Washington Post (Jimce January 2, 2004) qaybta yar oo ka
mid ah sawirka ay qaaradda Afrika mustaqbalka ku dambeyn doonto ayaa ka
bidhaamaysa arlada Somaliland ee ku dhacda Waqooyiga galbeed ee dalkii la
odhan jiray soomaaliya, isla markaana ku dhawaaqday sannadkii 1991 inay tahay
dal madaxbanan.
Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, inkastoo aanay ka muuqan
bilic barwaaqo, haddana waaa magaalo xaami ah oo saxmadii ka socoto, waxaanad
judhiiba arkaysaa nidaamka iyo kala danbaynta magaalada ka jirta, taas oo ay
hargeysi kaga duwan tahay magaalooyinka kale ee Africa ku yaal intooda badan,
waxaanad arkaysaa Bileyska wadooyinka oo qoroxda taagan, baabuurtana kala
hagaya, iyadoo gaadiidleydu u hogaansamayaan.
Markaa la eego qadarka yare e lacagta ah ee ay Bileyskaasi
mushahar ahaan u qaataana, waxaaba la odhan karaa waxay ku shaqeeyaan
mutadawacnimo.
Wallow nidaamkaa iyo kala danbeyntu ahayd astaamihi lagu
yiqiin dawladnimada, dal aqoonsaday Somaliland, iyada oo adduunweynuhu weli
ku dhegan yahay sheekada khayaaliga ah ee ah sidii oo ay Somalia weli tahay
dal midaysan oo leh dawlad wada xukunta, markaa aad eegto sababaha is-yeel-yeelka
beesha caalamka ee ay iskaga indhotirayso jiritaanka Somaliland , waxaad aad
u fahmaysaa maalayacni-nimada ku jirta siyaasadaha caalamiga ah ee wax lagu
aqoonsado.
Cahdigii isticmaarka Somaliland waxay ahayd maxmiyada hoos
timaada dalka Britain, waxaanay noqotay dal madaxbanaan Sannadkii 1960 kii
shan maalmood ka dibna Somaliland waxay Somalia oo Talyaanigu gumaysan jiray
kula bahowday dalkii Jamhuuriyadda Somaaliyeed.
Hase yeeshee Sannadkii 1989 kii ayaa xukuumadii Orgomahii
Madxweyne Siyaad Barre ay dagaal ku soo qaaday Somaliland, iyadoo oo ka cabsi
qabtay in dadka reer Somaliland ay rabaan in ay gooni isu taagaan.
Diyaaradaha dagaalka ee dawladda ayaa iyaga oo ka haadaya
garoonka diyaaraha ee hergeysa, duqayn aan loo aaboyeelin u geystay isla
magaalada, taas oo dhulka la sintay wax allaale wixii dhismayaal ah ee
halkaas ka taagnaa.
Dhacdadaan oo caalamku ka war la’aa waxa lagu laayey 50,000
oo qof, waxana ku barakacay oo dhinaca Itoobiya u kaxay 500,000 oo qof,
iyadoo tirada dadka Somaliland lagu qiyaaso 2 Milyan.
Dhowr sannadood oo kale ayaa qalalaaso ka sii jiray
Somaliland balse umay sii liicin waxana si talaabo talaabo ah dib loogu soo
dabaalay nidaamkii iyo kala danbayntii waxana la sameeyay maamul xukumadeed,
ka xoontigiina dib u soo laabtay waxana u biyaysteen geedi soco dheer oo dhib
u dhis ah.
Sannadkii 2001 Afti si xor iyo xalaal ah u dhacday ayaa 89%
dadkii cododkooga dhiibtay ay ku ogalaadeen Distoor Cusub oo si cad u
bayaaminaaya madax banaanida Somaliland intaa ka dib.
Sannadkii 2002 Somaliland waxay ku guulaystay oo u
qabsoomay doorashadii Golayaasha Deeganka oo ay goob joog ay ka ahaayeen
muraaqibiin caalamiya ah.
Wax yar ka dibna waxa Sannadkii 2003 Qabsooomay doorashadii
Madaxtooyada Somaliland oo iyaduna u dhacday six or ah oo xalaal ah,
doorashadaas oo ahayd mid reebtay ma-hado gaar ah, iyada oo xisbiga talada
hayay ee UDUB oo uu hogaaminayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin guushu ku
raacday 217 cod oo keliya tirade dadka codkooda bixiyayna ahaayeen 500,000 (shan
boqol oo kun).
Inkastoo xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye markii hore uu
muran ka keenay natiijadaas, hase yeeshee aakhirkii wuu aqbalay, isaga oo
muujiyay xilkasnimo iyo masuuliyadnimo qayral-caadi ah marka loo eego
taariikhda Somalia ee hidaha u leh in qori caaradii la isu adeegsado, si loo
xaliyo khilaaf kasta oo dhaca.
Sidoo kale Somaliland waxaa u qorshaysan in Sannadkan
gudihiisa la qabto doorashadii Baarlamaanka, iyada oo xildhibaanada hadda
jiraa ay yihiin kuwa la sooo magacaabay.
Haddaba markay doorashadaasisi dhacdo, Somaliland waxay
yeellan doontaa Dimuqraadiyada ka cajiibsan ta ka jirta badiba dalalka Afrika.
Qofka garaadka fayow ee si caadi ah u fakirayaa waxa uu si
odhaanayaa waxyaabahan cajiibka ah ee dadka reer Somaaliland u qabsoomay,
doonaan in ay caalamka intiisa kale kaga helaan ixtiraam iyo aqoonsi, taas oo
welibana mudan tixgelin dheeraad ah, marka la eego sida aanay weli dawladii
ugu jirin Somalia ee ay burburka baahay weli taxatka u taalo lagaga
caal-waayay gurmadkii bili aadamnimo ee taariikhda adduunka ugu qaalisanaa ee
loo fidiyay toban sannadood ka hor.
Laakiin macquuliyaadkaas garowshi yihiisu ma yaalo Geeska
Africa oo waxa keliya ee reer koonfureedku heshiis ku yihiin waxa weeye in
aanay Somaliland go’in Afrika inteeda kalena weli kama jiraan wax arrinta
Somaliland u garaaba.
Xilligii Istiqlaalka madaxda Afrika waxay go’aan meel
dhigteen in xuduudihii guracnaa ee isticmaarku ka tagay ay sidoodi ahaadaan
sababtoo ah, waxay garan waayeen si kale oo ay uga wareegaan iyo iyaga oo ka
baqo-qaba in qaaradduba fawdo iyo qalalaase gasho haddii dadyowga dalalkooda
ku nool loo ogolaado in ay aayahooda ka tashadaan (Self- determination).
Xuduudahaas la dhaqan geliyay ee rasmiga noqday, waxay
madaxda Afrika u saamaxday in ictiraafkooda lagu xidhin oo aan cidiba waydiin
in ay gacanta ku wada hayaaan dalalka ay xukumaan iyo in kale iyo in ay sifo
sharciya talada dalalkooda ku haystaan iyo in kale.
Dadka reer Somaliland waxay ku guulaysteen inay dalkooda
nabad ku soo dabaallaan, mana jirto maskax iyo muruq shisheeye oo arrintas
gacan ka siiyay.
Dabcan weli Somaliland waxii dul yaalla dhibaatooyin cul
culus oo dadweynahooda inta wax akhriyi karta, waxna qori kartaa waa 30%
waxbarashada habluhuna ma dhaafsiisna malcaamada Quraanka, qaybo badan oo
xukuumadda ka tirsanna waxa hadheeyay musuq maasuq, ninkastana waxa guriga u
yaalla qori raga badan kooduna waxay dakhligooda iyo waqtigooda ku lumiyaan
Cunista Jaadka.
Falalkiii dhawaan lagu dilay gabadh Talyaani ah oo ka
shaqeyn jirtay hawlaha dhashay dalka Britain, ayaa iyaguna dadka reer
Somaliland ku riday walaac muujinaya siday weli Somaliland halista ugu tahay
inay soo weeraraan argagixisada ku taamaysa inay gooni isu taageeda
carqaladayso.
Haddiiba Somailand ictiraaf la siin lahaa, waxay taasi
digniin u noqon lahayd Afrika inteeda kale inaan la ismacaashsiin gobonimadii
la helay lixdamaadkii oo arrintaasi marmarisiiyo u noqon doonin guul
daradooda joogtada ah, balse waxa la isku tixgelin doonaa ay noqon doonta
sida dal walba wax u qabsado tahay meel Afrika ka jira ee goosasho
quud-daraynaya. Kolkaas caalamka way u bannaan tahay in la ictiraafo
Somaliland iyada oo la tixgelinayo guulaha u qabsoomay iyo sharciyada ay ku
garanayso, lamana filaayo in taasi ay khalkhal ku keeni doonta maabka Afrika.
Dadka reer Somaliland gebi ahaantood waxay ay isweydiinayaa:
waa maxay wax intaa ka badan ee aanu arkayna sida beesha Caalamku u dhaqanto
ee ay weli u aqoonsan tahay inay yihiin dalal jira oo madaxbanaan Liberia,
Sierra Leon, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo iyo Meelaha badan ee kale
ee fawdadu ka habsatay?
Waxay ila tahay waa la joogaa xilligii su’aashaas
Jawaabteeda dadkaasi la siin lahaa.
(Jeffery Herbsi waa gudoomiyaha qaybta siyaasadda ee
Jaamacadda Princeton ee dalka Maraykanka)
Tarjadan waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey
abdifatah hassan
cabdifataax_96@hotmail.com
ENGLISH: