Ilaa haddana wax ay ku tuhmayaan habayaraatee ma jirto aan ka aheen iney wareysiyo la yeesheen dhowr qofood oo kamid ah ehalada ninkaasi la dilay.

Sidda kaloo maalintii axada ayaa isna waxaa tooray lugu dhaawacay ninkale oo soomaali oo degen mid kamid ah xaafadda ay sida aadka ah e degto Soomaalida Gothenburg. Ninkan ayaa isna dhaawicii mindida lugu dhiftay aaney noqon mid qatar ku noqota noloshiisa waxaana la sheegay inuu isbitaalkii kasoo baxay oo hadda doowooyinkiisa ku qaadanayo guriga. Balse mida iswediinta mudan ayaa waxa ay tahay maxaa toddobaad wax ka yar lugu weeraray labo qof oo soomaali ah, yaase ka danbeeyey maxaase ka dhaxeeya xirriir ah labada fal ee loo geystay nimankan soomaalida ah ee uu midkood u dhintay dhaawacii loo geystay afartii bishan janaayo??
Jawaabahan ayaa ilaa iyo hadda si deg deg ah loo heli karin balse booliska waxaa ay sheegayaan ineysan wax habayaraatee aan la isku xirriirin karin falalkii lugu tooreeyey nimankan Soomaalida ah.

Illaahey ha u naxariistee Marxuum Cabdi Jaamac Tookiyo waxaa uu ahaa nin leh xaas iyo carruur. Dadka soomaaliyeed ee degan magaalada Gothenburg ayaa aad uga xumaday falkii naxariis darrada lahaa ee lugu dilay marxuumkaasi, mid kalena looga dhaawacay. Iyagoo labadan nin ee soomaalida ah ay ahaayeen dad aan wax galabsan oo la dulmiyey.

Dadka soomaaliyeed ee iyagu dagaalada sokeeye ee dalkooda aafeeyeen ayaa maalin walba siyaalo kala duwan ugu dhinta dalalka ay maganta u yihiin. Soomaalida degan dalka Sweden ayaan iyagu la kulmin dhibaatooyinka qaar ee ay qabaan soomaalida kale ee ku nool dalka Mareykanka oo inta badan ka shaqeeya tagaasida taasina ay keento in la dilo iyagoo shaqadooda gudanayo.
Isku soo wada duuboo waxaa hubaal ah in dadka soomaaliyeed ay yihiin dad aan dowlad iyo qaran difaaca xaquuqdooda aysan jirin aan ka aheyn dagaal oogeyaal dadka baday iney shisheeyaha dawarsadaan islamarkaasina siyaalo kala duwan loogu ugaarsado dalalka ay maciinka badeen.

Illaahey ha u naxriisto Marxuum Cabid Jaamac,intii uu ka tagay samir iyo iimaan saadaq ah Illaahey ha siiyo!! Aaamin Aaamin Aaamin!

»Mijailovic oo qirtay dilkii wasiiraddii arimaha dibada Sweden


Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden 
ikraam@journalist.com 

SomaliTalk.com | Jan 8, 2004

SOOMAALIDA LAGU DILEY QURBAHA

Ninkii Diley Maxamed Axmed Saalax oo Xabsiga Loo Taxaabay [Minneapolis]

Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika
Habeenimadii Axada 25 May 2003 goor ku dhaw 7.00 fiidnimo (Hal saac oo fiidnimo) ayaa dukaan uu gadayay lagu dhex toogtay wiil dhalinyara ah oo Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Shaafi Bille C/Laahi.
 GUJI

Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed oolagu dilay gurigiisa oo ku yaala Johannesburg.... GUJI  13/12

Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika

Nin Soomaaliyeed oo Lagutoogtey Maxkad Dhexdeed - Yemen
Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegay in ladiley Soomaali lagu magcaabo C/Shakuur Aadan kadib markii lagu dhex toogtey.. GUJI.  30/6/2002

QAREEN SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY ATLANTA, USA
Ahmed Dabarran oo ahaa 32 jir, waxa uu qareen (prosecutor) maxkamadeed ka ahaa degaanka "Fulton County" ee kuyaal Atlanta, USA GUJI... May 11, 2001

.... MAXKAMADII DILKII SHIDANE.... CANADA

.... DILKII ABU-QAASIM.... MINNESOTA 

 <><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD