SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 Jawaab: Kulan Shareedkii Kadhacay Minneapolis

Shiikh Abdiraxmaan Maxamed jibriil
jibriil1950@yahoo.com
 

Assalaamu calaykum ww.

Walaal, waad ku mahadsantihiin baraarujinta wanaagsan iyo ka xumaanta dhaqanka xun.Waxaan tix raacayaa maqaalkii aad ka qorteen shirkii sharka ee ka dhacay Minisoto,ee Soomaalida iyo Oromadu ku xuseen Sanadka Cusub.

»Isbadal Waa Lagama Maarmaan  [Shiikh.Jibriil]

Aad ayaan ula dhacay sida fiican ee aad sawirka uga bixiseen wixii ka dhacay Goobta shirarka ee Mineaples. Waa xaqiiqo jirta oo aan la'inkiri-karin.Waa nasiib daro iyo dhaqan guur inagu dhacay.

Hase yeeshee waxaan rabaa inaan iftiimiyo in waxaas ay naan diidikarin. Waxaan ogolaanay inaan katagno dalkeena oo kunoolaano dal aynaan lahayn.Waxaan ogolaanay inaan Dowlad la'aan ahaano muddo dheer.Waxaan ogolaanay inaan qabiil qabiil usulayno.Waxaan ogolaanay wax kasta oo aan danteenu ku jirin. Sidaan u ogolaanay waa si ficil ah.Laakiin afti kumaynaan bixin.Haddana waxaan inkiraynaa oo aan diidaynaa natiijadii dabeeciga ahayd ee ka dhalatay waxaan samaynay!!!

Marka walaal, ma u'egnahay qof intuu biyo galay haddana layaaban inuu qoyo,oo misana sii cabanaya oo leh bal arka waan qoyay.Maxaan u qoyay? Ama qof beertiisii ku abuuray Galay kadib markii galay u soo baxday, dacwoonaya oo leh, bal arka, waxaan filayay Bariis.Ma filayn Galay.Sidee hadda dhahayaa Galay.Maxaan Galay ku falayaa.Waa inaan bariis helaa.

Waxa aan nahay iyo waxa inagu dhacay, waa mirihii ka dhashay, fikirkeenna, dhaqankeena, caqiidadeena iyo tarbiyadeena. Ilaahay inama dulmin ee innaga ayaa nafteenna dulminay.

Haddaad diido in waxa aan ku suganahay yihiin mirihii aan abuurnay,macnaheedu waxaa weeye waa nala dulmiyay oo waxaa nalagu ciqaabay wax aanaan samayn. Allena sidaas dadka ku maamulo ee wuxuu siiyaa waxay istaahilaan.Waa SUNNO ILAAHI AH oo dhabeeci ah.

Waxa aan ku suganahay waa waxa aan istaahilno hadda. Haddii aan badalno afkeerteenna iyo dhaqankeenna khariban,lakiin aan u haysano inuu wanaagsanyahay- Haddaan badalno dhaqankaas iyo fikirkaas aan macnaha la'hayn-- waa sida ay aniga ilatahay- Markaas ayaan umad jirta noqonaynaa.Markaas ayaan wax kala doorankarnaa oo waxaynaan rabin diidi karnaa.Waxaan rabnana dooran karnaa. Laakiin hadda maxaad ku hadli kartaa? Maxaad diidi kartaa? Maxaad doorankartaa? Maxaad tahay? Maxaa jiritaankaagu qaymo ah oo uu leeyaahay? Kaliya waad iska noo shahay.Markaad dhimatana waad arkaysaa.Taariikhda waxba ku malihid. Naxariista iyo daryeelka dadka kale ayaad ku nooshahay.

Marka aniga oo kula dareemaya masiibada iyo Diin la'aanta, ayaan haddana waxaan u haystaa inay dabeecitahay in sidaas wax noqdaan.

Xalku waa inaan dib u fikirno,oo nafteenna isbadal ku samayno.Waxa nafteena ku jira haddaan badalno,xaalkeena waa isbadalayaa.Waa ballan ALLE. Hadaynaan badalin waxa nafteenna ku jira,oo aan sii difaacno,oo u haysano inay yihiin waxa kaliya ee jira ama xaqqa ah, waxaan ku sugnaanaynaa sida aan hadda nahay iyo kadaran.

Iga raalli ahaada haddaan sheegay waxaan haboonayn ama aan dhab ahayn. Waa sidii ay aniga ila noqotay.Waad mahadsantihiin.

»Isbadal Waa Lagama Maarmaan  

Shiikh Abdiraxmaan Maxamed jibriil
jibriil1950@yahoo.com

  SomaliTalk.com | Jan 6, 2004 |

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaaleh qoraaga ku saxiixan

 <><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD