SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Guurkii Hablihii Laylkase ee Beelaha la haybsooco.

Cawl Mareero.
(Sulddaankii Cal-Miskaad)

cawl_mareero@hotmail.com

Bismillaah

Guurku waa xidhiidh dhex mara labo qof oo kala jinsi ah. wuxuuna ku yimaadaa rabitaan iyo dareen labadaas ruux ka yimid iyagoo arkay in uu jiro wax ay wadaagaan kaas oo u sahlaya in ay wada noolaadaan. Wuxuuna yimaadaa isbarsho iyo sheekaysi dabadeed.

waana labadaas qof oo kaliya ah kuwa garan kara ama qiyaasi kara in ay yihiin kuwo isu qalma oo nolosha waddagi kara.

Waaxse Jjirtey in Somalida dhaqankeeda uu meel weyn kaga jirey waxa la yidhaa KUF. ama af-soomali ahaan isu-qalan ku salaysnaa Qabiil. waana iayadoo qabiilada qaarkood aanay is guursan karin.

Waxaadse mooddaa in beryahan dambe loo soo jeestey sidii loo turtiri lahaa dhaqankaas xun. waxaana u sabab ah dadkii oo ku hormaray Barshada diinta iyo tan maadiga ahba.

Ogaw in culimadii hore ay aqoon la'aan darteed qayb ka ahaayeen dhiirigelinta kufka,maantase Allaah sahlaey oo diintii la bartay.

Waana arrin aynu ku faani karno Taarrikh ahaan haddii jiilkeena maanta joogaa arrintaa ka faro xasho.

Haadaba arrin dad badan ruuxba si ugu yaabisay ayaa qayb ka ahayd duulaanka lagu wado cidhibtirka Kufka, taas oo ahayd in wadaad uu shirkii beelaha la-hayb-sooco(Minneapolis) kag dhawaaqay in uu u guurinayo labo hablood oo uu dhalay Wiilasha la-hayb sooco.

»Cudurka Aidska iyo BBC-du maxay wadaagaan?  [Cali]

Haddaba Aniga aragtidayda Sheekhan Laylkase ee Hablihiisa bixiyey wuxuu iila muuqdaa Nin Caado xun dhiirrigeliyey isagoo u jeeday mid kale oo xun in uu la dagallaamo. una malayn maayo in uu Eebbe ugu dhawaanayo wax aanu ka raalli ahayn ama amrin in la sameeyo. kama duwan BBCdii Dhiirigelisay isticmaalka Cinjirka Galmada si ay ula dagaallamaan Fiditaanka Cudurka Aidiska.

Waxaa habboonayd in Sheekhu Hablihiisa ka codsado ama kula taliyo in ay falkaas sameeyaan. Balse waa arrin gurracan in uu shir la soo istaago hablahaygii ayaan bixiyey sidii ay yihiin lacag uu guriga kaga yimid oo isagu ku takri falkeeda kali ku yahay.

Diinteennu waxay inna baraysaa in Gabdhuhu dookhooda xor u yihiin, ayna guursan karaan ama diidi karaan Qofka ay iyagu ka helaan. Dabcan waalidku wuxuu leeyhay talo iyo soo jeedin. sida uu sheegay Xadiithkii Saxiixaa ah oo ibnu Maajah.

Gabadha Allaah iyada ayuu siiyey ikhtiyaarka ay ku guur san karto ama ku diidi karto.

Caadadaas xun ee ee is-hayb-sooca ah waxaa lagu suulin karaa iyada oo wada jir loogu guntado sidii loogu guntaday kii gudniinka gabdhaha oo aynu wada oganahay sida ilaa hadda loogu guulaystay.mar dhowna u muuqda in lasoo afjaro.

mana habboona mana wanaagsanaado guurka aan laga fiirsan ee ku yimaada isa siinta ama bixinta hablaha.

Gabogabadii hablaha cid aanay dooran loo guuriyo oo iyaba ka mid ahayd qaybaha xun xun ee dhaqankeenna ayaa u baahan iyada laftigaada in la cidhibtiro. balse ma habboona in Caado xun mid kasii xun lagu suuliyo. Khaladna khalad kale laguma saxo.

Nabdegelyo

Cawl Mareero.
(Sulddaankii Cal-Miskaad)

cawl_mareero@hotmail.com

»Ilko Doofaar la Hubsay [Suldaanka Cal miskaad]

Faafin: SomaliTalk Jan 5, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan

Gogol Fariisigii ugu Horreeyey ee Dhex Maray Beelahii la Hayb Sooci Jirey iyo Leelkase:
C/Raxman "Abu Turaabi" ayaa caawa ka run sheegay ballan Qaadkiisii, waxaana laga guddoomey gabdhihii uu.... Guji 3/1/04

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
 
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
 Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD