DAGAAL WIIL BAA KU DHINTA KUMASE DHASHO
WAXAAN BERYAHAN LA SOCONAYEY XAALADA KA DHEX ALOOSAN MAAMULADA
MAJEERTEENKA IYO ISAAQA WAXAAN IDIIN SHEEGAYAA WAXAA IDINKA MAQAN BELAAYO
OO INTII JAMUURIYADII SOOMAALIYA BURBURTAY AYAAD GAARTEEN HEER SARE WAXAANA
FIICAN IN BINI,AADNKU NIMCADA MAHADIYO WAAYO WADAMADIINA DAGAAL KAMA DHICIN
MUDADII SADEX IYO TOBANKA SANO AHAYD WAXAA FILAYAA HADDAAD DANTIINA GARAN
WAYDAAN INAAN IDIN ORANAAYO NABADA SOOMAALIYA KA DHACDAA WAXAY KU XIRAN
TAHAY DAGAAL DHEX MARA ISAAQA IYO MAJEERTEENKA DIB U MILICSO XIRIIRKA
LABADAA QOLO 1969KII KA HOR
CALOOWE1@HOTMAIL.COM
|
Xisbiga UDUB ayaa shalay war saxaafadeed uu kasoo saaray xafiiskiisa
magaaalada hargeysa jawaab kaga bixiyay hadalkii uu dabayaaqadii todobaadkii
ina dhaafay madaxweynaha Puntland C/laahi yuusuf oo ay waraysanaysay Idaacada
BBC ku af lagaadeeyay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.
War saxaafadeedka uun soo saaray xisbiga UDUB oo uu ku saxeexan yahay
xoghayaha Xisbigaa Maxamed Bulaale, wuxuu isagoo dhamays tiran u qornaa sidan:
“Waxaan jeclahay inaan wax yar ka idhaahdo hadalkii ama badheedhihii C/laahi
Yuusuf Axmed uu BBC-da ka sheegay iyo go’aankii rasmiga ahaa ee barlamaanka
Somaliland uu ku ansixiyey sugida xuduudaha dalkan.
Madaxweyne Rayaale reer Somaliland kuma ay dooranin dagaal yahanimo iyo dad
laysnimo ee waxa aanu ku dooranay in uu yahay madaxweynah Somaliland gudaheeda
iyo darisyadeedaba nabad waarta iyo xasilooni ka samayn kara.
C.laahi yuusuf uma quudho in aan ku idhaahdo waxa aad ka timi Jirriban iyo
Bali Busle, dhulka aad qaska dilka iyo qoriga ku haysataana waaGaroowe, Qardho
iyo Boosaaso oo raga leh la yaqaano.
Ina Yuusuf waxa aan u sheegayaa dhulbahante iyo warsangeli in qolo iyo
hartinimo wax ka dhow oo ka jifaysan ay reer Somaliland isu yihiin, waa isku naf
nolosha ayaa ka dhexaysa, degaanka iyo daaqa ayaa ka dhexeeya, dalka ayaa ka
dhexeeya, dawladnimada ayaa ka dhexaysa.
Dhulbahante iyo warsangeli waxaa hantida \ma guurtada ee ugu badan ku
leeyihiin dhaqaalahooda iyo ganacsigooduna ku socdaa degenaantooda Somaliland
sida magaalada Burco, Hargeysa iyo Boorama.
Dawladnimada JSL ma aha mid qori lagu xukumo, mid qolo gaar u leedahay ee waa
dawladnimo la wada dhistay iyo xukumadeena la wada leeyahay .
Aad ayaan uga xumahay walaahi C/laahi yuusufow dhulbahante ma laha qiimaynta
aad ka haysato ee ah inay yihiin ciidan siyaasada iyo kolba wax aad doonayso
heegan u ah oo marka aad doonana majeerteen gudihiisa aad u adeegsanayso oo ku
laynayso, marka aad doontana aad jamhuuriyada Somaliland ee ay ka mid yihin u
adeegsan karto oo ka horkeeni karto, shaxdaasi C/laahiyow way kaa khaldan tahay
ee dib ugu noqo.
Waxaan odhaahdayda ku soo murtiyeynayaa, go’aanka barlamaanka JSL ee
xuduudaha dalka lagu sugayaa waa lagama moqdaan. Ciidamada JSL si nabadgelyo ah
ayey ku tagayaan bixi ama yoocada qofba sida uu u yaqaano oo ah xadka JSL iyo
somaliya kala sooco , iyagoo ku talo galay wixii gardaro ah ee ka horyimaada
wiixi ay ka yeelayaan.
Xadku waa Bixi oo Garoowe u jirta 6Km:
waa xadkii talyaaniga iyo ingiriiska .
waa xadkii degmooyinka Laas-Caanood iyo Garoowe
Waa xadkii gobolada Nugaal iyo Sool
Waa xadkii Somaliland iyo Somaliya
Waa xadka ku cad ee ay qeexayso khariirada caalamiga ah (International
Map)
Qaabka loo tagayo iyo meel marinta hawshaasi waxa bud dhige u ah talinaya
ummada reer Sool ee dhulbahante”
abdifatah hassan
cabdifataax_96@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk Jan 5, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraag aku saxiixan