Xuduudaha Afrika Iyo Maan-gaabka Puntland
Dabayaaqadii bishii Diisambar ee 2003 waxaa Maamulka
Puntland duullaan gardarro ah ku soo qaaday isla
markaana ku qabsaday magaalo madaxda gobolka Sool,
Laas-caanood, oo ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland
isaga oo ku soo gabbanaya abtirsiimo qabiil.
Duullaankaas oo aad ugu xad-gudbay xuduudda caalamiga
ah ee u dhaxaysa Somaliland iyo Somalia oo laga
aqoonsanyahay Qaramada Midoobay, iyo Ururka Modowga
Afrika isla markaana ay ku salaysnayd gobonimadii
labada dal kala qaateen ee 1960, waxaa laga lahaa
dhawrka ujeeddo ee kala ah: in la kala googooyo dhulka
iyo ummadda Somaliland si looga horjoogsado aqoonsiga
Beesha Caalamka oo soo dhawaaday, in Somaliland qasab
loogu cesho midnimadii Somalia ee lagu hungoobay, iyo
in Somaliland iyo Somalia mid kasta laga gooyo dhul
lana abuuro dhul lagu magacaabo "Harti."
Col. Cabdullaahi Yussuf Yey oo waraysiyo kooban kala
siiyay Shabakaddaha Wararka iyo Laanta BBC
ee magaalada Nairobi markii taariikhdu ahayd Diisambar
29 iyo 31 ee 2003 waxa nuxurka hadalkiisu ku soo
uruuray in qabsashada Laas-caanood ku salaysnayd
labada arrimood ee kala ah: In Laas-caanood tahay
DHul Harti,iyo in aanu aqoonsanayn xuduuddii
isticmaarku jeexay ee u dhaxaysa Somaliland iyo
Somalia, taas oo ay la wadaagaan dhammanba dalalka
Afrika ee xorta ah, qaranimadooda iyo
dawladnimadooduna ku dhisantahay. Col. Cabdullaahi
Yussuf oo wax badan ku soo jiray maamul dawladeed lana
filayey inuu wax ka yaqaan qawaaniinta caalamka ee
dunidanu ku dhisantahay, siiba xuduudaha u dhaxeeya
dalalka Afrika, ayaa waxaa caddaatay inuu yahay
maan-gaab aan waqtigaas dheer ka faa`iidaysan xoogna
wax ku doonaya, garaadkiisuna ku eg yahay kaabbo
qabiilnimo, wacyigiisa siyaasadduna aanu dhaafsiisnayn
heer beel ama degaan. Dagaal-oogahaas oo shirarka
nabad-raadinta Somalia is-dhextaaga kuna dooda inuu
noqonkaro Madaxweyne isu-keenikara nabadna ka
dhex-dhalinka kara dalka iyo shacabka Somalia ayaa mar
keliya waraysigaas ku muujiyey wajigiisa runta ah oo
ah nin u go`doomay u dagaallanka riyo dal Harti, kana
qaawan astaamaha iyo xurmada madaxweynenimo oo ah
wacyi siyaasadeed oo sare kuna salaysan qaranimo,
wadanimo, iyo dhawrista qawaaniinta caalamka. Hadalka
waraysigaasu waxa uu digniin u noqday dadka Somalia
oo maanta ogaaday in Col. Cabdullaahi Yussuf aanu
ahayn nin qaran balse uu yahay nin qabiil oo ay
adagtahay in lagu aamino madaxtinimada Somalia
maadaama uu aaminsanyahay wax aan suurtogal ahayn oo
ah isu-keenka qabiil kala degan dhawr dal. Dr Cali
Khaliif Galaydh ayaa isna isla maalmahaas bixiyay
waraysi dhaliil leh oo uu ku sheegay in gobolka Sool
taariikh ahaan iyo degaan ahaan ka tirsanyahay dalka
Somaliland laakiin dhalasho ahaan ka tirsanyahay
Puntland. Waa yaabee xaggee lagu arkay gobol ka
dhaxeeya laba dal?. Gobolka Sool ma dhextaallo
Somaliland iyo Somalia ee waxay taariikh ahaan, dad
ahaan,degaan ahaan, sharci caalami ahaan, xuduud
ahaan, dawlad ahaan, iyo dastuur ahaanba ka
tirsanyahay Somaliland. Nasiib-darro, Dr Cali Khaliif
Galaydh ugama faa`iidaysan aqoontiisa xushmaynta iyo
aqoonsiga xuduudaha laguma-xad-gudbaanka ah ee
Qaaradda Afrika oo aan wax shuqul ah ku lahayn wada
dhalasho ama abtirsiimo, mana uu muujin in wacyigiisa
aqooneed ka sarraysiiyay garaadka liita ee Col.
Cabdullaahi Yussuf oo isagu qabyaaladda iyo xukun
jacaylka u qabatimay sida dadku u qabatimo daroogada.
Waxaa Col. Cabdullaahi Yussuf loo sheegayaa in
qaranimada, dawladnimada, iyo aqoonsiga
diblomaasiyadeed ee dhammaan dalalka qaaradaha Afrika,
Laatiin Ameerika, iyo Aasiya ay ku dhisanyihiin
xuduudihii isticmaarka Yurub jeexay qarniyadii 17aad,
18aad, 19aad, iyo 20aad, isla markaana ay Beesha
Caalamka, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Afrikaba si
buuxda u aqoonsanyihiin. Xuduudda caalamiga ah ee
Somaliland oo mar lala jeexay xuduudaha Qaaradda
Afrika waxay Garoowe u martaa 5km, Boosaasana waxay u
martaa 7km.
Qaaradda Afrika ama qaaradaha kale ee dunida kama jiro
dal ka kooban ama ay degantahay hal beel oo qudha
balse waxa dadka dal kasta ka koobanyahay dhawr
beelood oo kala geddisan, xuduuduhuna kuma salaysna
qabiil ama abtirsiimo balse waxay si cad ugu
dhisanyihiin degaan ama dhul. Xuduud qabiil ma jirto
ee waxaa jirta xuduud dal. Beelaha Aadanaha intooda
badan, beel kasta waxay kala degtaa dhawr dal oo
is-xiga. Bal aan eegno sida qaar ka mid ah Beelaha
Afrika ay u kala degaan dhawr dal oo jaar ah:-
- -Beesha Fulani: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka
Sudan, Senegal, iyo Cameron.
- -Beesha Hausa: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka
Nigeria iyo Niger.
- -Beesha Yoruba: Beeshanu waxay kala degtaa wadamada
Nigeria iyo Benin.
- -Beesha Bobo: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka
Burkino Faso iyo Mali.
- -Beesha Maasai: Beeshanu waxay kala degtaa wadamada
Kenya iyo Tanzania.
- -Beesha Berbers: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka
Morocco, Tunisia, Algeria iwm.
- -Beesha Hawiyaha: Beeshan xoogeedu waxa uu degaa dalka
Somalia, waxa kale oo ay degtaa Kenya iyo Ethiopia.
- -Beesha Isaaqa: Beeshan xoogeedu waxa uu degaa dalka
Somaliland, waxay kale oo degtaa Jabuuti, Ethiopia,
iyo Kenya.
- -Beesha Daaroodka: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka
Somalia, Somaliland, Kenya, iyo Ethiopia.
-
- -Beesha Samaroon: Beeshanu waxay kala degtaa dalalka
Somaliland, Jabuuti, iyo Ethiopia.
Dhammaan beelahaas Afrika waxay beel kasta la
wadaagtaa dalka ay degantahay arrimaha kala ah:
Taariikh,dad, dhul, xuduud, qaranimo, dawladnimo, iyo
dastuur, sidaasna waxa u aqoonsan Beesha Caalamka,
Qaramada Midoobay, iyo Ururka Midowga Afrika.
Haddaba, wax maan-gal ah ma tahay in adduunka maanta
sidaas u dhisan ee beel kastaba kala degantahay dhawr
dal xoog lagu bedelo nidaamkiisa, dawladnimada iyo
qaranimada dalna lagu burburiyo dagaallo la isugu
keenayo degaanada kala duwan ee beel wadaagta
abtirsiimo si loo abuuro dawlad qabiil? Jawaabtu waa
maya oo waa mustaxiil. Ma dhicikarto, qawaaniinta
caalamkuna ma oggola in Nigeria ku duusho dalka Niger
kana qabsato dhulka ay ka degantahay Beesha Hausa
iyada oo ku andacoonaysa inay isku qabiil yihiin,
iskana indho-saabaysa xuduudda caalamiga ah ee u
dhaxaysa labada dal, amaba sidaas oo kale ay
Jamhuuriyadda Somaliland ku duusho dalka Jabuuti kana
qabsato qaybta ay ka degto Beesha Samaroon iyada oo ku
andacoonaysa abtirsiimo, iskana indhatiraysa xuduudda
caalamiga ee u dhaxaysa labada waddan. Haddaba, waa
taas maan-gaabnida uu ku kacay qab-qablaha
maamul-goboleedka Puntland ee Majeerteenia oo aan wax
aqoon ah u lahayn degsiimada Beelaha Afrika, si cadna
u inkirsan xuduudaha ka dhexeeya dalalka Afrika, wax
ixtiraam ahna aan u hayn qawaaniinta caalamiga ah ee
nabadgelyada iyo deganaanshaha dunidu ku dhisantahay
markii uu ku duulay maagalo madaxda gobolka Sool,
Laas-caanood, oo ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland
xuduud ahaan, una badheedhay inuu xoog isugu keeno
qabiilka Hartiga ee kala dega Somaliland iyo Somalia.
Isku-daygan isna waa ka mustaxiil xagga qawaaniinta
caalamka. Boorama, Berbera, iyo Laas-caanood uma kala
sokeeyaan maamul goboleedka Puntland, waana laga
gudbay xilligii dadka lagu beer-laxawsanjiray "Waxaynu
nahay isku-qabiil" waayo waxay rabaan aayo iyo
mustaqbal wanaagsan oo ay ku helaan dalkooda hooyo,
arrintaasna dadweynaha Reer Laas-caanood waxay si cad
ugu muujiyeen mudaaharaadkii iyo dhagax-tuurkii ay
kala hortageen budh-caddii kaga soo duushay gobolka
Puntland ee Somalia.
Haddii la iska indhasaabo gardarrada qaawan ee gobolka
Puntland kula kacay Jamhuuriyadda Somaliland iyo ku
xad-gudubka xuduudaha caalamiga ah, waxaa khatar
gelaya dhammaan xuduudaha Afrika marka dalba dal ku
duulo abtirsiimo awgeed sidaas halis lagu gesho
qaranimada iyo dawlanimada waddan kasta. Beesha
Caalamka, Qaramada Midoobay, iyo Ururka Midowga
Afrikaba waxay duullaanka Puntland ee Laas-caanood u
arkaan gardarro lagula kacay wadajirka qarameed iyo
dhuleed ee J. Somaliland iyo xad-gudub weyn oo loo
geystay xuduudaha caalamiga ah ee Afrika. Qaanuunka
Qaramada Midoobay ee la xidhiidha madaxbanaanida dal
kasta waxa uu waddan kasta awood u siinaya inuu
is-daafaco haddii dal ama xoogag shisheeye ku soo
xad-gudbaan dhulkiisa iyo qaranimadiisa.
Sidaas awgeed, Jamhuuriyadda Somaliland marnaba
gorgortan kula gelimayso Puntland dhulkeeda Hooyo
haddii ay taako ka haysato. Dariiqa keliya ee J.
Somaliland u furani waa inay xoog kula soo noqoto
dhulka xoog looga qabsado. Si arrintaas loo fusho
markastana loo sugo difaaca dalka hooyo waa in awoodda
la saaraa dhismaha difaaca dalka lana sameeyaa ciidan
laxaad leh oo duruufaha dagaalka casriga ah u
tababaran kuna qalabaysan hubka casriga ah. waa in la
dhisaa niyadda Ciidanka Qaranka lana siiyaa nolol iyo
mushahar ku filan iyaga, xaasaskooda iyo carruurtooda
isla markaana laga ilaashaa ka werwerka nolol
maalmeedka qoyska maadaama nabadgelyada, qaranimada,
iyo horumarka dalku ku fadhido kuna dhisan tahay
ciidan heegan u ah mar kasta, daandaansiga cadawguna
ku dhicin in uu u hawoodo dhulka hooyo.
Qore: Ibrahim Hassan - sool- laascanood
January 3,2004.
waarrya1955@hotmail.com