SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh

Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena

“Maskaxdaadu yey noqon Maqal Boqolaal Muftaax iyo Lagu Furo Musaabiir

Sida Macamusaha Qaar Ninba Maalin Xidhan yahay”

Abdifatah Hassan Adan

Hargeysa

Email: cabdifataax_96@hotmail.com 

Hadalkaygan ama mawduucayga waxa aan kaga hadli doonaa qofba sida uu wax isugu mashquuliyo iyo dadku waxay kala aaminsan yihiin. 

Hadaanu nahay dad Somaliya ah,  af somalina ku wada hadla aanu kala noqono Dad reer Somaliland ah, Puntland ah, Somalia, ah.

Hadaba sida aanu wada ognahay waxa ku badan imika website yada somalidu leedahay arin imika kala dhex taagan Somaliland iyo Puntland taaso qofba figradiisa ama wixii uu nacab yahay ku soo bandhigaya website yada, isagoo laga yaabo in uu faaniyo dhinaca Qabiilkiisa oo uu aflagaadeeyo qabiilo kale ama dadkale oo ay walaalo yihiin lagana yaabo in ay xidhiidh ka dhaxeeyo ama ganacsi, kaasi waxa aan filayaa waxana uuna ogayn marna uu niyada gashan adiga oo ah reer hebel ayaad reer hebel dhinaca diinta aad ka walaaltinimowaysan, illaahayna (SW) waxa uu yidhi “MUUMUNINTA AYUUNBA AH DAD WALAALA AH” Nabiguna (CSW) waxa uu yidhi isagoo qabyalada aad u diidaya “ISKAGA TAGA IYADU WAA BAKHTIYEE”  horta hadii aanu nahay dad islaamka ah,  isku diina ah, isku af ah , maaha in aanu colaad aynu kala qaadno ama aynu dad Somali ah aanu horu markooga iyo waxaysamaysteen aanu ka soo hor jeesano, taasina waa ta imika dadka Reer Somaliland ee dhistay dawlada madaxbanaan lagala soo horjeedo lana leeyahay Somaliya ma kala go’I karto.

Hadii aanu nahay dadka reer Somaliland ee dowlada dhistay waxa aanu anu yeeli lahayn waxa aan filayaa Somalida kale may yeelin, anagu maadaama aanu dowlada dhisanay weli aan la ictiraafin Somalida kale ee dhibaatadu haysto marna maanu odhan lahayn weligood sidaa ha ahaadaan, laakiinse waanu u ducayn lahayn waxana aanu odhan lahayn Illaahay dhibaatada haysta iyo is afgaranwaaga ha ka dhax saaro ha una dhiso dowlad.  

Hadaba dad ayaa imika aad uga soo hor jeeda gooni isku taaga Somaliland Geed Gaaban iyo Geed Dheerna u fuulay sidii ay Somaliland u burburin lahaayeen iskuna keeni lahaayeen dawladii la odhan jiray Somalia ee burburtay, hadaba kuwaasi waxayna marna ogayn qadarka illaahay iyo illaahay waxa uu qoray, taasina waa tay somalidu weligood wax horumar ah ay u samayn la yihiin iskuna xaasidayaan. Nabiguna (CSW) waxa uu yidhi “HA IS XAASIDINA, HA ISKUNA CADHOONINA, HA ISKUNA ERYINA….. A HAADANA WALAALO ILLAAHAY” 

Mar labaad Somaliland mala mudoobi doontaa Somaliya?

Anigu run ahaanti ma rumayni ama isma lihi Somaliland ayaa dib ula mudiibi doonta Somalia.

Hadaba waxa aan filayaa dadka inta badan ee website dadka wax gelinayaa in inta badan ay yihiin dad wax garad ah laakiin waxa ku dhex jira dad aad ay qabyaaladu u samaysay iyo colaada ay u qabaan walaalohooga kale jecelna markasta in ay qof uun u jawaabaan hadala xun xuna ugu jawaabaan.

Horta run ahaantii ma fiicana marka aad wax qorayso in aad toos qabiil aad u abaarto waxna aad ka sheegto adiga oo adeegsanaya hadalo xun xun oo kugu keenayaa jawaabo ama cayba, dadka qaar ayaa marka ay qoraan maqalada toos u weraraya dowlada ama qabiil ayaa marka hadalo xun xun loogu soo jawaabo iyaguna ugu jawaaba hadalo xun xun.

Hadaba qofka qoraaga ihi ama maqaal qorayaaya dad badani akhrisanayaa waa in uu qoraalkiisa ka ilaaliyo waxyaaba cayda iyo dhibta u soo jiidi kara toosna u abaaraya cidkale.

Jawaab aan Cida ay ku Socoto Garanayn

Sida aanu wada ogsoonahay qofkasta oo halkan maqaal soo geliya waxa ku xusan magaciisa iyo emailkiisa, hadaba waxa jira dad intaa ka indho la is odhanayana qofkaa uga jawaab hadalkiisa qofkii ay islahaayeen uga jawaab hadalkiisa ayna jawaabtii ku socotay u direen ay u dirayaan qofkale oo jawaabtaasiba ayna qusayn, hadaba wax somalitalk aanu wiigan  u soo diray anigu  hadal uu nin aanu saaxiib nahay ugu jawaabayay ninkii qoray maqaalkii magaciisu ahaa AQOONSIGA SOMALILAND WAXA UU KU XIDHAN YAHAY SHACABKA SOOL, SANAAG IYO CAYN oo uu qoray ninka la yidhaa Asad Cadaani, Hadaba Jawaabtaa uu ninkaa aanu saaxiibka nahay qoray ayaan waxa ku qornaa Magaciisa iyo Emailkiisa Taas oo walaalaha Somalitalk na ay hoosta kaga qoreen waxa na soo gaarsiyay Abdifatah oo ay emailkaygana ku qoreen.

Ayaa hadaba akhriste indha la oo godoodsan Jawaabtiisuna aynan garanayn cida ay ku socoto,   ayaa qoraal gadhka ii soo geliyay, hadaba waxa aan odhan lahaa dadka maqalada ama hadalada ka jawaabayaa bal horta inta aanay wax ka jawaabin ha u fiirsadan waxa ay ka jawaabayan iyo halka ay ku hagaajinayaan.

Mahadnaq

Waxa aan halkaan ugu mahadnaqayaa dad badan oo Somalitalk wax geliya, iyagoo waxyaaba ay halkaa soo gelinayaa aad ay u anfacayaan dadka, weliba waxa aan si gaar ah aan ugu mahadnaqayaa Walaalayaasha aad nooga caawinayaa Computerka iyo isticmalkiisa iyo program dadka anfacaya, aniga oo jeclaa in mahadnaqaa aan mid kasta emailkiisa aan ugu diro laakiin emailkii ugu horeyey ee aan is idhi u dir ayaa waxa dhacday in uu noqdo email khaldan iguna soo noqdo, emailkaas oo uu lahaa walaalka soo bandhigay barnaamijyada dadka anfacaya magaciisuna yahay C/risaaq emailka uu ku soo qortayna uu ahaa sidan rcabdi@hotmail.com emailkaas oo ah mid khaldan, markaa walaalaha kale ee emailadooda ku soo bandhigaya websiteda waxa aan odhan lahaa ku soo bandhiga emailo sax ah.

Waxa kaloo mahadnaq iyaguna leh walaalaha sameeyay website Somalitalk, geliyana emailada xambaarsan maqaalada mihiimka ah ee walaalaha kale ay u soo dirayaan.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Waa Walaalkii

Abdifatah Hassan Adan

Hargeysa

Email: cabdifataax_96@hotmail.com 

  SomaliTalk.com | Jan 7, 2004 |

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 <><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD