Baaq ay
soo saartay Jaaliyadda Deggan California ee u dhalatay deegaanka Sool, Sanaag
iyo Cayn
Annagoo ah dadka u dhashay Sool, Sanaag iyo
Cayn, waxaannu si wayn u taageeraynaa
Go’aanadii ay soo saareen dawladda iyo
barlamaanka Puntland ee ku saabsanaa ilaalinta xasiloonida iyo amaanka dadka
iyo difaaca xuduudda ay leedahay Dawlad Goboleedka Puntland.
Waxaan kale si laxaad leh u ayidaynaa
bannaan baxyadii ay dhigeen dadka deggan magaalada Laas Caanood ee ay ku
muujiyeen shucuurtooda. Beesha deegaanka lama jujuubi karo, waxaanay rabinna
laguma khasbi karo, dhulkoodana xoog laguma qabsan karo.
Waxaannu diidan nahay oo ka horjeednaa oo
lid ku nahay kuwa ah dameeri dhaan raacday oo dabagalayaasha ah ee loo soo
diray inay fidno iyo fadqalalo ka ridaan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn
iyagoo fulinaya danaha dad kale kana horjeeda danaha dadkooda iyo dhulkoodii
ay u dhasheen. Waxaannu leenahay waa in si dhab ah oo aan suubaa salaax iyo
daciifnimo ku jirin looga hortago nimankaas aan wax mabda’ ah lahayn,
deegaankana ha laga eryo hadday ka hadhi waayaan shirqoolka, manjo xaabinta,
curyaaminta iyo kharbudaada ay ku hayaan aayaha iyo danaha asaasiga ah ee
deegaanka.
Waxaannu si xoog leh oo daacad ah u ayid
sannahay soocelinta midnimadii, qaranimadii, sharafkii, iyo sumucaddii uu
lahaa dalka Soomaaliya.
Jaaliyadda Sool, Sanaag iyo Cayn
La xiriir:
mohamed_ali_dad@yahoo.com
San Diego. 5 Janawari 2004
SomaliTalk.com | Jan 7, 2004 |
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|